Maydka wiil dhallinyaro ah ayaa subaxnimadii saakay la soo dhigay Isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Wiilkaan oo indhaha laga duubay ka hor intii aan la toogan ayaa waxaa rasaas badan looga dhuftay madaxa, waxaana wararku sheegayaan in aan wali la garan oo uu goobtaasi yaalo.
Maleeshiyada SHabaab ayaa ku sugan goobta maydku yaalo, ayagoo kaxeystay Haweeneey muujisay sida ay uga xun tahay dilka loo geystay wiilkaan dhallinyarada ah.
“ Shabaabku waxay xireen Islaan ku dhawaaqday “si xun ayay u dileen wiilkaan”, waxay kaxeysteen mana la garanayo halka ay geeyeen, haddana goobta SHabaab ayaa ku sugan” ayuu sheegay mid ka mid ah dadka deganka.
Shabaab ayaa marar badan sameyay falal noocaan oo kale ah, dhawaan ayayna soo dhigeen nin markii dambe la xaqiijiyay in madaxa looga jiray oo ay Shabaabku gowraceen
Dilkan ayaa la aaminsan yahay in kooxda shabaab ka dambeysa oo ay fuliyeen habeenkii xalay ahaa.






