Archive | June, 2010

Tahriibayaal ku geeriyooday wabi u dhaxeeya Turki iyo Giriiga

Ku dhawaad 21- ruux oo ay ku jiraan Soomali ayaa geeriyootay kadib markii ay la qalibmatay Dooni ay Saarnaayeen taasi oo mareysay wabi u dhexeeya Dalalka Giriiga iyo Turkiga.

Sida laga soo xigtay Saraakiisha Greeca , 21 ruux oo muhaajiriin Africaan ah ayaa ku geeriyootay webi ku yaala inta u dhaxaysa  wadamada Turkiga iyo Giriiga kadib markii ay la rogmatay Dooni ay ku safrayeeen.

Dadkaas dhintay ayaa waxay doonayeen in ay u soo gudbaan dhinaca dalka Greeca, waxayna ka yimaadeen dhinaca dalka Turkiga.

11-ka mid ah dadkaasi ay ku geeriyooday dhinaca wadanka Giriiga halka 5 kalana ay nafwaayeen  gudaha wadanka Turkiga, sida ciidamada boolisku laga soo xigtay.

Doonidan ay saarnaayeen  muhaajiriinta ka socota qaaradda Africa ayaa lagu soo waramay in ay ciladd soo wajahaday xilli ay ku sii jeedeen wadanka Giriiga, taa oo ku  qalibantay goobta lagu magacaabo Dela Foos oo u  dhexaysa dalalka Turkiga iyo Giriiga .

Mana ahan markii ugu horaysay oo muwaadiniin Soomaaliyeed   ay ku geeriyoodaan amma  dhibaato ay ka soo gaarto safarada ay ugu tillaabayaan wadamada shisheeyee, maadaama wadankooda hooyo ay  dagaalo ka ooganyihiin

 

Posted in DhacdooyinComments (0)

Xisbul-Islaam ” Idaacaduhu ma tabin karaan musaabadda 1da Luuliyo”.

 Maleeshiyada kooxda Xisbul-Islaam la baxday ayaa maanta warbaahinta Muqdisho ku ammartay in aysan tebin Karin munaasabadda maalinta xornimada Soomaaliya.

Xaashi Maxamed Faarax oo kamid ah  kooxda Xisbul Islaam ayaa maanta shir jaraa’id qabtay ayaa  ugu hanjabay wariyeyaasha iyo milkiilayaasha idaacadaha in aysan tebin Karin   wararka iyo barnaamijyada la xiriira xuska Munaasabadda 1da Luulyo oo ah maalin ku weyn shacbiga Soomaaliyeed, isagoona sheegay in maalintaasi ay tahay xuskeeda mid aan  waafaqsaneyn Shareecada Islaamka sida uu horjooge Xaashi hadalka u dhigay.

Waxa uu sidoo kale tibaaxay horjooge Xaashi Maxamed Faarax in aanay idaacaduhu gebi ahaanba ka hadli Karin oo aanay warar ka samayn Karin munaasabadaha lagu weyneynayo dhalashada Nabi Muxamad NNKH, isagoo sidoo kalena si gaar ah ugu hanjabay wariyihii ka qayb gala Munaasabadahaasi ay ciqaab uusan sheegin marsiin doonaan.

Hadalka Xaashi Maxamed Faarax ayaa ah mid daba socda hadal uu dhowaan jeediyey afhayeenka Kooxda Al-Shabaab Cali Dheere kaasi oo isna uu ugu gefay Sharafta Calanka islamarkaana meel ka dhac uu ugu sameeyey halgamayaashii Soomaaliyeed ee dhiigooda u huray xurnimada ay umadda Soomaaliyeed  maanta ku naaloonayaan.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Daawo Sawirada Muqdisho

Sawiradan waxaa laga soo qaaday degaano ka tirsan Waqooyiga Magaalada Muqdisho halkaas oo maalmahan ku dagaalamayan Ciidamada Dowladda iyo maleeshiyaadka shabaab, sida ku cad degaanadan dadka rayidka ah mar hore ayay ka qaxeen, waxaa kaliya ku nool waa dhinacyada dagaalamaya iyo dad yar oo guriyahooda ilaashanaya.

Posted in TilmaamanComments (1)

Ilaa iyo 10-wariye oo ku dhaawacmay w/Muqdisho

Koox Wariyayaal ah ayaa maanta ku dhaawacmay degmada C/casiis ee Magaalada Muqdisho, kadib markii Maleeshiyaadka Shabaab ay ku qaldeen in ay geynayaan fariisino ay ciidamada Dowlada KMG ah uga qabsadeen dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacayay qeybo ka mid ah degmadaasi.

Wariyayaasha ku dhaawacmay halkaasi ayaa waxa ay gaarayaan ilaa iyo Taban Wariye kuwaas oo isugu jira wariyayaal ka howlgala warbaahinta Maxaliga ah iyo kuwo dibada, waxaana warayayaashani ku dhaawacmeen Madfac ku soo dhacay agagaarka Global xilli Maleeshiyada Shabaab ay doonayeen in Wariyayaashan ay geeyaan fariisimo ay sheegteen in ay ka qabsadeen ciidamada Dowlada KMG ah.

Wariyayaasha ku dhaawacmay halkaasi ayaa ka mid ah Muuse Jiisoow oo ah Milkiilaha Websidka Soomaali san, C/risaaq jaamac Cilmi Black oo u shaqeeynayay TV-ga Somali Chanal, mid ka mid ah Camero manada TV-ga Aljasiira iyo wariyayaal kale oo ka howlgala Warbaahinta Maxaliga ah.

Muuse Jiisow ayaa sheegay in Maleeshiyaadka Shabaab ay kaxeeyeen Wariyayaashaasi iyagoo ugu sheekeeyay in soo arkayaan fariisimo ay ciidamada dowlada ka qabsadeen, hase yeeshee ayuu yiri markii aanu soo gaarnay Hotelki Global aya xabadi nagu bilaabatay kadibna waxa soo dhacay ayuu yiri madfac kaas oo ay ku dhaawacmeen ilaa iyo Toban Wariye, kuwaas oo uu dhawacoodu yahay mid fudud

Posted in DhacdooyinComments (0)

Maleeshiyada Xisbiga oo boobay xarunta Hey’ad qaabilsan Miino saarida deg-Afgooye

Maleeshiyada Xisbul Islaam ayaa bililiqo iyo boob u geeystay xarunta Hey’ad qaabilsan miino saarida oo lagu magacaabo Main Action.

Maleeshiyada Xisbiga ayaa xoog ku gashaygalay Xarunta Hey’adaasi oo ku taala xaafada Xaawo taako ee degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose, waxaana la maqlayay rasaas ay gudaha xaruntaasi ku ridayeen Maleeshiyaadkaasi.

Maleshiyaadka ayaa qaatay dhamaan wixii qalab ah oo yaalay xarunta Hey’adaasi oo ay ku jiraan Cumputaradii Hey’adaasi, waxeeyna burburiyeen inta badan dhismaha xaruntaasi.

Maleeshiyaadka Shabaab ayaa uga mamnuucay Hey’adaasi qaabilsan Miino saarida in ay ka howlgasho gudaha Soomaaliya, maadaama ay maleeshiyaadkaasi ku caan baxeen Miino dhigista isla markaana hey’adu ka shaqeeyso saarida Miinada.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa Xarunta Shacabka ku yeeshay kulan looga hadlaayay Dhamaystirka iyo Dib u eegida Xeer Hoosaadka Baarlamaanka.

Kulankaan ay Mudanayaasha Baarlamaanka ku yeesheen Xarunta Golaha Shacbiga Soomaaliyeed ayaa waxaa shir-guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane Shariif Xasan Sh. Aadan oo uu garab fadhiyay Guddooomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka mudane C/wali Ibraahim Sh. Muudeey ayaa waxaa soo xaadiray 290 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya

Kulankan oo looga hadlaayay Ajande ku saabsan Dhamaystirka iyo Dib u eegista Xeer Hoosaadka Baarlamaanka ayaa waxaa madasha Shirka Talooyin ka soo jeediyay Mudanayal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo soo jeediyay in Dib u eegis lagu sameeyo Xeer Hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo uu doodaasi Xildhibaanada u qeybinayay Xildhibaan Maxamuud Barre Xuseen oo ka mid ah Xoghaynada Baarlamaanka Soomaaliya

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa u saaray Guddiyada Anshaxa iyo Kan Dastuurka iyo arrimaha federaalka ee Baarlamaanka Soomaaliya Xubno Sharci-yaqaano ah si ay Talooyin uga soo bixiyaan, islamarkaana ay Dib u eegis ku soo sameeyaan Xeer hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa ku dhawaaqay Magacyada Sharci-yaqaanada  uu ku soo biiriyay in ay la shaqeeyaan Guddiyada Anshaxa iyo kan Dastuurka iyo arrimaha federaalka ee Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo marka hore ka codsaday Mudanayaasha Baarlamaanka in ay u ogalaadaan waxaana magacyadaas qaarkood ay ahaayeen sidatan:

-Ceydiid Ilka Xanaf

-Cali Muudeey.

-Sh. C/laahi Sh. Fanax.

-Maxamuud Xeyd iyo xubno kale oo uu sheegay Guddoomiyuhu in ay ku kordhiyeen Guddiga Dib u eegida Xeer hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna Mudanayaasha u sheegay in wixii wax ku kordhin ah iyo wax ka badalid ah ay iyagu u madax banana yihiin, balse ay iyagu Talo kadib sidaas isla garteen.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa sidoo kale sheegay in Maalinta Sabtida ah laga doonayo Labada Guddi in ay Talooyinka ka soo bixiyaan Qodobada laga badalayo ama lagu kordhinayo Xeer hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya, maadaama uu Xeer hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya soo jiray mudo 6 Sano ah, waxaana Xeer hoosaadka lagu soo sameeyay sanadkii 2004-tii magaalada Imbagaati ee dalka Kenya, iyadoo sanadkii 2006-dii laga badalay Xeer hoosaadka Qodobo kooban xiligaas oo ay Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ogalaadeen iyagoo ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qaarkood ku macneeyay Sababta keentay in Dib u eegis lagu sameeyo Xeer hoosaadka Baarlamaanka in ay tahay Qodobo ku xusan Xeer hoosaadka ay dhigayaan in Xildhibaanada Baarlamaanka tiradoodu tahay oo kaliya 275 Xildhibaan, sidaasi darteedna ay ka horimaanayaan tiradda Xildhibaanada Baarlamaanku ka kooban yahay xiligan oo ah 550 Xildhibaan, taasina ay u baahan tahay in la saxo.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Munaasabad lagu dalacsiinayay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed Sawiro

Munaasabad lagu dalacsiinayay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada MuqdishoMunaasabadan lagu dalacsiinayay Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed ee ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo uu goob joog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya mudane Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa waxaa ka soo qeybgalay Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed General Maxamed Geelle Kaahiye iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya

Askartan loo dalacsiiyay Jagada Sargaalnimo ee Ciidamada Xooga dalka oo intooda badan gudaha wadanka tababar ku soo qaatay, islamarkaana gaarayay 35 Askari ayaa Jagada la guddoonsiiyay waxaa ugu sareeyay Gaashaanle.

Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed General. Maxamed Geelle Kaahiye oo Munaasabadaasi ugu horayn ka hadlay ayaa  sheegay in Ciidankan lagu soo xulay Karti iyo Hufnaan Shaqo, wuxuuna sheegay in Ciidankan laga sugayo in ay dalka ka difaacaan Cadowga ku soo duulay, wuxuuna sheegay in Ciidankan la dalacsiiyay ay isugu jiraan kuwo horay Ciidanka ugu tirsanaa iyo kuwo soo biiray oo mutaystay in la dalacsiiyo, wuxuuna sheegay in ay ku jiraan kuwo aan tababar hore u soo qaadan balse ka Qibrad badan kuwii Tababarada la soo siin jiray qaarkood.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya mudane Sh. Shariif Sh. Axmed oo Munaasabada ka hadlay ayaa Ciidamada la dalacsiiyay u jeediyay hadalo Guubaabo u badan, wuxuuna kula dardaarmay in ay si Daacad ah u gutaan Masuuliyada saarran, maadaama ay dhibaatada dalka ka jirta aas-aas u tahay Burburkii ku yimid Hay’addihii Amaanka dalka, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in dalka laga xoreeyo Argagixisada duulaanka ah iyo in laga fogaado ku dhaqanka Qabyaalada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ujeedada loo dalacsiinayo Ciidamada ay tahay in aysan ka daalin Halkanka lagu xoreynayo dalka, islamarkaana lagu soo celinayo Amniga, wuxuuna sheegay in laga wada warqabo in baahi weyn loo qabo Sarakiil hogaamisa Ciidanka oo awood u leh in ay gutaan Waajibkooda Qaranka si Shacabka Soomaaliyeed ay u helaan Nabad iyo Horumar, wuxuuna sheegay in wadanka uu xiligan u baahan yahay Saraakiil Naftooda u hurta sidii ay u difaaci lahaayeen Diintooda, Dalkooda iyo Dadkooda, islamarkaana uu hubo in Saraakiishani ay qeyb ka yihiin arrintaas.

Munaasabadan lagu dalacsiinayay Askar ka tirsan Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa Ciidamada lagu dhaariyay Kitaabka Quraanka Kariimka ah si ay u gutaan Waajibka saarran, waxayna balanqaadeen in ay daacad u noqonayaan Diintooda, Dalkooda iyo Dadkooda, islamarkaana ay ilaalin doonaan Sharafta, Sirta iyo Hantida dalku leeyahay, waxayna Munaasabadaasi ku soo gabagabowday Jawi aad u Qurux badan

Posted in DhacdooyinComments (0)

Dowlada Mareykanka oo Sheegatay Wadamo ay Somalia ay ka mid tahay inay ku sii qulqulayaan Hogaamiyaal sarsare oo ka tirsan Ururweynaha Al-Qaacida

Agaasimaha Guud ee CIA da Dowlada Mareykanka ninka lagu magacaabo Leon Panetta oo wareysi siinaayay Wargeyska Newyorka Times ayaa Shaaca ka qaaday in dalal ay Somalia ay ka mid tahay ay ku sii qul qulayaan Saraakiil sarsare oo Xariir la leh Shabakada Al-Qaacida ,waxana uu sheegay inay ugu wacan tahay Ammaan darida ka jirto dalka Somalia

Waxa uu hoosta ka xariiqay inay il-gaar ah ku haayan Wadanka Somalia waa sida u hadalka u dhigay Agaasimaha guud ee CIAda dowlada Mareykanka ninka lagu magacaabo Leon Panetta oo sheegay  inay Taageersan yihiin Dowlada KMG ah ee Somaliya ee uu Madaxda ka yahay Shariif Sh Axmed.

“Dowlada Mareykanka wey taageersan tahay Dowladda KMG ah ee Soomaaliya  ee lagu soo dhisay  Magaalada Jabouti ee Xaruunta Jamhuuriyada Jabouti horaantii January Sanadii hore 2009-ka” ayuu yiri Agaasimaha guud ee CIAda dowlada Mareykanka oo sheegay in dalalaka Pakistan iyo Afghanistan ay la mid yihiin Dalka Somalia.

Somaliya ayaa waxaa ku sugan dagaalyahano ajanabi ah oo ka barbar dagaalamaya kooxda mayalka adag ee Shabaab.

 

Posted in DhacdooyinComments (0)

Xiisad u dhaxeysa Shabaabka iyo Xisbul Islaam oo ka taagan deegaano ka tirsan Wanlaweyn

Kadib markii shalay iska hor imaad u dhaxeeya Alshabaab iyo Ururka Xisbul Islaam ka dhaceen deegaano ka tirsan degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa wararka saaka halkaas ka heleyno ay sheegayaan in wali ay taagan tahay xiisada labada dhinac.

Xiisada labada dhinac ayaa salka ku heysa gacan ku heynta Tuulo lagu magacaabo Hakawa oo ka tirsan Wanlaweyn, iyadoo shalay ay tuuladaas weerareen Xoogaga Alshabaab.

Iska hor imaadkii shalay ayaa la xaqiijiyay inuu dhaliyay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, labada dhinac ah kala gaartay.

Dadka deegaanka ayaa ka cabsi qaba in mar kale iska hor imaadyo ka dhacaan deegaankaas, iyagoo bilaabay in ay ka barakacaan.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa ka dhex jiray Shabaab iyo Xisbiga loolan ku aadan deegaanada Xisbul Islaam gacanta ku hayeen oo ay Shabaab kala wareegeen qaarkood, waxaana Shabaab wali doonayaan in ay meesha ka saaraan Xisbiga

Posted in DhacdooyinComments (0)

Muran iyo is qab qabsi ka taagan magacaabida Golaha Wasiirada

Iyadoo labadii maalmood ee la soo dhaafay lagu waday in Golaha Wasiirada lagu sameeyo isku shaandheyn ballaaran, ayaa waxaa hada soo baxaya is qab qabsi ku aadan qaabka loo xulay Wasiirada qaar.

Wararka laga helayo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya in is qab qabsiga ugu weyn uu ka jiro dhinaca Ahlu Sunah Waljamaacah, kuwaasoo diiday qaar ka mid ah ragga loo xulay ee lagu soo biiriyay.

Dib u dhaca ku yimid ku dhawaaqista is badalka Golaha Wasiirada ayaa ka dambeysay markii ay soo shaac baxeen in Wasiiro Ahlu Sunah kaga soo biiraya dhinaca Dowladda ay noqdeen kuwo ay ku qanci waayeen Saraakiisha Ahlu Sunah.

Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Fulinta Ahlu Sunah oo la yiraahdo Rooble ayaa sheegay in aanay aqbali doonin in shanta Wasiir ay ku leeyihiin Golaha Wasiirada hal wasiir laga reebo, waxaana uu tibaaxay in heshiiskii Addis Ababa ee Dowladda KMG iyo Ahlu Sunah uu qeyb ka ahaa in Ahlu Sunah 5-wasiir ku lahaato Dowladda.

Ahlu Sunah oo goor hore gudbisay liiska magacyada uga mid noqonaya Golaha Wasiirada ayaa warar la helayo ay sheegayaan in qaarkood lagu badalay shaqsiyaad kale.

Inkastoo ay haatan suuqa soo galeen magacyada Wasiiro dhowr ah oo lagu soo daray Golaha Wasiirada, ayaa hadana waxaa la ogeyn in dib looga noqon doono, si loo xaliyo is qab qabsiga ka taagan is badalka Golaha Wasiirada.

Murankan iyo si qab qabsigan ayaa noqon kara caqabad cusub oo ku soo korortay Dowladda KMG, iyadoo horay ay madaxdeeda u hareeyeen khilaafaadyo aan dhamaad laheyn

Posted in DhacdooyinComments (0)

Wadamada G.8-ka oo isku raacay in lala dagaalamo argagixisada

Wadamada warshadaha hore ugu maray ee loo yaqaano G.8-ka ayaa isku raacay in la taageero Dowladaha Soomaaliya.Pakistan iyo Yaman si loola dagaalamo Argagixisada.

Kulan madaxeedka  hoggaamiyaasha wadamada G_8-ka ee ka soconaya magaalada Toronto ee xarunta dalka Canada ayaa waxa ay si wayn uga hadleen xaaladaha argagaxisada ee aduunka dhibaatada ka wada gaar ahaan wadamada Soomaaliya,Afgaanistaan.Pakistaan iyo Yamen ayagoo balanqaaday in ay iska kaashanayaan ladagaalanka kooxaha argagaxisada ah.

Hadal ay ka soo saaren kulankooda ayaa lagu sheegay in  kooxaha argagaxisada ah iyo kuwa kale ee denbiilayaasha caalamaka ah in ay doonayaan in ay kobciyaan howlahooda argargaxisanimo  taasna ay khatar ku tahay jiritaanka caalamka oo dhan.

Waxa ay wacad ku mareen in ay taageerayaan dowladaha dalalkaasi ka jira si ay u fududaato soo afjaridda kooxahaasi u jeedkoodu yahay in ay dagaalo ka huriyaan aduunka oo dhan.

Ururka ayaa  adkeeyay baahida loo qabo in si wada jir ah looga soo horjeedo  kooxaha Alqaacidda.

Hadalka  Ururka wadamada G.8-ka ayaa imaanaya xilli wadanka Soomaaliya ay ka dagaalamaan kooxo Arga gaxiso ah oo ay gacan ka helaya maleeshiyaad Soomaali ah oo qandaraas kooxahaasi kula soo galay hurinta colaadaha dhiigu ku daadanayo ee saamaynta ku yeeshay shacabka Soomaaliyeed ee nabadda iyo kala danbeynta u ooman.

 

Posted in DhacdooyinComments (0)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo magacaabaya todobaadkan xukuuumad cusub oo ay ka dhexmuuqato Ahlusunna Waljamaaca

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa lagu wadaa in maalmahan uu magacaabo gole wasaaradeed oo cusub, kaasoo ay ka dhex muuqdaan xubno ka tirsan Culummaa’udiinka Ahlusunna Walajamaaca.

Ilo wareedyo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya in isbadalka lagu sameynayo Xukuumadda Soomaaliya uu gun dhig u yahay sidii lagu meelmarin lahaa heshiiskii awood-qaybisga ahaa ee ay horay u kala saxiixdeen Dowladda Soomaaliya iyo Ahusunna Waljamaaca.

Magacaabidda Golahan wasaaradeed ee cusub oo aan si dhab ah loo ogeyn tiradooda ayaa waxaa lagu waday inuu Ra’iisul wasaaruhu ku dhawaaqo shalay, balse waxaa la sheegay inay dib ugu dhacday sababo farsamo.

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda hadda ayaa waynaya xilalka ay hayaan, kuwaasoo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Sheekh C/qaadir Cali Cumar iyo Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda Sheekh C/raxmaan Maxamuud Janaqoow.

Golaha xusub ee Xukuumadda lagu dhawaaqyo ayaa waxaa ku jira Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo xil Wasiirnimo kasoo qabtay Dowladdii Nuur Cadde iyo Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow oo isaguna ka socda dhinaca Ahlusunna.

Warar hoose ayaa sheegaya in dib u dhaca ku yimid ku dhawaaqidda golaha wasiirrada ee cusub ay sababtay iyadoo qaar ka mid ah Madaxda Ahlusunna ay codsadeen inay ka qaybgalaan xafladda magacaabidda golaha wasiirro ee cusub.

 

Posted in DhacdooyinComments (0)

Damaca Ahlu Shiiq ee Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi

Dhibaatada dabada dheeraatay ee Soomaaliya ka jirtay labaatankii sanno  ee aan soo dhaafnay iyo guul darrooyinkii lagala kulmay hannaankii dib u heshiisiinta ee ay horseedka u ahaayeen dagaal oogayaashu, waxay fursad weyn siiyeen  kooxo diineedyada ka jiray Soomaaliya kuwaas oo ka faa’ideystay burburka nidaamkii dalka ka jiray, waxayna bilaabeen in ay faraha la soo galaan Siyaasadda dalka.

