Wasiiru dowlaga wasaarada gaashaandhiga dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaada Indhacadde ayaa sheegay in qaraxii habeen ka hor lagula eegtay wadada Makka Al Mukarama uu ahaa mid laga hagayay Xarunta Madaxtooyada.
Indhacade oo maanta shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay cidii ka dambaysay qaraxii dhawaan isaga iyo Wasiiro kale oo katirsan Xukuumada KMG lagula beegsaday qeybo kamid ah Wadada Makka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay in qaraxaasi uu ka dhacay meel u dhow Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya islamarkaana ay aaminsanyihiin in hogaaminta qaraxaasi ay kaga timid dhanka Madaxtooyada.
Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade Wasiiru dowladaha Wasaarada Gaashaandhiga ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in hadda ay baaritaano wadaan taliska Ciidanka Booliska dowladda KMG Soomaaliya iyo sidoo kale Wasaarada arimaha gudaha ee Xukuumada KMG islamarkaana wixii baaritaanadaasi ka soo baxa ay dib ka soo sheegi doonaan sida uu carabka ku dhuftay.
Dhawaan ayay aheyd markii qarax lagula eegtay meel ku dhow Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ilaa iyo 3-Wasiir kuwaasi oo uu kamid ahaa Wasiiru dowladaha Wasaarada Gaashaandhiga ee dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Yusuuf Maxamed Siyaad Indhacade islamarkaana ay qasaaro ka soo gaartay dad rayid ah oo ku sugnaa halka uu qaraxu ka dhacay.






