Safiirka dowladda Talyaaniga u qaabilsan Somalia Mr Stifano Dejak ayaa maanta booqasho gaaban ku yimid magaalada Muqdisho isagoo kulammo la qaatay madax ka tirsan dowladda kmg ah ee somlaia.

Safiirka waxa uu magaalada Muqdisho ku soo gaaray diyaarad gaar ah oo ka soo qaadday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxaana garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ku soo dhaweeyay madax ka tirsan dowladda Somalia oo ay ka mid ahaayeen wasiiirka boostada iyo isgaarsiinta C/risaaq Cismaan Jurlille iyo wasiirka amiga qaranka Cabdullaah Maxamed Xasan Sambaloolshe.

Safiirku waxa uu ugu horreyn kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Calli Sharma’arke ka dibnna waxa uu u sii gudbay xarunta madaxtooyada halkaas oo uu kulan muddo kooban socday kula qaatay madaxweynaha dowladda KMG ah ee Somalia Sheikh Shariif Sheikh Axmed.

Sidoo kale Safiirka Talyaaniga Stifano oo ay tahay markii ugu horreysay ee uu booqasho ku yimaado Muqdisho, waxa uu la kulmay guddoomiyaha baarlamaanka Sheikh Aadan Maxamed Nuur iyo madax kale.

Laakiin socdaalka Safiirka ayaa ilaa iyo hadda waxaa uu salka ku haaya la ogeyn sidoo kalena lama oga in socdaalkiisa la xiriiro khilaafka u dhaxeeya Baarlamaanka KMG ah.









