Waxaa baryahan jiray dagaal dhinaca afka ah oo u dhaxeeyey kooxda Al-Shabaab iyo kooxda Ictisaam oo iyaduna ah firqo ku abtirsato ururkii Al-Itixaad ee dalka Soomaaliya ee burburay.
Dagaalkan ayaa salka ku hayey kala duwanaasho dhinaca fakirka ah oo soo kala dhexgalay labadan ururu oo kasoo wada jeeda faraxa Al-Itixaad taasoo sababtay in ay warbaahinta iyo masaajidada iska weeraraan dagaal dhinaca afka ah.
Asbuucii hore Culumo badan oo ka tirsan dariiqada Ictisaamka ayaa shir ku qaatay Magaalada Garoowe ee maamul goboleedka Puntland waxaa ay kasoo saareen qodobo aysan jecleysa Shabaab oo ah in uusan dalka ka jirin jihaad.
Waxaa kale oo ay Ictisaam diideen in qof muslim ah laga saaro diinta lana baneysto dhiigiisa hantidiisa iyo sharafkiisa.
Isla asbuucaasi waxaa jawaab ka bixiyey Fu,ad Shongole oo hadal uu ku naqdinayo Culu,mada Ictisaam ka sheegay masjidka Cabdalla Shideeye ee shalay la qarxiyyey.
Fu,ad wuxuu ku tilmaamay Ictisaam koox towxiidka uun ka xalaal ah oo mu,rajiin ah,isaga oo uga digay shacabka in aysan qaldin.
Khilaafkaasi u dhaxeyey labadan urur oo in mudo ah wado ku wada socday ayaa hada u muuqdo in uu wado cusub furay oo ah in masaajidada Soomaaliya ay ka bilowdaan qaraxyo.
Warar hoose ayaa sheegaya in ay dhici karto qaraxyadi shalay ka dhacay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan masaajidka Cabdala Shideeye in arrintaaasi ay lug ku leedahay.
Ictisaam ayaa isu arka koox awooda in ay dadka farto xaqa sidaasi daraadeed ay shabaab u sheegaan wixi sax ah iyo wixi qaldan, waxaa culumada ku abtirsata ay dalka kaga noolyihiin Somaliland, Puntland iyo Muqdisho.
Shabaab ayaa aaminsan iyaguna in kooxdan ay ku socoto wado qaldan isla markaana ay u adeegayaan dadka cadawga ku ah Al-Shabaab.
Xubno ka tirsan Ictisaamka ayaa ka mid ah kooxda shabaab iyo Xisbul Islaam, tusaale Sh Xasan Dahir Aweys oo ka mid ahaa Al Itaxaadkii burburay waxaa uu madax u yahay kooxda Xisbul Islaam.
Sh Xasan Turki, Ibraahim Afqaan ayaa ka mid ahaa kooxdii Itaxaad balse hadda waxay ka mid yihiin kooxda shabaab, sidaas darteed waxaa hubaal ah oo marna shaki geli doonin in shabaabka dhexdiisa isku ugaarsaday Masaajidyada.
Ujeedada laga lagaa qaraxan waxay ahayd in Fu’aad Shangole oo maalmahan fag fagtiisa badatay lagu khaarajiyo, balse wuu fakaday wuxuuse qabyaa dhaawac daran.
Falkan lagu qarxiyay Masaajid kumanaan dad ah ku tukanayeen waa raad ka mid ah raadadka Al qaacida ka wada dalalka Bakistaan iyo Ciraaq, haatan waxaa loo soo raray dalka Soomaaliya.







SHABAAB IYO AL QAACIDA AYAA FULIYAY QARAXAAS, IYAGA GARANAYA BURBURINTA GOOBAHA LAGU CIBAADAYSTO, HOREY AYAY U DILI JIREEN DADKA MASAAJIDYADA KU SOO TUKADA WAXAY GAADI JIREEN MAQRABKA IYO CISHAHA INTA U DHAXEYSA.
HADDANA WAXAY BILAABEEN QARXINTA MASAAJIDYADA,WAXAY U ADEEGAN YAHUUD,DIINTA AYAY DADKA KU DIRAYAAN