Kooxaha Magaca Islaamiyiinta huwan waxay ku jiraan Dowladda KMG ah ee Somaliya ee uu Madaxda u yahay Shariif Sh Axmed, waana kooxda lagu magacabo AHLU SHEEKH waxaana ugu sareeya madaxweynaha Dowladda KMG ah, ilaa iyo Wasiirkiisa Madaxtooyada Xasan Macalin iyo xubno kale.

Kooxdan Ahlu sheeg waxa damaca kaga jira in ay helaan xubnaha muhiimka ah ee Dowladda KMG ah ilaa iyo xilalka Safaaradaha Dibadda.

Xog hoose oo hadda la helay ayaa sheegaya in kooxdan qorsheysteen in ay helaan Wasaaradda Maaliyadda iyo Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, Labadan xil ee muhiimka ah ayaa la doonayaa in loo magacabo Labo xubnood oo Ahlu sheeg ah.

Wasiirka Maaliyadda waxaa la doonayaa in loo magacabo Wasiirka Arrimaha Gudaha C/qaadir Cali Cumar, sidoo kalena waxay kooxdan doonayaan in ay la wareegan Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi oo Safiirkeedu yahay Maxamed Cali America.

Shaki kuma jiro in maanta aayaha Soomaaliya uu u gacan galay Islaamiyiinta, oo iyana ula dhaqaaqay jiho khaldan oo burbur iyo baaba’uun laga macaasho, haseyeeshe bal waynu dhawri  waxa xiga iyo meesha ay geeddiga ku furaan.

WAXQABADKA SAFAARADDA SOOMAALIYA EE KENYA

Safiirka soomaaliya kenaya Maxamed Cali America , wuxuu dadaal fara badan geliyay sidii loo soo nooleyn lahaa hanaankii diblomaasiye ee ka dhaxeeyay Dowladaha Soomaaliya iyo kenya, Safiirka markii xilka loo magacabay wuxuu shaqada ka bilaabay meel cidlo ah isagoo, waayo Safaaraddii Soomaaliya ee kenya mar hore ayaa la iibsaday sidaas darteed Safiirku wuxuu dhaqan geliyay xarun Safaaradda leedahay taas oo ay ka howlgalayaan ku dhawaad 26 ruux oo shaqaalo ah, waxaana ka dhex taagan Calaankii Soomaaliya Dowladda kenyana si xishmad leh ayay ula shaqeysaa Safaaradda.

Sidoo kale Safiirka Soomaaliya Kenya Maxamed Cali America, wuxuu dib u soo celiyay in Dowladda Kenya tixgeliso diblomaasiyiinta Soomaaliya ka jooga Nairobi.

Safiirka Waxaa uu ku dadaalay in dad fara badan oo soomaali ah ka soo daayo Xabsiyada dalka kenya, wuxuu is faham dhex dhigay soomaalida degan kenya iyo Dowladda dalkaas.

Safiirka wuxuu booqasho ku tagay xerooyinka qaxootiga ee dalka kenya halkaas oo ay ku nool yihiin kumanaan soomaali ah oo ka soo qaxay dagaalada dalkooda ka socda, booqashada Safiirka xerooyinkaasna waxay noqotay taariikh cusub maadama Mas’uulkii ugu horeeyay ee soomaaliya ka socda ee xerooyinkaas booqday noqday.

Safiir Maxamed Cali America isagoo ka shidaal qaadanayay xaalada dalka ka jirta iyo baahida loo qabo waxbarasho ayuu dugsi waxbarasho iyo ceel biyaha laga caba ka sameeyay degaanka Carfiid oo ku yaala duleedka suuqa xoolaha ee Magaalada muqdisho, wuxuuna halkaas ka dhisay dugsi hoose iyo dhexe oo ay wax ka dhigtaan ilaa iyo 1500 oo arday ah.

Safiir America oo hadda dadaal ugu jira in mar kale gacanta soomaaliya lagu soo celiyo dhulkii Safaaaradda Soomaaliya ee Magaalada Nairobi wuxuu maalin walba u taagan yahay maxkamadaha dalka kenya in soomaaliya loo soo celiyo dhulkeeda ahaa xarunta Safaaradda.

Sidoo kale Safaaradda kenya ee soomaaliya waxay dadka soomaalida ee dalkaas ku nool u fududeysay in si dhib la’aan ah qofka soomaaliya ugu laaban karo dalka iyo inuu gudaha dalka kenya ku qaadan karo baasaboorka soomaaliga iyo helista fiisaha dalka kenya.

Qoraal laguma soo koobi karo waxqabadka Safiirka soomaaliya ee kenya

 

Nuuradiin M Macalin

 

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shabaab oo ceelasha biyaha ku dilay rag ka tirsan Xibul-Islaam

Maleeshiyada Shabaab ayaa maanta ku dilay deegaanka Ceelasha Biyaha 2 ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Xisbul-Islaam ayadoo maalmihii la soo dhaafay ay jireen xiisad u dhaxeysa labada koox.

Warar  xog-ogaal oo laga  helay deegaanka Ceelasha Biyaaha ee duleedka magaalada Muqdsiho ayaa sheegaya in halkaasi ay maleyshiyaadka Shbabaab ay ku dileen 2 ruux oo hubeysnaa, kuwaas oo wararku  sheegayaan in maleyshiyada kooxda Xisbul  Islaam ay ka tirsanaayeen.

Labada ruux ee lagu dilay deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa lagu soo waramayaa in ay yihiin wiil iyo aabihiis  oo labadu ka tirsanaa maleyshiyada kooxda Xisbul Islaam,  iyadoo dilkoodu uu ku soo aadayo xilli maleeshiyada kooxda Shabaab ay wadday qorshe ay gebi ahaanba deeganada ay joogaan uga sifeynayaan   kooxda uu hogaamiyo Xasan Daahir.

Dadka deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa ka cabsi qaba in dagaal uu dhex maro kooxaha Shabaab iyo Xisbul-Islaam oo muddooyinkii dambe ku dagaallamay meelo kala duwan oo dalka ah, waxaana hadda ka taagan deegaanka dhaqdhaqaa ay sameynayaan maleeshiyaadka Xisbiga oo ka cabsi qaba in la soo weeraro.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Cod bixinta Somaliland Daawo sawirada

Saaka waxaa lagu jarmaaday goobaha cod bixinta ee Somaliland, Inta hurdada ku daahday waxay ku soo tooseen safaf dhaadheer oo ay gadaal ka gaadh ku noqdeen.

Waxaa la doonayaa in nimanka siyaasadda Somaliland ugu tunka weyn la kala saaro.

Madaxweynaha, Daahir rayaale Kaahin, ayaa waxaa isku taagay Hoggaamiyayaasha mucaaradka, Axmed Maxamed Silaanyo, iyo Feysal Cali-Waraabe.

Ha yeeshee, waxaa sutida u haya dadweynaha reer Somaliland iyo Guddiga doorashada oo kaashanaya ciidanka ammaanka.

Waxaa la diyaariyay sanaadiiq fara badan oo loogu tala galay in ay ku fillaadaan tirada gobol walba laga diiwaan geliyay.

Dadka is diiwaan geliyay

Tirada dadka is diiwaan geliyay

Maroodi-Jeex (Hargeysa) 361,498
Togdheer (Burco) 243,221
Awdal (Borame)  
Sanaag (Ceeri-Gaabo) 146,371
Sool (Laas-Caanood) 98,314
Saaxil (Berbera) 43,097

Gobolka Maroodi-jeex, ee Hargeysa, waxaa iska diiwaan gelisay 361,498 qof.

Togdheer oo ah Burco, waxaa is qoray 243,221 ruux.

Awdal waxaa kaadhadha qaatay 176,912 ruux.

Sanaag waxaa diyaar ah 146,371 qof.

Sool ayaa laga sugayaa 98,314 codbixiye.

Saaxiil waxaa la dhigayaa sanaadiiq ku filan 43,097 is diiwaan gelisay.

Isu socod ma jiro

Waxaa amar lagu bixiyay in aanuu socon karin gaadiid aan la siin ruqsad khaas ah.

Waxaa looga jeedaa in sidaa ammaanka lagu sugo.

Isla markaana aanay u sahlanaan cid kasta oo laga yaabo in ay dooneyso in ay wax carqaladeyso.

Guddiga doorashada ayaa maamulka gacanta ku haya.

Ciidamada ammaanku nabadda iyo habsami u socodka ayay ilaalinayaan.

Waxaa goob kasta oo cod lagu bixinayo xubno ka wakiil ah murashixiinta Madaxa is daray.

Dusha ayaa waxaa ka eegaya korjoogto caalami ah.

 

Posted in DhacdooyinComments (0)

Godane oo lagu arkay Suuqa Bakaaraha isagoo xiran dharka Haweenka

 Mid ka mid ah Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa sheegay inuu arkay Axmed Cabdi Godane oo madax u ah Maleeshiyada Shabaab isagoo xiran dharka haweenka isla markaana indho shareer wejiga ku soo xirtay.

Ganacsadahan ayaa sheegay in xataa Godane aan loo ogoleyn maleeshiyada shabaab in ay arkaan micnaha qaar ka mid ah maleeshiyadaas ayaa loo diidaa in ay la kulmaan Godane.

Waxaa uu sheegay in muuqaalkiisu u ekaa mid caato ah oo aad u liita, sidoo kalena waxaa uu sheegay in xanuun dhinaca indhaha ah soo wajahay loona raadinayay dhaqtar ku wanaagsan caafimaadka indhaha.

Godane oo mas’uul ka ah dhibaatooyinka shabaab ka wadaan soomaaliya ayaa dhawaan soo diray fariin cod ah midaas oo loogu hanjabayay maleeshiyada xisbul islaam ee Xasan Dahir Madax u yahay.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Midowga Yurub oo lacago ugu deeqaya wadamo ay ka mid tahay Soomaaliya

 War ka soo baxay xarunta Midowga Yurub ee Magaalada Barisalis ee wadanka Beljamka ayaa lagu sheegay in gargaar lacageed oo gaaraya 20milyan  Eur ah loogu deeqayo wadamada ku yaala bariga Africa oo ay ka mid tahay wadanka Soomaaliya taa oo loogu talagalay in lagu samatabixiyo dadka abaartu saameysay.

Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan iskaashiga caalamiga ah,   gargaarka Bini’aadanimo  iyo ka hortagga xasaradaha Karistalina ayaa sheegay in abaartu ay tahay mid ku dheeratay wadamada Soomaaliya, Ethiopia.Kenya.Jabuuti iyo Uganda, waxa uuna sheegay in abaartaas ay sababtay musiibo rabaani ah.

Sarkaalkan  ayaa sidoo kale ku wararmay in ay dedejinayaan  barnaamijyada lagu taageerayo dadka dhibaataysan ee gargaarka Bini’aadanimo u baahan.

hadalkan ayaa imaanaya iyadoo maalintii shalay Midowga Africa ka dhawaajiyay in Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan bariga wadanka Ethiopia uu ugu deeqayo  deeq lacageed oo loogu gargaarayo dadkaasi taa oo loo soo marsiinayo hay’adda Qaxootiga aduunka ee UNHCR islamarkaana  gaaraysa 50,000 oo lacagta Maraykanka ah

Posted in DhacdooyinComments (0)

Rayaale: Is casilaad uma hakaneyno

Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ku tilmaamay in Wasiirrada xukuumaddiisa iscasilaadda laba Wasiir oo xukuumaddiisa ka tirsani aanay waxba u dhimi doonin xisbiga UDUB ee talada haya.

Xalay ayaa waxaa is casilay Wasirkii Madaxtooyada, Xasan Macallin, iyo Wasiirkii Warshadaha, Axmed Cali Ubaxle.

