Wararka naga soo gaaraya degmada Dhoobleey ayaa sheegaya in dablayda Al-Shabaab ee ka arimiya halkaasi ay shalay bur buriyeen qabuuro waa weyn oo degaankaas ku teedsanaa.
Qabuurahaasi ayaa waxaa ugu weyn qabri uu ku aasnaa wadaad caan ka ahaan jiray Dhoobleey kaasoo ay sanadkiiba dadka soo siyaaran jireen, waxaana qabrigiisa shalay ku baxay xubno badan oo isugu jiray saraakiil iyo ciidamodablay oo uu ku jiray gudoomiyaha degmada Dhoobleey ee Maamulka Shabaab.
Isaga oo dadka kula hadlayey masaajidka salaada jimcaha ka dib ayuu gudoomiyaha degmada Dhoobleey ee maleeshiyada Sheekh C/fataax sheegay in qabuuraha ay bur buriyeen uu ku jiray mid ay dadka caabudi jireen taasoo ah buu yiri shirki iyo gaalnimo.
“Dadka qabrigan waxay u tagi jireen in ay caabudaan waxaa hada noo suura gashay in aan bur burino, waxaan idiin xaqiijinayaa in aan soo faagnay lafaha kadibna ku aasnay meel aysan dadka ogaan karin” ayuu yiri.
Al-Shabaab ayaa labadi bilood ee lasoo dhaafay ka sameyey qeybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya howlgalo ay ku beegsadeen qabuuro ay ku aasnaayeen culumo caan ka ahaa Soomaaliya






