Maleeshiyada hubaysan ee Al Shabaab ayaa Maanta waxaa ay weerar hoobiyaal ah ku qaadeen Xarunta golaha shacabka ee ay ku shirayaan mudanayaasha Barlamanka KMG ee Soomaaliya iyadoo xiligaasi kadibna ay u soo jawaabeen ciidamada AMISOM ee ilaalinaya goobta Shirka.
Duqeymaha la isku weydaarsaday Magaalada Muqdisho ayaa sababay qasaare hantiyadeed iyo mid nafeed oo soo gaaray dad rayid ah waxaana madaafiic ku soo dhacday qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ku geeriyooday dhowr qof halka kuwa kalana ay ku dhaawacmeen.
Sidoo kale madaafiic ku soo dhacday Suuqa ayaa sababtay in dab uu qabsado qeybo ka mid ah Suuqa waxaana haatan gubanaysa goob ganacsi oo kutaala dhinaca sarifyaraha ee Suuqa Bakaaraha iyo nawaaxiga Hotel kismaayo.
Madaafiicda ayaa la isku weydaarsanayaan Muqdisho waxaana wali magaalada ka socda Fadhiga mudanayaasha Barlamanka xoogaga hubaysan ayaa wali sii wada duqeynta ay u geysanayaan nawaaxiga goobta uu shirku ka socdo.







Dadka ku dhinta madaafiicda Amisom waxaa ka masuul ah SHABAAB. Waxay tuurayaan hoobiye aan meela gaadhayn. Ciidamada Amisom na aan waxba ka dilayn. Jawaabta ficilkooduna waxay keenaysaa in boqolaal Soomaali ah oo an waxba galabsan dhintaan ama dhaawacmaan ama guryahooda k qaxaan