Waxay sheegeen in Madaxweynuhu uu ka gaabiyay tartanka doorashada.

Madaxweyne Rayaale waxaa uu ku tilmaamay in ragga is casilay iyada oo laba maalmood ay doorashadii ka hartay ay muujineyso iyaga shakhsiyaddoodu waxa ay tahay.

Madaxweynuhu wuxuu kaloo sheegay in uu ka xun yahay is casilaadda Wasiirrada.

Markii la weydiiyay sababta uu u maleynayo in ay isu casileen, waxaa uu Madaxweynuhu ku tilmaamay in ay jirto wax u qarsoonaa nimanka is casilay.

Madaxweyne Rayaale waxaa uu soo jeediyay eedeyn uu ku tilmaamay in ay jiraan rag ganacsato ah oo Wasiirro ku yiri is casila si aan lacag idiin siinno.

Dadka reer Somaliland, waxaa uu Madaxweynuhu ugu yeeray in ay xisbigiisa doortaan. Wuxuu ku tilmaamay in aan isaga markii horeba qabiil lagu dooran, haddana uu codsanayo in lagu doorto qaab Somaliland ah.

Hadalkaasi waxaa muuqata in uu jawaab u yahay Wasiirkii Warshadaha oo ugu baaqay taageerayaashiisu in ay u codeeyaan xisbiga Kulmiye

Posted in DhacdooyinComments (0)

Ina Cabdi Godane oo baaq been abuur ah jeediyay

Axmed Cabdi Godane Madaxa Maleeshiyada Shabaab balse ardeydiisa ugu yeeran Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu Subeyr ayaa saxaafadda Magaalada Muqdisho soo gaarsiiyay cajalad maqal ah ayuu ku sheegay in xubno badan oo kula jiray Jihaadka ay wadadii ka weecdeen, wuxuuna sheegay inay haatan la safan yihiin wuxuu ugu yeeray Gaalo iyo xukuumaddo riddo ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Wadadii jihaadka waxaa ka leexday dad badan oo aan markii hore saf kuwada jirnay, iyagoo ka baqdin qaba in lagu tilmaamo argagaxiso, waxayna maanta la safan yihiin cadowga Islaamka” ayuu yiri Amiirka Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu Subeyr .

Amiirka Al-Shabaab ayaa Cajaladii uu soo gudbiyay wuxuu inta badan ku soo qaatay Aayado Diini ah iyo Gabayo uu ku cabirayo dagaalka ay ku jiraan, wuxuuna ku cambaareynaayay dadka uu sheegay inay ka leexdeen jihaadka, isagoo aan carrabka ku dhufan shaqsiyaadkaasi uu tilmaamay.

Wuxuu ka hadlay doorashooyda lagu wado inay todobaadka soo socda bilowgiisa ka dhacaan Somaliland, isagoo shacabka uga digay inay doorashada ka qaybgalaan, isagoo sheegay doorashadaas ay tahay mid baadil ah.

(Halkan ka dhageyso)

Posted in DhacdooyinComments (0)

Maleeshiyada Shabaab oo xayiraad safarka ah ku soo rogay dadka re Dhoobleey

Dadka ku dhaqan dagmada Doobleey ee gobalka Jubada Hoose ayaa ka cabanaya xayiraad dhinaca safarka ah oo maleeshiyaadka Al-shabab ay ku soo rogeen dadka deegaanadaasi ku sugan.

Qaar kamid ah dadka deegaankaasi  ayaa sheegay in amarrada Al-shabab ay xannibeen ganacsiga dagmada dhoobleey, kadib markii  ay diideen in dadku ay u safraan deegaano  ku yaala xadka Soomaaliya uu la wadaago dalka Kenya oo ganacsi ahaan ku xiran degmada Dhoobleey.

Maleeshiyada Al-shabab ayaa dhawaan qabtay gaari badeeco ka keenay deegaankaasi, ayagoo dab qabadsiyay badeecadaasi gaarigii wadayna ku ganaaxay lacag baad ah oo uusan awoodin Milkiilaha gaariga.

Sidoo kale dadka ku dhaqan deegaanka dhoobleey ee gobalka Jubada Hoose ayaa ka cabanaya falal burburin dhismooyin ah oo maleeshiyaadka Al-shabab  ay deegaanadaasi ka wadaan.

Dadka ku dhaqan dagmada Dhoobleey ayaa arrintaan ku macneeyay in Al-shabab ay shacabka kaga aar gudanayaan dhallinyaro deegaanka ka tirsan oo dhawaan ka baxsatay tacdiyada Al-shabab ay ka wadaan deeganadaasi oo ku biiray ciidamada Dowlada iyo dhinacyada kale ee  dagaalka ugu jira sidii Al-shabab deeganadaasi looga xoreyn lahaa

Posted in DhacdooyinComments (0)

Afhayeenkii Maleeshiyada Xisbiga ee Beledweyn oo isu dhiibay Shabaab

Afhayeenkii Maleeshiyada Xisbul Islaam ee Magaalada  Beledweyn ayaa ku biiray Maleeshiyada Shabaab isaga iyo Maleeshiyad ka tirsana Xisbiga

Tiradii ugu badneyd ee horjoogayaal iyo maleeshiya  katirsan kooxda xisbul islaam ayaa maanta isku dhiibay maleeshiyada ashabaab kadib markii maalmahan danbe ay bateen weerarada qaawan iyo shirqoolada ay umaleegayaan kooxdan  ay maanta isku dhiibeen kuwaasi oo kadhacayay gobolo iyo degmooyin ka mid ah somaliya

Maxamed Wehliye Odawaa oo ahaa afhayeenkii kooxda Xisbul Islaam ee gobolka Hiiraan ayaa maanta munaasabad lagula wareegayay hubkii iyo horjoogayaasha xisbiga ka  sheegay in go’aankan ay qaateen markii ay waayeen meel ay ciirsadaan si ay uga badbaadaan maleeshiyada Alshabaab oo baacsi xoogan ku heysa ururkii ay katirsanaayeen

Ku biiritaanka kooxdii Xisbiga ee gobolka Hiiraan ay maanta hoostageen maleeshiyada Shabaab ayaa waxa uu ku soo aadaya  xili uu gaba gabo marayo qorshihii ay shabaabku ugu tala galeen in ay ku soo afjaraan xisbul islaam,  islamarkaana maalmihii u danbeeyay ay maleeshiyo fara badan dul dhigeen goobihii xisbigu ay kaga sugnaayeen magaalyinka Afgooye iyo Beledweyne oo ay horay ugala wareegeen iyo inta udhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye oo ay qarka u saaranyihiin in ay sibuuxda ula wareegaan.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shabaabka oo hub ka dhigis ku sameyn doona Xasan Dahir Aweys

Boqolaal maleeshiyaad hubeysan oo ka tirsan kuwa Al-Shabaab ayaa isku gadaamay oo hareereeyay deegaanada ay kaga sugan yihiim duleedka magaalada Muqdisho maleeshiyada Xisbul Islaam oo uu hogaamiyo wadaadka lagu magacaabo Xasan Daahir Aweys.

Deegaanada Ceelasha Biyaha ee loo qaxay iyo Xaawo Cabdi ayaa ka taagan saan-saan colaadeed taasoo u dhexeysay maleeshiyaadka kala taabacsan Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab.

Wali ma cada waxa uu salka ku hayo khilaafka dhabta ah ee labadan kooxood, balse wararka qaar ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay doonayaan in ay hub ka dhigis ku sameeyaan maleeshiyada kale ee Xisbul Islaam kuwaasoo uu mudooyinkii u dambeeyay kala dhexeeyay dagaal hawada iyo mid gacan ka hadalba.

maleeshiyaad tiro badan oo ka tirsan Xisbiga ayaa waxaa ay isugu tageen guriga uu Ceelasha Biyaha ka dagan yahay hogaamiyahooda Xasan Daahir, halkaasoo lagu baarayo cid alaale iyo cidii u gudbeysa.

Labadii maalmood ee ugu dambeeyay ayaa waxaa ay kooxda Al-Shabaab kasoo taqluuseen maleeshiyaadka Xisbul ISlaam ee ku sugnaa gobolada Hiiraan iyo Sh/hoose, kuwaasoo ay qaar iyaga ku biireen qaarka kalena ay isugu tageen Ceelasha Biyaha oo uu ku sugan yahay hogaamiyahooda.

Si kastaba ha haatee, dadka dagan deegaanka ay kooxahani isku horfadhiyaan ee Ceelasha ayaa waxa ay cabsi ka muujinayaan dagaal dhex mara labadan kooxood kaasoo qarxi kara daqiiqad kasta

Posted in DhacdooyinComments (1)

Al-shabaab oo magaalada Beledweyne ku gubtay dawo ay laheyd Hay’adda IMC (DAAWO SAWIRRO)

Maleeshiyada Al shabaab  ee Magaalada Beledweyne ayaa meel fagaaro ah ku gubay daawo ay laheyd hay’adda IMC taasoo dhawaan laga soo saaray Xarunta hay’adda ee Magaalada Beledweyne.

Dawada dabka la qabadsiiyay oo isugu jirtay Faleebooyin, Kaniiniyaal, Cirbado, iyo waliba waxyaabaha lagu nafaqeeyo Caruurta ayaa si qasab ah oo dadweynaha aysan raali ka ahayn shabaabka u gubeen, iyadoo daawadan ay ahayd mid looga talagalay dadweynaha gobolka hiiraan.

Yuusuf Cali Xeydar madaxda Al-shabaab ee Gobolka hiiraan ayaa ku dooday in daawadan ay leedahay hay’ad gaalo ah sidaas darteedna ay gubeen iyaga

Dhawaan ayay aheyd markii maleeshiyada al Shabaab gudaha u galeen Xarunta Hay’adda IMC ee Magaalada Beledweyne, waxaana xusid mudan in hay’adda IMC ka mid tahay Hay’addo Al-shabaab uga mamnuuceen in ay ka howlgasho gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan deegaannada ay maamulaan.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Ahlu sunna oo sheegtay in dhawaan ay dalka ka sifeyn doona Shabaab

Culumaa’udiinka Ahlu suna Wal jamaaca ayaa Sheegay in heer gabo gabo ah uu  marayo qorshe ay doonayaan In Maleshiyaadka Shabaab ay kaga Sifeeyaan Gobolka Galgaduud.

Madaxa warfaafinta ee Culamaa’udiinka Ahlu sunna waljamaaca Sh. C/laahi Sh.C/raxmaan Abuu Yuusuf Alqaadi ayaa sheegay in ay heer gebo gebo ah marayso qorsho dheer oo maleeshiyaadka dagaalada ka wada Soomaaliya looga saarayo qaybo ka mid ah gobolka Galgaduud.

Waxa uu sheegay in goor dhow la filanayo in ay hirgasho qorshaha xoogan ee u degsan culimada Ahlusunna ee dalka looga xoraynayo Maleeshiyaadka dagaal u jooga ah  ee dhibaatada Soomaaliya ka wada isagoo intaa raaciyay in ay san fursad siindoonin kooxahaasi saacadba hala ekaatee.

Shabaab oo kaashanayaan dagaalyahano al qaacida ah ayaa qas iyo fowda ka wada guud ahaan dalka soomaaliya, iyagoo dila, dhaca kufsada bulshada soomaaliyed.

 

Posted in DhacdooyinComments (0)

Xus loo sameeyay Cumar Xaashi iyo Xubnihii kale ee la dhintay

Waxaa hoolka shirarka ee Hotel Andalus ee degmada Islii, magaalada Nairobi lagu xusay Sannadguurada  koobaad qaraxii 18 june ka dhacay magaalada Baladweyne.

