Ururka dhallinyarada Soomaaliyeed SYL-2 ayaa ku howlan xuska maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15 may oo ku began maalinta sabtida ee fooda nagu soo haysa.

Afhayeen u hadlay SYL-2 ayaa sheegay in maalintaasi ay ugu talgaleen in ay soo bandhigaan tusaalooyinkii wanaagsanaa ee ay lahaayen dhalinyaradaasi ciyaaro Kubada cakta hidaha iyo dhaqanka soomaalida kuwaas oo ay dhamaantood ku muujinayaan halgankii taariikhiga ahaa ee ay lahaayeen 13 dhalinyaro ee ku midoobay ururka SYL islamarkaana xurnimada gaarsiiyaya umada Soomaaliyeed.


Gudooomiyaha naadiga dhalinyarada SYL-2 ayaa diyaar garowgaas ku aadan maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL sheegay in muhiimadu ay tahay in umada la xasuusiyo halgankii dheeraa ee ay lahaayeen dhalinyaradaasi u midoobay ka xureynta umada gumaysigii xiligaasi haystay.


Maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May waa maalin taariikh ku leh shacabka Soomaaliyeed, waana aasaaska xoriyadda dalka Soomaaliya, ayadoo abaal badan looga hayo halgamayaashii Soomaaliyeed ee ku midoobay ururka Dhallinyarada ee SYL







