Axmed Cabdi Godane Madaxa Maleeshiyada Shabaab balse ardeydiisa ugu yeeran Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu Subeyr ayaa saxaafadda Magaalada Muqdisho soo gaarsiiyay cajalad maqal ah ayuu ku sheegay in xubno badan oo kula jiray Jihaadka ay wadadii ka weecdeen, wuxuuna sheegay inay haatan la safan yihiin wuxuu ugu yeeray Gaalo iyo xukuumaddo riddo ah waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Wadadii jihaadka waxaa ka leexday dad badan oo aan markii hore saf kuwada jirnay, iyagoo ka baqdin qaba in lagu tilmaamo argagaxiso, waxayna maanta la safan yihiin cadowga Islaamka” ayuu yiri Amiirka Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu Subeyr .
Amiirka Al-Shabaab ayaa Cajaladii uu soo gudbiyay wuxuu inta badan ku soo qaatay Aayado Diini ah iyo Gabayo uu ku cabirayo dagaalka ay ku jiraan, wuxuuna ku cambaareynaayay dadka uu sheegay inay ka leexdeen jihaadka, isagoo aan carrabka ku dhufan shaqsiyaadkaasi uu tilmaamay.
Wuxuu ka hadlay doorashooyda lagu wado inay todobaadka soo socda bilowgiisa ka dhacaan Somaliland, isagoo shacabka uga digay inay doorashada ka qaybgalaan, isagoo sheegay doorashadaas ay tahay mid baadil ah.