Qaraxaas oo sababay dhimasho dad gaarayo 37 qofood ayna ka mid ahaayeen wasiirkii Amniga Dowladda Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan iyo Danjire Cabdikariim Faarax Laqanyo.

Munaasabadaas waxaa soo xaadiray dhamaan bulsho weynta Soomaaliyeed ee ku nool wadankaan Kenya, gaar ahaan Nairobi iyo hareeraheeda.

Waxaa munaasabaddaas ka hadlay masuuliyiin  kala duwan oo uu ugu horeeyay gudoomiyaha jaaliyada reer Hiiraan ee wadanka Kenya Prof Cade Duqow. Prof Cade wuxuu si tiiraanyo leh uga hadlay qaraxii ka dhacay Hotel Madina; wuxuuna asigoo hadalkiisa sii wata yiri in jaaliyada reer Hiiraan ay xasuusan doonto maalintaan murugada leh. 

Muxudiin Cumar Cabdi ayaa si faahfaahsan uga warbixiyey  taariikh nololeedkii Cumar Xaashi Aadan iyo Danjire C/kariim Faarax Laqanyo.

Waxaa isna munaasabad ka hadlay gudoomiyaha qurbajoogta reer Hiiraan Maxamud Cabdi Gaab..
Waxaa isnla halkaas ka hadlay Maxamed Cabdi Yusuf oo R/Wasaari u ahaa dowladda lagu soo dhisay Magaalada Carta.  “Cumar Xaashi iyo aniga waxaynu ahayn  saaxibo aad isugu dheer , waxayna ahayd saaxibtinimo aan qaranka Soomaaliyeed ku badbaadineyno.  Cumar Xaashi halgankii aan ku ballanay ayuu ku dhintay” sidaa waxaa yiri Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf.

Caaqil Bashir Maxamed Jaamac (Caraacir) ayaa ku gubaabiyey ka soo qaybgalayaashii munaasabad in ay dadkii ku geeriyooday qaraxii Beledweyne loo dhiso dugsiyo iyo dhismooyin kale oo lagu  xasuusto.

Waxaa sidoo kale goobta munaasabadda ka hadlay Xildhibaan Cabdiwali Sh. Maxmed  oo sheegay in ay muhiim tahay in maxkamad la soo taago dhamman dadkii ka dambeeyey qaraxyadii lala beegsaday Hotelada Shamow iyo Madina.  Salaad Cusmaan Rooble  oo isna halkaas ka hadlay ayaa u tacsiyadeey dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan bulshaweynta reer Hiiraan, wuxuuna xusay in maanta ay mudantahay in mar waliba la xusuusto

Posted in DhacdooyinComments (0)

Sh Xasan Dahir Aweys oo qirtay in kooxdiisa burburtay

Gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa faah faahin ka bixiyay ka bixitaankooda magaalada Beledweyn iyo qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan oo uu maalmo ka hor ka soo baxay Maamulkiisa, isagoo ku tilmaamay mid ay ku bad baadinayaan dagaal ka dhex qarxa iyaga iyo Shabaab.

Xasan Dahir ayaa si cod hoose ku jirta u sheegay in ay dulqaad sameynayaan, bedelkii ay Shabaab xumaatay, isagoo tallaabada ku tilmaamay mid damac ku jira sida uu yiri.

“Runtii waxaan anagu bad baadineynay dhiiga shacabka reer Hiiraan iyo midka Mujaahidiinta, mida kale waxaan diidaneyn inaan dagaalano cadawgana nagu farxo”ayuu yiri Sheekh Xasan Dahir.

Isagoo ka hadlayay dood ka baxeysay Idaacada Horn Afrika ayaa waxaa uu sheegay inuu isaga uu ogol yahay midnimo, hase ahaatee waxaa hadalkiisa laga dhadhansan karay inuu diidanaa ku biirida Shabaab.

“Horta ku biirid waa shey, labo urur waa midoobi karaan ,siyaasad ahaan iyo mabda’ ahaan, taas anaga ayaa diyaar u ahay, laakiin in marka hore la fahmo labadaas qodob ayaa muhiim ah”ayuu yiri Sheekh Xasan Dahir oo ka leex leexanayay su’aalo badan oo dhageystayaasha soo weydiiyeen.

Sheekh Xasan Dahir ayaa isniintii sheegay in waxa ka dhacay Hiiraan ay dhaawacayaan Midnimada labada dhinac ee Shabaab iyo Xisbiga, isagoo cambaareeyay tallaabada qaar ka tirsan Saraakiishii Hiiraan ay ugu biireen Shabaab.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya xilli Shabaab ay dhameystirtay qorshaha ay xididaha ugu siibeyso Xisbul Islaam, iyadoo adeegsanayo xeelad iyo xoog, waxaana Xisbiga haatan uu ku soo uruuray Afgooye min Ceelasha Biyaha

Posted in DhacdooyinComments (0)

Madaxweyne Shariif oo beeniyay in Ciidamadiisa ay ka mid yihiin caruur aad u yar yar

Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya  Shariif Sh Axmed ayaa ka hadlay war ay qortay New York Times ee sheegay in Dowladda KMG ah ay ciidanka qaranka u qoratay carruur yaryar oo qaan gaar ahayn.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan ka warqabin meel carruur yaryar loogu qoray ciidanka qaranka Soomaaliyeed.

Madaxweynuhu waxa uu yiri “waddanka waxa uu la ciirciirayaa kumanaan rag xoog leh ah oo ay dawladdu mashquul ku tahay hub ka dhigistooda”.

Dowladda KMGa h iyo kooxaha ka soo horjeeda ayaa lagu arkay caruur aad u yar yar oo loo dhiibay hubka lagu dagaalamo.

Madaxaweynuhu waxa uu amar ku bixiyay in haddii ay jiraan carruur ka mid ah ciidanka degdeg looga saaro.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Abuu Mansuur oo Xaalad adag soo wajahday

Xaaladda caafimaad Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka tirsan kooxda Shabaab ayaa sii xumaatay ka dib markii lagu sameeyay qaliin aan lagu guuleysan.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya In Muqtaar Roobow Cali oo ka mid ah ragga ugu sareeya kooxda Shabaab uu ku sugan yahay xaalad caafimaad oo aad u liidata, ayadoo qaar ka tirsan xubnaha hoose (qaarka dambe) ee jirkiisa aysan shaqeyneynin waqtigaan.

Dr. Ajnabi ah oo laga keenay magaalada Kismaayo ayaa qaliin ku sameeyay Abuu Mansuur oo la il daran dhaawac ka soo gaaray dagaal bilowgii bishaan ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana qaliinkaas oo ka dhacay Muqdisho uu ku dhamaaday guul darro markii Dr-kii ajnabiga ahaa uu ku guuldareystay in uu soo saaro Firir horjoogahaa uga jiray dhabarka oo waqtigaan sababay in ay shaqadii gabaan qeybo ka mid ah xubnaha qaarka dambe ee Abuu Mansuur.

Qaliinka dhicisoobay kaddib ayaa Abuu Mansuur loo qaaday magaalada Baydhabo ee gobolka Bay halkaas oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, waxaana la sheegayaa in lagu haayo guri ku yaalla halkaasi.

Wararka ayaa tilmaamaya in horjoogayaasha Al-Qacida ee ku sugan dalka Yemen ay maleeshiyada Shabaab ku wargeliyeen in horjooge Muqtaar Rooboow loo soo qaado dalka Yemen, si ay halkaasi ugu dabiibaan Dhaqaatiir Al-Qaacida ka tirsan oo ku sugan halkaasi.

Mukhtaar Roobow ayaa la rumeysan yahay in uu ka mid yahay ragga ugu sareeya shaqsiyaadka metela taliska wakiilka u ah Al-Qacida ee Al-Shabaab, waxaana la sheegay in uu mararka qaar u hadli karo si wanaagsan.

Mukhtaar Roobow Cali ayaa 5 bishaan ku dhaawacmay dagaal xooggan oo dhex maray ciidamada Dowladda iyo maleeshiyada Shabaab wuxuuna dagaalkaasi ka dhacay qeybo ka mid ah degmooyinka Kaaraan iyo C/casiis, Dagaalyahanno Ajaanib ah iyo horjoogayaal kale ayaana ku dhintay dagaalkaasi

Posted in DhacdooyinComments (0)

IGAD applauds the election of Sharif Hassan as a speaker

COMMUNIQUÉ OF THE 36TH EXTRA- ORDINARY SESSION OF THE IGAD COUNCIL OF MINISTERS

The 36th Extra-Ordinary Meeting of the IGAD Council of Ministers was held in Addis Ababa on 15 June 2010 under the Chairmanship of H.E. Seyoum Mesfin, Minister of Foreign Affairs of the Federal Democratic Republic of Ethiopia and the current Chairperson of the IGAD Council of Ministers. The meeting was attended by H.E. Mahmoud Ali Youssouf, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Republic of Djibouti; H.E. Moses Wetang’ula, Minister of Foreign Affairs of the Republic of Kenya; H.E. Abdirazak Osman Hassan Minister of Posts and Telecommunication of the Transitional Federal Government of Somalia, H.E. Sam Kutesa, Minister of Foreign Affairs of the Republic of Uganda, and H.E. Dr. Tekeda Alemu, State Minister of Foreign Affairs of the Federal Democratic Republic of Ethiopia, H.E. Hassan El Talib Ambassador of Sudan to Djibouti representing the Minister of Foreign Affairs of the Republic of Sudan, H.E. Eng. Mahboub Maalim Executive Secretary of IGAD and Hon. Kipruto Arap Kirwa, IGAD Facilitator for the Somalia Peace and National Reconciliation. Hon Joshua Orwa Ojode, Assistant Minster of State for Internal Security, Office of the President of Kenya, Hon David Musila, Assistant Minister of Defense of Kenya, and H.E. Abdullahi Mohamed Ali, Minister of National Security of the TFG of Somalia were in attendance. Invited guests to the Council meeting included, Mr. Fexton Mutapa, representing the Special Representative of the Secretary-General of the UN to Somalia, H.E Raffaele de Lutio, Italian Ambassador to Ethiopia and the Co- Chair of IPF and H.E. Ahmed Salah-Eldin Noah, Ambassador of the League of Arab States to Ethiopia.

After exchanging views on the prevailing political, security and humanitarian situation in Somalia and in particular the multiple challenges that are facing the Transitional Federal Government (TFG) of Somalia , the Council:

1. Takes Note of the briefs on the current political and security situation in Somalia as presented by H.E. Abdirazak Osman Hassan, Minister of Posts and Telecommunication of the TFG, Hon. Kipruto Arap Kirwa, IGAD Facilitator for the Somalia Peace and National Reconciliation as well as the statements made by the Chairperson of the IPF and the Representative of the League of Arab States, representative of UNPOS, as well as statements made by IGAD Chairperson and Heads of Delegations of the Member States. INTERGOVERNMENTAL AUTHORITY ON DEVELOPMENT AUTORITÉ INTERGOUVERNEMENTALE POUR LE DÉVELOPPEMENT

2 2. Recalls with serious concern the recent developments among the leadership and members of the Transitional Federal Government (TFG) and the Transitional Federal Parliament (TFP) of Somalia that gave rise to uncertainties among the population of Somalia as well as the region and the international community at large; regrets that valuable time and resources that could have been used to address priority issues of the state were unduly wasted due to the wrangling and recriminations among the leadership of the Transitional Federal Institutions (TFIs).

