Maleeshiyaadka Al-shabaab ee heysta gobolada Jubbooyinka, ayaa xabsiga u taxaabay ilaa 8 haween ah oo qaadka ku iibiya gudaha magaalada Kismaayo.
Horjoogayaasha Al-shabaab ee gobolada Jubooyinka, ayaa ku eedeeyay haweenka ay xabsiga dhigeen in ay jabiyeen amarkii ahaa in aan gudaha Kismaayo lagu dhex iibin Karin qaadka.
Xarigaan ayaa yimid kadib markii xalay haween kale oo qaadka ku iibiya gudaha magaalada Kismaayo ay rasaas ku fureen dhalinyaro ka tirsan maleeshiyaadka Shabaab, inkastoo ay haweenkaasi ka badbaadeen rasaastii lagu furay.
Horjoogayaasha Shabaabka ayaa sheegay in ay maxkamad soo taagi doonaan haweenka lagu eedeynayo jabinta amarka maleeshiyaadka Shabaab.
Dadka magaalada Kismaayo ayaa la yaaban in rag hubeysan oo sheeganaya in ay islaam yihiin haddana haweenka gacameeya marna rasaas la beegsada.






