Maleeshiyada la Magac baxday Xisbul Islaam ayaa habeenkii xalay Bandow ku soo rogtay Deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana la arkayay maleeshiyaadkaasi oo dadka u diidaya in ay sameeyaan wax dhaqdhaqaaq ah.
Bandowgan oo bilaabanayay maqribnimadii xalay ayaa ka danbeeyay kadib markii Habeen hore Bam gacdmeedyo lagu weeraray fariisimo ay maleeshiyaadkaasi ku lahayeen deegaanka ceelasha Biyaha, waxaana Maleeshiyaadkaasi ay habeenkii xalay jirdil xoogan u geeysanayeen cid kasta oo ay arkaan, gaar ahaan dadka rayidka ah ee wadooyinka iska maraya, kuwaas oo aan hore loogu wargelin Bandoowgaasi.
Maleeshiyadan ayaa waxay ka cabsanayaan weerarada hubeysan oo uga imaanaya dhinaca dablayda shabaab, waxaana la soo sheegaya in shabaabka kooxo bastoolado iyo bambooyin wata ku daadiyeen degaanka ceelasha biyaha si ay u dilaan saraakiisha xisbul islaam.






