Wuxuu ahaa qarixii ugu horreeyay ee ka dhaca gudaha masjid ku yaalla dalka Somalia taariikhda inta la xusuusan yahay, waxa ayna dad badani rumeysan yihiin in uu bilow u yahay qaraxyo kooxaha afkaarta khaldan wadataahi damacsan yihiin in ay ku cirib tiraan shacabka Sooaaliyeed.
Si aad ah ayay shacabka Soomaaliyeed u dhaleeceeyeen qaraxyadan lala beegsaday goobta cibaado, waxa ayse ahaayeen kuwo la filayay, Laakiin arrinta Shacabka Soomaaliyeed is weydiinayaani waxay tahay.

Yaa Fuliyay Qarixii Masjidka Cabdalla Shideeye ? Maxayse tahay ujeeddada ka dambeysa?
Ma dhabbaa in shirkado Shisheeye ka dambeeyaan?, sida uu ku dooday hor jooge ka tirsan Alshabaab?
Inta aynaan ka jawaabin cidda weerarka fulisay, waxaa faahfaahin u baahan qaabka qaraxyadu u dheceen iyo goobta ay ka dheceen?
Maalintii Jimcaha ayay ahayd markii kooxda Alshabaab ku dhawaaqday in ay tababarro u soo xirtay 200 oo ka mid ah maleeshiyaadkeeda oo ay ku soo tababartay waxa ay ugu yeertay Jihaadka, kuwaas oo loo diyaariyay in ay ka qeyb qaataan dagaallada ka socda Somalia.
Horjoogayaal ka tirsan maleeshiyaadka Shabaab, ayaa maanta masjidka Cabdalla Shideeye ku soo ururiyay maleeshiyaadkii tababarka loo soo xiray, si loo siiyo casharro loogu magac daray “Koorso Sharci ah” oo lagu barayay afkaarta gaaleysiinta iyo qaababka xukunnada loogu rido dadka ka horjeeda afkaarta Shabaabka.
In ka badan 200 oo maleeshiyaad ah iyo horjoogayaal badan oo Shabaab ah, ayaa galinkii hore ee Sabtida isugu yimid masjidka Cabdalla Shiddeeye, iyagoo xirtay qeyb dhan oo ka mid ah masjidka.
Horjoogayaal ay ka mid yihiin Fu’aad Maxamed Khalaf, Macallin Khaalid iyo Abu Ayman ayaa Maleeshiyaadkaasi kula hadlayay masjidka, si ay uga dhaadhiciyaan afkaarta Shabaabka ee gaaleysiinta iyo qoor goynta ku dhisan.
Ujeeddada koorsada loogu qabtay masjidka ayaa ahayd in dhallin yarada la marin habaabiyay loogu soo bandhigo afkaarta khaldan ee lagu shubay, in dhallinyarada kale ee soomaaliyeed lagu soo dumo looguna dhiirri galiyo in ay Shabaabka ku soo biiraan iyo in masjidka loo isticmaalo suuq geynta Afkaarta Shabaabka loona isticmaalo MInbar lagu xayeysiiyo argtiyaha Khaldan ee Shabaabka.
Horjoogayaal badan oo dhinaca Ciidanka,Qaraxyada iyo Dicaayadda ah ayaa la isugu keenay masjidka si ay halkaas ugu sameeyaan wax muuqda dhoollo tus dhan walba ah, oo lagu dagayo dhallin yarada iyo dadka masjidka ku cibaadeysta.
Horjoogayaasha Shabaabka ee masjidka joogay waxaa ka mid ahaa Fu’aad Maxmed Khalaf oo ka mid ah horjoogayaasha Shabaabka una qaabilsan waxa ay u yaqaannaan Dacwada , kaas oo had iyo jeer dadka kooxdiisa ka aragtida duwan ugu yeera “Gaalo ama Murtadiin”
Khalaf oo loo yaqaan “Shongole” ayaa la sheegay in uu hadlayay marka qaraxyadu dheceen, waxaana la tilmaaamay in uu qabo dhaawac xoog leh . goobjooge ayaa sheegay in uu arkayay Fu’aad Shongole oo garab ka dhaawacan oo ay gaari saarayaan maleeshiyaadka Shabaabka isagoo dhiig baxaya.
Qaraxyadan waxaa kaloo ku dhaawacmay horjooge ka tirsan Shabaabka oo lagu magacaabo C/Baasid oo loo yaqaanno Macallin Khaalid, halka uu ku geeryooday horjooge kale oo lagu magacaabi jiray Abu Ayman. Oo Ahaa ninka ugu sarreeyay maleeshiyaadkii Tabaraka Loo soo dhameeyay.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in ugu yaraantii 30 ka mid ah horjoogayaasha hoose iyo maleeshiyaadkii la soo tababaray ay gudaha masjidka ku qurbexeen, kuwaas oo meydadkooda gawaari lagu daabulay.
