Ururka dhalinyarada ee SYL-2 ayaa gudaha dalka Soomaaliya ka bilaabay barnaamijo lagu dhiiregelinayo dhalinyarada hubeysan ee u dagaalamaysa kooxaha kala duwan soomaaliya si ay hubka isaga dhigaan kana shaqeeyan sidii dalka loo horumarin lahaa, iyadoo qorshahan uu yahay furaha kaliya ee dhalinyarada hubeysan looga joojin lahaa ka qeyb qaadashada dagaalada sokeeye.

Ururkan ayaa waxay Magaalada Muqdisho ku qabteen Siminaaro ay ka soo qeybgaleen dhalinyarada degmooyinka kala duwan ee Caasimadda dalka kuwaas oo la fahamsiinayay qiimaha ay leedahay Nabadda iyo qatarta uu leeyahay hubka.

Sidoo kale Siminaaradan ayaa waxaa ka soo qeybgalay xubno ka tirsan Dowladda KMG ah sida kuxigeenka Baarlamaanka Soomaaliya, Prof Maxamed Cumar Dalxa, Wasiirada Khadiijo Maxamed Diiriye, Xildhibaan Caasho Axmed Cabdalle iyo xubno ka tirsan odayaasha dhaqanka ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Ururkan SYL-2 Faarax Xaaji Cali ayaa sheegay in muhiimadooda koowaad ay tahay in ay dalka soomaaliya ka badbaadiyan masiibadan ku habsatay, wuxuuna sheegay in qorshahooda yahay in xataa socdaalo ku tagaan dalalka ay ku xiran yihiin dhalinyarada soomaaliyed, Siida Liibiya, Musanbiiq, Yeman iyo dalal kale oo dhawr ah.


Haddaba Ururkam muxuu kaloo ku talaabsaday? Ilaa iyo 160 dhalinyaro oo markii hore ka mid ahaan jireen maleeshiyaadka hubeysan ee soomaaliya ayay ku dhiirigeliyeen in ay hubka iska dhigaan shuruud la’aan taa bedelkeeduna waxay ururku ku abaalmariyay in qaar ka mid ah dhalinyaradaas waxbarasho laga siiyo dugsiyada dalkooda, qaar kalena la baro farsamada gacanta.











