Taangiyada Ciidamada AMISOM ayaa saaka waabarigii soo dhoobtay hareeraha Xarunta Golaha Shacabka oo lagu wado in saacadaha soo socda uu ka furmo Kalfadhiga Baarlamaanka, iyadoo ay xireen wadada Sayidka ee hor marta Madaxtooyada.
Ciidamada AMISOM ayaa ilaa dhowr Taangi ku calaqay qeybaha Kooxaha Mucaaradka ka joogaan Caasimada, iyadoo taangiyadu ku fooraraan dagaan daga Sayidka gaar ahaan Suuqa Bakaaraha.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ay fuuleen Daarta Golaha Shacabka iyo Taalada Sayidka, oo ah koonaha ugu sareeya Caasimada, isla markaana magaalada gees ka gees aad sheeda uga jeedo.
Saaka Waabarigii ayaa Ciidamada waxay miino baaris ka sameeyeen nawaaxiga iyo gudaha Xarunta Golaha Shacabka, waxaana ay u diideen in ay soo galaan qof shaqsi ah.
Ciidamada AMISOM ayaa si aan horay loo arag u sugaya Ammaanka Xarunta Golaha Shacabka, waxaana ku sugan Ciidamo fara badan oo ay ka soo daabuleen Xarumahooda, kuwaasoo gudaha xarunta iyo banaankaba jooga.
Kulanka Baarlamaanka oo ah mid aad xasaasi u ah ayaa waxaa dadka reer Muqdisho uu ku reebay dareen cabsi iyo murug isugu jirta, taasoo dadka ay sheegayaan in ay ka dhalan karto dagaalo lagu hoobto.
La soco daqiiqad kasta wixii ku soo kordha