In kastoo khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo laxaad lahi soo gaaray dadkii masjidka u yimid in ay cibaadeystaan, haddana waxaa khasaaraha ugu badani gaaray maleeshiyaadka Shabaabka oo ay u ahayd maalin madow.
Haddii aan u soo deganno Yaa fuliyay Qaraxyadan?
Ma jirto cid ilaa hadda si cad u sheegi karta kooxda ka dambeysay weerarkan,mana jirto cid sheegatay mas’uuliyaddiisa. Waxaa jira dad qaba in qaraxani uu salka ku hayo khilaafkii shabaabka ka dhex jiray kooxda oo u kala jabtay labo garab oo horayna isu qarxiyay dhowr jeer.
Laakiin dadka aadka ugu dhuun daloola arrimaha Shabaabka ayaa rumeysan in falka maanta dhacay ay suurto gal tahay in ay ka dambeyso kooxda kale ee isku magacowday Xisbul Islaam,oo horay shabaabku ugu geysteen dhibaatooyin xooggan, ka dib markii ay ka dileen hoggaamiyayaal muuqday sida Daalibaan iyo Barre Cali Barre, iyagoo sidoo kalena kala wareegay magaalooyin badan oo ku yaalla koofuta Somalia sida Magaalada dekadda leh ee kismayo.
Toddobaadkii tagay ayay ahayd markii meel aan ka fogeyn masjidka Abii Hureyra ee Suuqa Bakaaraha miino loogu aasay horjoogaha Xisbiga Xasan Daahir Aweys , xilli uu hadal ka jeediyay masjidkaasi.
Qaraxaasi miino waxaa ku dhintay ugu yaraan 2 qof waxaana ku dhaawacmay ilaa 9 qof oo ay ku jiraan rag ka tirsan Xisbul Islaam.
Kooxda Xisbul Islaam ayaa horay wacad ugu maray in ay u aar gudi doonaan hogaamiyeyaashoodii Shabaabk Khaarijiyeen.sidaas darteed ayaa loo badinayaa in ay iyagu soo maleegeen qaraxyadan, ay shabaabka u tusiyaan in iyaga kaligood aysan wax qarxin dadkana xasuuqin.
Su’aal kale oo is weydiin mudane waxay tahay.
Ma dhabbaa in Shirkado shisheeye ka dambeeyeen qaraxyadan masjidka lala eegtay?
Afhayeenka Alshabaab Cali Maxamed Raage, ayaa qaraxyada ka dib ku cataabay isagoo aad u naxsan in shirkado shisheeye ahi ka dambeeyeen qaraxyadaasi.
Hadda ka hor ayuu Cali dheere ku dooday in shirkado ajnabi ah oo ku sugan madaxtooyadu ay qorsheynayaan qaraxyo ka dhan ah shacabka soomaalliyeed, laakiin dowladda Somalia ayaa warbaahinta u ku soo wareejisay madaxtooyda, waxayna si cad u qeexday in aysan jirin wax shirkado shisheeye ah oo ku sugan Villa Somalia.
Haddaba waxaa is weydiintu tahay. Shirkadaha Shisheeye ee Cali Dheere ka hadlayaa ma waxa ay u guureen Bakaaraha, mise shisheeyaha uu ka hadlayaa waa kuwa ka barbar dagaallama kooxaha nabadda diiddan ee Shabaabku ugu horreeyo.
Waxa kaliya ee la hubo Shabaabkuna ku faanaan waa in ay iyaga ka barbar dagaallamaan calooshood u shaqeystayaal Shisheeye.
Waxaa kaloo la hubaa in Shisheeyahaasi ay horay dalka soomaaliya uga fuliyeen weerarro gumaad ah oo soomaali badani ku go’een.
Waxaa marag ma doonta ah in qaraxyadii ka dhacay Masaajidyo, Jaamacado iyo Iskuullo ku yaalla dalal badan Sida Ciraaq, Pakistan iyo Afghanistan ay ku faantay kooxda Alqaacidda ee Shabaabku ay ku abtirsadaan.
Marka laga shidaal qaato Taariikhda dhiig daadinta ku dhisan iyo qarxinta goobaha cibaadada iyo rayidka ee kooxahani ku caanbexeen, waxaan shaki naga galeyn in falkani yahay ku dayasho gurracan oo la soo min guuriyay, lana doonayo in lagu mariyo shacabka Soomaaliyeed ee colaadda ka daalay.
Waxaa La sugaya waa Jawaabta Shcabka Soomaliyeed in ay ka bixiyaan Haddii qaraxyadii masaajidda loo so xawilay. Halka Horey Qofkii ka soo baxa lagu sugi jiray Banaanka Masjidka Si loo khaarijiyo.
Shacabkii ku dhintay Allaha U naxariisto, Eheladoodina Sabar Allaha K asiyo AAMIIN
Nuuradiin Macalin Mukhtaar (Diinow)






