Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa wareegto ka soo baxday Xafiiskiisa maanta ku magacaabay Taliye Kuxigeenka Ciidamada Xooga dalka, iyadoo magacaabistan qeyb ka tahay dhaqan gelinta heshiiskii Ahlu Sunah dhex maray.

Wareegtada Madaxweynaha oo uu warbaahinta u aqriyay Mursal Maxamed Farey oo ka tirsan Xarunta Madaxtooyada ayaa sheegay in wareegtada lagu magacaabay C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan) oo noqonaya Taliye Kuxigeenka Xooga dalka.
Inkastoo Madaxda Ahlu Sunah ay si cad u sheegeen inuu bur buray heshiiskii u dhaxeeyay iyaga iyo Dowladda KMG, ayaa la rumeysan yahay in magacaabistan ay soo dedejisay hadalkii shalay uu jeediyay Gudoomiyaha Guud ee Ahlu Sunah.
Lama oga ilaa iyo hada sida ay Ahlu Sunah xilkan ugu qanci karto, xilli la dhowrayay in ay jumlo ahaan u qaadato xilalka ay ka raajicineyso Dowladda KMG, kaasoo dhigayay heshiiskii Addis Ababa.
Ahlu Sunah ayaa dooneyso in 5-wasiir, Taliye Kuxigeeno, Safiiro ka hesho Dowladda KMG, mana jiri doonto in wax ka yar intaas ay ku qanacdo