3. Recognises that the problem created within the Parliament has been defused with the election of the former Deputy Prime Minister and Minister of Finance, Sharif Hassan Sheikh Adan as the new Speaker of Parliament. Expresses confidence in the leadership of TFG and acknowledges the continued efforts by the President and Prime Minister in their efforts to restructure the cabinet. Council congratulates the Parliament for handling the recent crisis responsibly.

4. Expresses confidence in the leadership of the TFIs to address fully the outstanding issues including the formation of the Cabinet. While appreciating support and assistance being rendered to Somalia by the International Community, Council underscores the importance of allowing the TFIs to undertake necessary consultations without undue external pressure and interference.

5. Urges the leadership of the TFIs to forge ahead in unison and tackle the numerous tasks that are essential to pacify Somalia and lay the foundations for the reconstruction and development of the country. In this regard, Council underlines more specifically that the TFIs are expected to take expeditious measures to put in place the administrative and governance structures and institutions of Somalia and accomplish all tasks as envisaged in the Transitional Federal Charter (TFC)

6. Commends the TFG and Ahlu Sunna Wal Jama’a (ASWJ) on the agreement they signed on 15th of March 2010, at the AU Headquarters in Addis Ababa, as a major and positive development that would have far reaching positive implications for the peace and national reconciliation endeavours underway in Somalia. Council notes that the agreement demonstrates, once again, that the TFG is committed to its pledges to pursue a policy of outreach and national reconciliation throughout the country and also underlines that the agreement has strongly been welcome by the international community.

7. Strongly urges the leadership of the TFG and ASWJ to implement the agreement as soon as possible so as not to lose the positive momentum and in order to achieve the full integration of the security forces and administrative structures of the ASWJ to that of the TFG. In this connection, Council calls upon, the organizations mentioned in the Agreement namely, IGAD, AU, and UNPOS to assist the parties in the implementation process.

8. Welcomes the signing of an MOU between AMISOM, IGAD Office of the Facilitator for Somalia and UNPOS on 28 April 2010 to coordinate their tasks on peace in Somalia and improve communications on on-going and planned activities.

9. Emphasizes the need to mobilize sufficient funds in a sustainable manner to pay allowances to the members of the parliament as well as to provide them with adequate security. In this connection, Council requests the partners and the International Community to remain committed in fulfilling their pledges.

10. Condemns the terrorist attacks launched by the extremist elements especially by the Al-Shabab and Hizbul Islam militia causing loss of civilian lives, injury and destruction of property leading to massive displacement of the population within and outside Somalia. Council expresses its support and solidarity with the people and the Transitional Federal Government of Somalia in their fight against extremist forces who continue to destabilize Somalia causing immense suffering including abuse of human rights.

11. Reiterates the commitment of the Member States of IGAD to work in partnership with the international community and enable the TFG to assume full control over the territory of Somalia. In this connection Council appreciates the support that has been rendered by the partner countries and organizations in the training of the Somalia security forces upon TFG’s request.

12. Underscores the need to bring about fundamental changes in the security sector to effectively address the security challenges in Somalia. In this regard, calls upon the TFG to reorganize its security forces structure aimed at unifying all its regional commands under a central command .Council emphasizes that the troops being trained to serve in the security forces of the TFG have to be logistically supported and remunerated.

13. Further calls upon TFG and AMISOM to work out agreeable rules of engagement within the context of the mandate of AMISOM and establish a structured coordinating mechanism to ensure a smooth working relationship between the TFG and AMISOM security forces.

14. Pays tribute to the AMISOM peacekeeping troops and the troop contributing countries of Uganda and Burundi and calls upon the UN and the international community at large to enhance assistance to AMISOM. Council reiterates its call to the UN to assume its responsibility by deploying a UN peacekeeping mission in Somalia to take over from AMISOM.

15. Commends the outgoing Special Representative of the UN Secretary-General H.E. Ould Abdallah for the dedicated service that he rendered in the interest of peace in Somalia. Council welcome the appointment H.E. Augustine P. Mahiga as the new Special Representative of the Secretary-General.

16. Expresses its appreciation for the support and assistance provided by the international community to the people and Government of Somalia. However, Council reiterates the central role of IGAD on matters pertaining to Somalia and calls for the avoidance of the proliferation of initiatives.

17. Emphasises that the efforts to stabilise the current situation in Somalia require a new impetus. Council recommends to the IGAD Assembly of Heads of State and Government to convene an urgent extra-ordinary Summit at the earliest opportunity to review the serious political and security developments in Somalia and the region with the objective of reengineering the whole process.

18. Deplores the deteriorating humanitarian situation in Somalia and calls upon the international community to urgently enhance their humanitarian assistance to the people of Somalia.

19. Having listened to a brief by H.E. Mahmoud Ali Youssouf, Minister for Foreign Affairs of the Republic of Djibouti on the mediation efforts by Qatar between Djibouti and Eritrea, decides to encourage the positive developments and also underscores the necessity for Eritrea to carry out all its obligations under the UN Security Council Resolution 1907 (2009).

20 Expresses its appreciation to the Government and the People of Ethiopia for hosting the meeting at this crucial moment

21. Decides to remain seized of the matter. Issued on the 15th day of June, 2010 in Addis Ababa, Ethiopia

Posted in DhacdooyinComments (0)

Eng. Yarisow oo sheegay in Deeq-bixiyeyaasha caalamka looga baahanyahay inay taageeraan Dowladda iyo UNICEF si carruurta Soomaaliyeed ay u helaan daryeel

Muqdisho, (TFG): Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo ah Wasiirka Lacagta, ahna sii hayaha Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in Maalinta Carruurta Africa oo ku beegan 16-ka June 2010 deeq bixiyeyaasha caalamka looga baahanyahay inay gar-gaar deg-deg ah la soo gaaraan dowladda Soomaaliya iyo UNICEF si carruurta Soomaaliyeed ay u helaan daryeel mustaqbal leh.

Caruurta Soomaaliyeed waxaa heysta nasiib darro oo kooxaha ka soo horjeeda Dowladda FKMG ah waxey ku tuntaan dhammaan xaquuqaha carruurta dhan walba, ha noqoto in loo diido waxbarasho, ama lagu qasbo inay dagaalada galaan. In kooxaha ka soo horjeeda dowladda ay ku sii tuntaan xaquuqda carruurta Soomaaliyeed oo ah mustaqbalka berri ma aha mid laga yeelayo.

Waa in carruurta Soomaaliyeed meel walba ay joogaan la siiyaa dhammaan xaquuqahooda oo ay ku jiraan waxbarasho, caafimaad iyo daryeel guud. Waxaan UNICEF ku ammaaneynaa dadaalada ay wadaan oo lagu xaqiijinayo in carruurta Soomaaliyeed si joogta ah looga warqabo, ha yeeshee waxaan la soconaa in UNICEF iyo Dowladda FKMG ahba aysan heysan dhaqaale ku filan oo lagu daryeelo carruurta Soomaaliyeed.

Dowladda FKMG ah waxaa ka go’an in caruurta Soomaaliyeed ay helaan dhammaan xaquuqdooda oo weliba meel looga soo wada jeesto AL-Shabaab iyo sida ay carruurta ugu isticmaalaan dagaalo iyo colaado joogta ah, gaar ahaan midka diineed oo runtii mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed dhibaato weyn u keeni kara. 

Dowladda FKMG ah ma heysato dhaqaale sidaas daraadeed waxaan caalamka gaar ahaan deeq bixiyeyaasha ka codsaneynaa inay caruurta Soomaaliyeed la soo gaaraan gar-gaar deg-deg ah si carruurta Soomaaliyeed ay u helaan dhammaan daryeelka ay sida aadka ah ugu baahan yihiin.

Carruurta Soomaaliyeed waa in si deg-deg ah loola soo gaaraa gar gaar waxbarasho oo tayeysan taasoo ka fogeyneysa collaadaha iyo dhibaatooyinka joogtada ah una fureysa maskaxdooda.

Dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada waxaan ugu baaqeynaa inay xil weyn iska saaraan sidii caruurta Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen daryeel dhameystiran.

Wasaaradda Warfaafinta, Muqdisho

Posted in DhacdooyinComments (0)

Istiraatiijiyadda Shabaab ee meesha looga saarayo Xisbul-Islaam oo u muuqata Dhamaad.FAALLO

 Bishii Octobar ee sanadkii tagay  ayaa la dejiyay Istiraatiijiyadda Shabaab ee ku wajahan burburinta  awoodaha kooxda la baxday Xisbul-Ilsmaa iyo isku ballaarinta goobaha ay ku sugan yihiin ee gudaha dalka Soomaaliya, ayadoo loo marayo waddo kasta oo lagu gaari karo oo ay ku jirto in la khaarijiyo shaqsiyaadka loo arko in ay caqabad ku noqon karaan Ajandaha degsan ee Shabaab.

Dhamaadkii sanadkaas ayaa weerar aan lala dhuuman lagu qaaday Maleeshiyaad uu watay Axmed Madoobe oo ka tirsanaa garabyada ugu awoodda badan kooxda Xisbul-Islaam, waxaana la dhaafiyay xadka Kenya ayadoo loo daliishaday “Riddo iyo maamul islaami ah ayuu ku soo duulay” si   loo suura geliyo in aysan kooxda Xisbul-Islaam  garab istaagin Axmed Madoobe

Hogaamiyayaasha Xisbul-Islaam sida Xasan Daahir Aweys waxaa lagu mashquuliyay wadahadal markii dambe ku dhamaaday Dibnaha Afka, waxaana suura gashay in meesha laga saaro taliskii Xisbul-Islaam ee gobollada Jubooyinka ayadoo aan la wajihin culeyska Ciidan ee kooxda, maadaama ay ShabAabku u qeybiyeen laba qeybood oo midi Riddo tahay, cabsi xoggan oo jiri kartay ayaa qasabtay in Xisbul-Islaam ay ka aamusaan waxa ka dhacay Jubooyinka.

Qorshaha Shabaab ee ku wajahnaa Xisbul-Islaamka Jubooyinka wuxuu noqday mid lagu guuleystay, ayadoo laga helay faa’iidooyin dhaqaale iyo mid Istiraatiijiyadeed, waxayna Shabaabku ku faafeen dhamaan degmooyinka gobolka Jubadda Hoose.

Talaabooyinka xiga ee Shabaab ayaa lagu sheegay Hiiraan iyo degmada Afgooye oo qeybo ka mid ah ay maamulaan kooxda Xisbul-Islaam la baxday, waxaana dhawaan laga saaray magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan.

Sh. C/raxiin Ciise Cadoow oo ahaa Afhayeenkii Midowga Maxaakiimta Islaamka haddana ka tirsan Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa qaba in qorshaha Shabaab ee ka dhanka ah Xisbul-Islaam ay ku socoto waddo aan xanaf lahayn oo suuro gal ka dhigi karta in ay ka guuleystaan, isagoo soo qaadanaya marxaladaha ay soo martay qorshaha Shabaabku ay ku jirdo bixinayaan Xisbul-Islaam.

Wuxuu sheegay in si dhib yar ay meesha uga saareen Awoodo ay Xisbul-Islaam ku lahaayeen Gobollada Jubooyinka, ayadoo aan waxba la iska weydiinin, wuxuu tilmaamay in laga wareegay Horjoogayaal badan oo miisaan ku lahaa kooxda, isagoo ugu dambeyn soo qaatay falkii ay Shabaabku kula wareegeen Magaalada Beledweyne oo ay dhiig badan ku daadiyeen Xisbul-Islaam.

