Maleeshiyada Al shabaab ee Magaalada Beledweyne ayaa meel fagaaro ah ku gubay daawo ay laheyd hay’adda IMC taasoo dhawaan laga soo saaray Xarunta hay’adda ee Magaalada Beledweyne.
Dawada dabka la qabadsiiyay oo isugu jirtay Faleebooyin, Kaniiniyaal, Cirbado, iyo waliba waxyaabaha lagu nafaqeeyo Caruurta ayaa si qasab ah oo dadweynaha aysan raali ka ahayn shabaabka u gubeen, iyadoo daawadan ay ahayd mid looga talagalay dadweynaha gobolka hiiraan.
Yuusuf Cali Xeydar madaxda Al-shabaab ee Gobolka hiiraan ayaa ku dooday in daawadan ay leedahay hay’ad gaalo ah sidaas darteedna ay gubeen iyaga

Dhawaan ayay aheyd markii maleeshiyada al Shabaab gudaha u galeen Xarunta Hay’adda IMC ee Magaalada Beledweyne, waxaana xusid mudan in hay’adda IMC ka mid tahay Hay’addo Al-shabaab uga mamnuuceen in ay ka howlgasho gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan deegaannada ay maamulaan.









