Maleeshiyada kooxda Shabaab ayaa maanta bililiqaystay qalabkii ay ku shaqeynaysay idaacadda Soomaaliweyn oo ka mid ah Idaacadaha madaxa banaan ee ku yaala woqooyiga magaalada Muqdisho.
Sida uu sheegay Agaasimaha Idaacdda Soomaaliweyn maleeshiyo ka tirsan Shabaab ayaa barqanimadii maanta gudaha u galay xarunta Idaacada waxayna soo jabiyeen Albaabada Xafiisyada ayagoo qaatay agabkii ay idaacaddu ku shaqeynaysay oo ay ka mid tahay FM-ta Raadiyaha.
Idaacadda Soomaali weyn ayaa hadda hawada ka maqan Abuukar Xasan kadaf oo ah agaasimaha Idaacadda ayaa Radio Muqdisho u sheegay in Shabaabku ay gacmaha ka xiren shaqaalihii joogay Idaacadda, wuxuuna tilmaamay Kadaf in ay arrintaani ay tahay mid lala yaabo, isagoo is weydiiyay sida ay Shabaabku xoolaha Muslimiinta ugu banaysanayaan magaca diimeed.
Maleeshiyada Shabaab ee bililiqaystay Idaacadda Soomaaliweyn waxaa hogaaminayay Xasan Xanafi oo Shabaab wakiil uga ah dilka wariyayaasha iyo falalka ka dhanka ah saxaafadda, wuxuuna xanafi cabsi geliyay maanta Shaqaalaha Idaacadda Soomaaliweyn oo qaarkood lugaha iyo gacmaha ay ka xireen maleeshiyaadka falaagada ah ee Shabaab.
Agaasimaha ayaa sheegay in Idaacaddu ay fulinaysay amarro ay soo rogeen maleeshiyaadku oo ah in aysan tabin Karin Suugaanta Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in aysan jirin wax dagaal ah oo kala dhaxeeyay kooxaha dagaalada ka wada Sooomaaliya.