Maleeshiyada Shabaab ayaan marna meesha ka saarin hindisahooda ku wajahan la wareegidda Hubka iyo horjoogayaasha ka tirsan  Xisbul-Islaam, waxay heshiis huri wayto u muuqda la gashay Xasan Turki oo ku feker ahaa Axmed Madoobe kuna xigay Xasan Daahir Aweys, waxaana sidoo kale ku biiray horjoogayaal kale oo hub iyo maleeshiyaad u gacan giliyay Shabaabka sida kooxdii Beledweyne laga qabsaday

Sidoo kale Hadafka Shabaab ee keli joogga ah waxuu dalka ka saaray Horjoogayaal badan oo fahmay siyaasadda runta ah ee Shabaab, waxaana ka mid ahaa Horjoogihii ugu horeeyay ee Xisbul-Islaam Cumar Iimaan Abuubakar iyo Muuse Caraale oo ahaa Afhayeen markii dambena gaashaan-dhigga ugu magacaabeen Xisbul-Islaam.

Raggani waxay ka badbaadeen shirqoollo badan oo ay Shabaabku u dhigeen, waxaana ku adkaatay in ay jawaab ka bixiyaan gumeysiga naxariis darrada ah ee Kooxda, iyo u nuglaanshaha Xasan Daahir Owgeed, ugaarsiga shabaab waxaa  god u galay Horjoogayaal uu ka mid yahay Barre Cali Barre, oo ka mid ahaa dagaal yahannadii Kambooniyiinta ee ka soo dagaal galay gobollada Jubooyinka.

Maleeshiyada Xisbul-Islaam ee uu hogaamiyo Xasan Daahir Aweys waxay jawaab uga dhigtay Arimahaan oo dhan “waan ka xun nahay” oo uu marka kasta warbaahinta ka sii deynayay Horjooge Xasan Daahir Aweys oo cimriga kooxdiisa u arka inta uu ka dhacayo dagaal dhex mara Shabaab iyo Xisbul-Islaam, taasian waxay sababtay in horjoogayaal badan ay ka baxaan kooxdiisa.

Dad badan ayaa qaba in Xisbul-Islaam ay fiirsaneyso guul darradeeda marka laga fiiryo jawaabaha ay ka bixinayaan dagaalka hoosaadka ay kula jiraan Shabaab, qorshaha ma ugu jirtaa siyaasad ay iskaga difaacayaan gulufka dagaal ee ay ku wadaan Maleeshiyada Shabaab?,

Xasan Daahir Aweys oo dhawaan Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa dagaalka kooxdiisa ay kula jirto ku tilmaamay “Fitno”, isagoo ku celiyay mar kale in uu ka xun yahay waxa ay ku kacayaan kooxda Shabaab.

Taas ayaa muujineysa in qorshaha Xisbul-Islaam ee ku aaddan dagaalkaan uu yahay “meesheey kula gaarto uga tag”.

Kooxda Shabaab ayaan maalin ka nasan sidii ay meesha uga saari lahayd maamul kasta oo meel haysta misna aan ayaga ka tirsanayn, hase yeeshee dagaalka ay la galayaan ayay magacyo kala duwan u bixiyeen.

Tallaabada xigta ee Shabaab ayaana loo arkaa dagaallo ka dhaca goobaha u haray Xisbul-Islaam sida degmada Afgooye, Celasha Biyaha iyo qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaad ka tirsan Xisbul-Islaam.

Sababta dagaallada ay Shabaabku uga wadaan Soomaaliya ayaa  ah rabitaankooda   takfiirka ah oo nolosha u diidaya ciddi ayaga ka soo harta.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Canshuur ka qaadista Xaafadda Eastleigh ee Magaalada Nairobi oo la joojiyay

Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa amartey in si ku meel gaar ah ay Dowladda Hoose ee magaalada Nairobi u joojiso, qaadista canshuuraha iyo khidmadaha kale ee xayeysiinta ganacsiga ee xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Eastleigh.

Go’aanka ayaa waxaa uu ka dambeeyey dacwad ay maxkamadda hor geeyeen guddiga ganacsatada xaafadda Eastleigh, iyagoo ku andacoonaya in dowladda hoose ay gabtey dayactirka waddooyinka, nadaafadda iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.

Go’aanka maxkamadda ayaa Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi ay si weyn ugu riyaaqeen, una arkeen guul u soo hoyatey.

Xaafadda Eastleigh waxay ka mid tahay meelaha sida aadka ah u burbursan waddooyinkeeda, sidoo kale Nadaafada xaafadda ayaa aad u liidata, mana jirto xaafad ka mid ah Kenya oo Eastleigh la mid ah.

Xaafadda iyo goobaha ku hareereysan laga qaado canshuur kor u dhaafeysa ilaa 900 oo milyan oo shilinka Kenya ah, balse aan waxba looqu qaban adeegyada horumarinta ee xaafaddu u baahan tahay.

Maxkamadda Sare ayaa bishan 22keeda lagu wadaa inay dhegeysato jawaabta dowladda hoose ee ku aadan eedaymaha loo soo jeediyey, balse ganacsatada xaafadda Eastleigh ayaa filaya in maxkamaddu ay sii kordhin doonto muddada joojinta canshuur qaadista.

 

Posted in DhacdooyinComments (0)

The Somali people must be allowed to watch the World Cup football says Somali Ministry of Information

  Media Release, Mogadishu, 15 June 2010

The Somali Ministry of Information condemns the restrictions imposed by the extremists on the Somali people who want to watch the Football World Cup.
 The Somali people, like everyone else in Africa, should be able to watch the tournament without fear of loss of life.  The recent killings by Al Shabab and Hisbul Islam highlight yet again their barbarism, brutality and intolerance of Somali culture and values.
The killing of Somalis for watching football is the latest in a long line of un-Somali and un-Islamic activities by the extremists.
Most recently, Al Shabab looted Somaliweyn radio located in Mogadishu in order to silence it. Other radios under Al Shabab control are constantly intimidated.
Last week, Shabelle radio managed to move safely from Bakara market to the TFG -controlled area of the city. The Ministry of Information and the Media House in Mogadishu are preparing projects to assist journalists in their attempts to broadcast freely.

END

Posted in DhacdooyinComments (0)

Darawalkii Madaxweynaha Soomaaliya kaasoo lagu aasay dalka Uganda

Darawalkii Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo lagu magacaabi jiray Eriya Kabuye ayaa lagu aasay Magaalada Luwero ee dalka Uganda, sida uu qoray Wargeyska New Vision ee kasoo baxa dalkaas.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Uganda oo lagu magacaabo Lt. Michael Turiraba ayaa u sheegay Wargeyska New Vision sabtidii in Kabuye uu ku dhintay mid ka mid ah Madaafiic lagu weeraray Madaxtooyada horraantii bishan.

“Darawalkii Madaxweyaha Soomaaliya wuxuu ku dhintay Madfac kula dhacay gaarigiisa, waxyar kaddib markii uu Madaxweynaha Soomaaliya geeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho bishan 3-deedii” ayuu yiri Lt. Michael Turiraba.

Eriya Kabuye oo ah darawalka dhintay ayaa jiray 33-sano, waxaana shalay oo Axad ahayd lagu aasay Magaaladii uu ku dhashay ee Luwero, isagoo ifka kaga tagay 3-caruur ah iyo hooyadii u dhashay.

Waxaa sidoo kale weerarkaas ku dhintay askari kale oo ka tirsan ciidamada AMISOM kana soojeeday Uganda, waxaana isagana lagu aasay magaaladii uu ku dhashay, waxaana Madaxtooyada oo inta badan lagu weeraro Madaafiic ilaalo ka ah AMISOM.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka socda Uganda iyo Burundi, kuwaasoo huwan magaca AMISOM, waxaana laga dilay 38-askari tan iyo markii ay howlaha nabad ilaalinta ah ka bilaabeen Muqdisho 19-askari oo ciidamadaas ka mid ahna waxay u dhasheen Uganda.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Maamulka Somaliland oo qabtay dad looga shakiyay Argagixiso

Ciidamada Booliska Maamulka Soomaaliland ayaa xabsiga dhigay afar qof oo looga shakiyay in ay xiriir la leeyihiin kooxaha argixisada ah ee ka dagaalama soomaaliya kuwaas la rumeysan yahay in ay xiriir la leeyihiin kooxda Al qaacidada.

Sida ay sheegayan wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa afar qof oo laba ka mid ah ay haween yihiin in la qabtay galabnimadii axadda xilli ay ku safrayeen gaari ku sii jeeday magaalada Hargeysa waxayna ka yimideen Magaalada Adiss Ababa, ayagoo ka soo gudbay deegaanka Wajaale oo u dhow xadka Itoobiya iyo Soomaaliya.

Ciidamda Booliska ee magaalda Gebileey ee maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay dadkaani ay ku sii jeedeen magaalada Hargeysa si ay uga fuliyaan qaraxyo iyo weeraro kale, waxayna warar hoose sheegayaan in ciidamadu ay ka heleen boorso ay wadatay labada dumarka waxyaabo laga sameeyo walxaha qarxa.

Maleeshiyaadka xiriirka la leh Alqaacida ee dagaallada ka wada Soomaaliya ayaa horay weeraro is miidaamin ah uga fuliyay gobollada Woqooyi  Bari iyo Woqooyi galbeed ee maamulada Puntland iyo Somaliland, waxayna maamulka Somaliland ka cabsi qabaan in ay weeraro la beegsadaan doorashooyinka dhawaan ka bilaabaneya gobollada maamulka Soomaliland.

Posted in DhacdooyinComments (0)

5 ruux ayaa loo qabtay weerar lagu qaaday Guriga Guddoomiyaha Fulinta Ahlu sunna

Maamulka Culummaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca ee Gobolka Galguduud ayaa sheegay inay shan qof u qabteen bamkii habeen hore lagu weeraray guriga guddoomiyaha golaha fulinta ee Ahlusunna Sheekh Max’ed Yuusuf Xeefow uu ka daggan yahay degmad Guri-Ceel.

Madaxa Ammaanka Degmada Guri-Ceel ee Gobolka Galguduud Sheekh Maxamed Shidane Diiriye (Daqarre) oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in baaritaanno ay sameeyeen kaddib ay gacanta kusoo dhigeen shantan qof ayna sharciga horgeyn doonaan.

“Shanta qof ee lagu tuhunsan yahay inay weerarka geysteen Maxkamad ayaa lasoo taagi doonaa” ayuu yiri Madaxa Ammmaanka degmada Guri-Ceel oo intaas ku daray in bandow lagu soo rogtay degmada si loo xaqiijiyo ammaanka.

Bamkii lagu weeraray guriga guddoomiyaha fulinta habeen hore ayaa wuxuu dhaawac u geystay saddex qof oo ka mid ahaa odayaal shir ku lahaa halkaas, waxaana shirkaas ka qaybgalayay guddoomiyaha Degmada Guri-Cceel Cismaan Ciise (Taar-dhuleed).

Posted in DhacdooyinComments (0)

Degaanka Xaawo Cabdi oo laga diiday Maleeshiyada Xisbul Islaam

Dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo Maleeshiyaadka Kooxda uu madaxda u yahay Sheekh Xasan Dahir Aweys ee Xisbul-islaam ayaa Maanta ka dhacay Deegaanka xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdishgo.

Banaanbaxan oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 2000,oo Muwaadiniin Soomaali ah oo ka barakacay magaalada Muqdisho islamarkaasna deganaa degaanka Xaawo Cabdi ee ku yaala inta u dhaxeeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa looga soo horjeeday maleeshiyada Xisbul Islaam

Dibad baxan ayaa ka dambeeyay kadib markii uu horjooge ka tirsan Maleeshiyaadka Xisbul-islaam uu amar ku bixiyay in laga barakaco Dhamaan Kaamamka SDM ee ku yaalla Deegaanka Xaawo Cabdi halkaas oo ay ku noolyihin Kumaannaan Barakacayaal Soomaali ah oo ka baxsaday dagaallada ka jira gudaha Magaalada Muqdisho.

