Ilaa iyo hadda wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ku dhawaad 20 qof ay ku dhinteen tiro lagu sheegay 56 ruuxna ay ku dhaawacmeen qarax miino lagu xiray Masjid ku yaala Suuqa Bakaaraha halkaas oo ay salaadii Duhur ay ku tukanayeen dad lagu qiyaasay boqolaal oo u badan dadka ku ganacsada Suuqa bakaaraha.
Goobaha Caafimaad ee Magaalada ayaa laga soo sheegaya in weli ay ku sii qulqulayaan gaadiidka dhaawacyada xambaara.
Inta badan dadka ayaa ku dhintay ama ku dhaawacmay rasaas ay fureen maleeshiyada shabaab sida uu sheegayo mid ka mid ah dadka Masaajidkaas ku tukanayay.
Wararka ayaa sheegaya in dadkii Masaajidkaas ku tukanayay uu ka mid ahaa Fu’aad Shangole balse inuu baxsaday ayaa la soo sheegaya laakiin lama hubo.
Qaraxan ayaa waxaa dhigay garabka Axmed Cabdi Godane oo maalmahan khilaaf kala dhaxeeyay xubno Abuu Mansuur ka mid yahay.






