Afhayeenkii Maleeshiyada Xisbul Islaam ee Magaalada Beledweyn ayaa ku biiray Maleeshiyada Shabaab isaga iyo Maleeshiyad ka tirsana Xisbiga
Tiradii ugu badneyd ee horjoogayaal iyo maleeshiya katirsan kooxda xisbul islaam ayaa maanta isku dhiibay maleeshiyada ashabaab kadib markii maalmahan danbe ay bateen weerarada qaawan iyo shirqoolada ay umaleegayaan kooxdan ay maanta isku dhiibeen kuwaasi oo kadhacayay gobolo iyo degmooyin ka mid ah somaliya
Maxamed Wehliye Odawaa oo ahaa afhayeenkii kooxda Xisbul Islaam ee gobolka Hiiraan ayaa maanta munaasabad lagula wareegayay hubkii iyo horjoogayaasha xisbiga ka sheegay in go’aankan ay qaateen markii ay waayeen meel ay ciirsadaan si ay uga badbaadaan maleeshiyada Alshabaab oo baacsi xoogan ku heysa ururkii ay katirsanaayeen
Ku biiritaanka kooxdii Xisbiga ee gobolka Hiiraan ay maanta hoostageen maleeshiyada Shabaab ayaa waxa uu ku soo aadaya xili uu gaba gabo marayo qorshihii ay shabaabku ugu tala galeen in ay ku soo afjaraan xisbul islaam, islamarkaana maalmihii u danbeeyay ay maleeshiyo fara badan dul dhigeen goobihii xisbigu ay kaga sugnaayeen magaalyinka Afgooye iyo Beledweyne oo ay horay ugala wareegeen iyo inta udhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye oo ay qarka u saaranyihiin in ay sibuuxda ula wareegaan.