Dibad baxayaasha ayaa ku dhawaaqayay Ereyo ka dhan ah Maleeshiyaadka Xisbul-Islaam kuwaas oo Qaarkood ay ka mid ahaayeen “Dooni Meyno Xisbul-Islaam, Dooni meyno Madaxdooda dooni meyno Barakac Labaad”.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Badalkii Axmed ul Cabdalla oo la magacaabay

xoghayaha Guud ee  Qaramada Midoobay ayaa magacaabay Augustine P. Mahigao inuu noqday walikiilka xoghayaha guud ee qaramada middoobay iyo madaxa xafiiska  siyaasada ee qaramada midoobay.

Mahiiga oo dalkissa uga ahaa wakiil qaramada midoobay ila 1993 waxa u soo qabtay xillal badan oo kaleh ee saameeyn kuleh nabadgalyada iyo horumarka, sida lagu sheegay warbixin gaaban.

Ul Cabdalla ayaa ka tagayaa xafiiska kadib marki hanaanki siyaasadeed ee u soo dhisay u soo hooyn waayay nabad iyo isagoo oo faragalin balaaran ku yeeshay arrimaha gudaha ee madaxda Somaalida.

Ergegii hore ma soo codsan in shaqadiisa loo cusbooneeysiyo marki xilliga ka dhamaaday isagoo oo an kalsooni buuxda qabin in loo dheereey doono wakhtiga, sida ay sheegeen dad isaga la shaqeeyn jiray.

Waxaa lagu tilmaama nin isla weeyna oo arrin an dhageeysan qofkii an amaan u soo jeedin isaga. Dad badan ayaa rabay inuu xilka iskaga tago markii u dowlad Jabuuti ku soo dhisay si fursad u siiyo dib heshisiin kuwi siyaasada ku collobay.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Madaxweyne Shariif” Wax lug ah kuma lihi Wasiirada is casilaya”

Hadal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in aan Madaxtooyadu wax lug ah ku lahayn is casilaadda Wasiirrada Dowladda KMG ah.

Waxay Madaxtooyadu sheegtay in is casilaaddani ay ka timid Wasiirrada is casilay, isla markaana ay tahay mid dhex taalla Golaha Wasiirrada.

Warka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya waxaa uu muujiyay in aanu sax ahayn warka sheegaya in madaxweynuhu damacsan yahay in uu wiiqo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda KMG ah Cumar C/rashiid Cali

Isla warkaa gudihiisa, Madaxweynuhu wuxuu ku taliyay in arrintan ay ka wada hadlaan mas’uuliyiinta ay khuseyso.

Warka Madaxtooyada waxaa lagu caddeeyay in uu jawaab u yahay hadallo la isla dhex marayay oo sheegayay in Madaxweynuhu ka dambeeyo is casilaadda.

Hadalka ka soo baxay Madaxtooyadu waxaa uu abuurayaa su’aalo ka badan kuwa uu ka jawaabayo.

Waxaa la is weydiin karaa afar Wasiir oo is casilay maxaa ka dhigay arrin u taalla Golaha Wasiirrada oo xubnihiisu ay yihiin Wasiirro kale oo kuwa is casilaya ay isku darajo yihiin?

Su’aasha kale ee la is weydiin karaa waxay tahay waayo mas’uuliyiinta uu Madaxweynuhu sheegayo ee arrintani ay khuseyso, marka ay Wasiirrada is casilay eedeyntooda ay ka mid tahay in hoggaankii Qaranka iyo xukuumadduba ay fashilmeen?

Wasiirka Madaxtooyada, Xasan Macallin, wuxuu ahaa gacanyaraha Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed, intii uu Madaxweynaha ahaa iyo intii uu tartanka ugu jiray intaba. Wuxuuna deggan yahay Villa Somalia, oo ah hoyga iyo xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.

Haddaba ma la dhihi karaa Xasan Macallin wuxuu isu casilay waxyaabaha ka dhacaya Golaha Wasiirrada dhexdooda?

Posted in DhacdooyinComments (0)

shabaab rag iyo dumar is qarxin lahaa oo Burco lagy qabtay

Toddoba rag iyo afra dumar ah ee ka tirsan shabaab oo watay hub iyo qalabka laga sameeyo bombooyinka la isku qarxiyo, sarkaal ka tirsan booliska ayaa cadeeyay.

Sidoo kaleh laba ka mid ayaa sheegay ineey isqarxin iyo waxaa ay ugu yeereen jano u yimaadeen Burco.

Waxaa sarkaalku cadeeyay iney yihiin shabaab u soo diray Axmed Cabdi Godane sidaa qiraalkooda ku cad.

Posted in DhacdooyinComments (0)

advert

Waaxyaha

fiirin bog

Pictures

PHVsPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZHNfcm90YXRlPC9zdHJvbmc+IC0gdHJ1ZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX2ltYWdlXzE8L3N0cm9uZz4gLSAgaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3VwbG9hZHMvMjAwOS8xMC9zb21hbGktcGlyYXRlczIuanBnPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfaW1hZ2VfMjwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMTAvZmFyb2xlMi5qcGc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF9pbWFnZV8zPC9zdHJvbmc+IC0gIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMTAvc2hhYmFiZGFsa2EyNDEuanBnPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfaW1hZ2VfNDwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMTAvYW1pcl9hcnRzMTIuanBnPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfbXB1X2Fkc2Vuc2U8L3N0cm9uZz4gLSA8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF9tcHVfZGlzYWJsZTwvc3Ryb25nPiAtIGZhbHNlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfbXB1X2ltYWdlPC9zdHJvbmc+IC0gIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMTAvMDUveGFuYWZpMTMtMTUweDE1MC5qcGc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF9tcHVfdXJsPC9zdHJvbmc+IC0gIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vaW5kZXgucGhwLzIwMTAvMDUvYWxsYWhhLXUtbmF4YXJpaXN0by1zaC1udXItbWF4ZWQtYWJrZXktb28tcmFkaW8tbXVxZGlzaG8ta2EtdGlyc2FuYWEtYXlhYS1jYWF3YS1rb294ZGEtc2hhYmFhYi1rdS1kaWxlZW4tc3V1cWEtYmFrYWFyYWhhLzwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3RvcF9hZHNlbnNlPC9zdHJvbmc+IC0gPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfdG9wX2Rpc2FibGU8L3N0cm9uZz4gLSBmYWxzZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3RvcF9pbWFnZTwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMDkvYWQuZ2lmPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfdG9wX3VybDwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cud29vdGhlbWVzLmNvbTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3VybF8xPC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy53b290aGVtZXMuY29tPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfdXJsXzI8L3N0cm9uZz4gLSAgaHR0cDovL3d3dy5hbGxwdW50bGFuZC5jb20vYXJ0aWNsZS9hbm12aWV3ZXIuYXNwP2E9NjI0MSZ6PTI8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF91cmxfMzwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vaW5kZXgucGhwLzIwMDkvMTAvc2hhYmFhYi1vby1hYWQtdWdhLXFhcnNhbmF5YS1zaXJ0b29kYS14aXNidWwtaXNsYWFtLzwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3VybF80PC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy5hbWluYXJ0cy5jb208L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hbHRfc3R5bGVzaGVldDwvc3Ryb25nPiAtIGdyZWVuLmNzczwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2F1dGhvcjwvc3Ryb25nPiAtIGZhbHNlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYXV0b19pbWc8L3N0cm9uZz4gLSB0cnVlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fY3VzdG9tX2Nzczwvc3Ryb25nPiAtIDwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2N1c3RvbV9mYXZpY29uPC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3dvb191cGxvYWRzLzMtZmF2aWNvbi5pY288L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19mZWF0dXJlZF9jYXRlZ29yeTwvc3Ryb25nPiAtIFdhcmFya2Ega29vd2FhZDwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2ZlYXRfZW50cmllczwvc3Ryb25nPiAtIDE5PC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fZmVlZGJ1cm5lcl9pZDwvc3Ryb25nPiAtIDwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2ZlZWRidXJuZXJfdXJsPC9zdHJvbmc+IC0gPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fZ29vZ2xlX2FuYWx5dGljczwvc3Ryb25nPiAtIDxzY3JpcHQgdHlwZT1cInRleHQvamF2YXNjcmlwdFwiPg0KdmFyIGdhSnNIb3N0ID0gKChcImh0dHBzOlwiID09IGRvY3VtZW50LmxvY2F0aW9uLnByb3RvY29sKSA/IFwiaHR0cHM6Ly9zc2wuXCIgOiBcImh0dHA6Ly93d3cuXCIpOw0KZG9jdW1lbnQud3JpdGUodW5lc2NhcGUoXCIlM0NzY3JpcHQgc3JjPVwnXCIgKyBnYUpzSG9zdCArIFwiZ29vZ2xlLWFuYWx5dGljcy5jb20vZ2EuanNcJyB0eXBlPVwndGV4dC9qYXZhc2NyaXB0XCclM0UlM0Mvc2NyaXB0JTNFXCIpKTsNCjwvc2NyaXB0Pg0KPHNjcmlwdCB0eXBlPVwidGV4dC9qYXZhc2NyaXB0XCI+DQp0cnkgew0KdmFyIHBhZ2VUcmFja2VyID0gX2dhdC5fZ2V0VHJhY2tlcihcIlVBLTc1Nzc0Ny0xOFwiKTsNCnBhZ2VUcmFja2VyLl90cmFja1BhZ2V2aWV3KCk7DQp9IGNhdGNoKGVycikge308L3NjcmlwdD48L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19ob21lPC9zdHJvbmc+IC0gdHJ1ZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2hvbWVfdGh1bWJfaGVpZ2h0PC9zdHJvbmc+IC0gNTc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19ob21lX3RodW1iX3dpZHRoPC9zdHJvbmc+IC0gMTAwPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29faW1hZ2Vfc2luZ2xlPC9zdHJvbmc+IC0gZmFsc2U8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19sb2dvPC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3dvb191cGxvYWRzLzQtZGFsa2FfbG9nby5wbmc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19tYW51YWw8L3N0cm9uZz4gLSBodHRwOi8vd3d3Lndvb3RoZW1lcy5jb20vc3VwcG9ydC90aGVtZS1kb2N1bWVudGF0aW9uL2dhemV0dGUtZWRpdGlvbi88L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19yZXNpemU8L3N0cm9uZz4gLSB0cnVlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fc2hvcnRuYW1lPC9zdHJvbmc+IC0gd29vPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fc2hvd19jYXJvdXNlbDwvc3Ryb25nPiAtIHRydWU8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19zaG93X3ZpZGVvPC9zdHJvbmc+IC0gdHJ1ZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX3NpbmdsZV9oZWlnaHQ8L3N0cm9uZz4gLSAxODA8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19zaW5nbGVfd2lkdGg8L3N0cm9uZz4gLSAyNTA8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb190YWJzPC9zdHJvbmc+IC0gZmFsc2U8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb190aGVtZW5hbWU8L3N0cm9uZz4gLSBHYXpldHRlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fdXBsb2Fkczwvc3Ryb25nPiAtIGE6Mjp7aTowO3M6NjI6Imh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC93b29fdXBsb2Fkcy80LWRhbGthX2xvZ28ucG5nIjtpOjE7czo1OToiaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3dvb191cGxvYWRzLzMtZmF2aWNvbi5pY28iO308L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb192aWRlb19jYXRlZ29yeTwvc3Ryb25nPiAtIFZpZGVvPC9saT48L3VsPg==