Ururka Xisbul Islaam ayaa wali xoog ku heysta Isbitaalka Xaawa Cabdi ee deegaanka Lafoole, kadib markii labo maalmood ka hor ay la wareegeen Isbitaalkaas oo ay jiifeen bukaano fara badan.
Maleeshiyada Xisbul Islaam ayaa gudaha ugu jira Isbitaalkaas, iyagoo joojiyay adeegii Caafimaadka ee loo fidin jiray Bukaanada iyo dadka xanuunsan ee Isbitaalkaas maalin walba soo xaadiri jiray.
Saraakiisha Xisbul Islaam ayaa diiday in ay ka baxaan Isbitaalka, waxaana wali jira xiisad salka ku heysa dilkii Sarkaalkooda oo ay doonayaan in loo soo gacan geliyo ninkii ka dambeeyay dilka ee gacan ku dhiiglaha ah.
Sarkaal u hadlay Qaramada Midoobey ayaa ugu baaqay Hogaanka Xisbul Islaam in ay ka baxaan Isbitaalka oo ay ka saaraan Ciidamadooda, waxaana isa soo taraya walaaca arrintan laga muujinayo.
Qaramada Midoobey ayaa ku tilmaantay mid ka baxsan xeerarka Caalamiga in Isbitaal Caafimaad ay qabsadaan Ciidan, waxaana arrintan ay xad gudub ku tahay baaqa caalamiga ah.
Iska hor imaad arbacadii ka dhacay Isbitaalka ayaa waxaa ku dhintay Taliyihii Xisbul Islaam ee deegaanka Lafoole, taasoo keentay in isbitaalka ay la wareegaan, isla markaana uu hakad galo adeegii caafimaadka






