Safiirka dalka soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa la kulmay Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda Qaramadda Midoobay u qaabilsan illaalinta deegaanka (Mr. Achim Steiner, Under -Secretary General and Executive Director of United Nations Environment Programme)
Safiirka iyo mas’uuliyiintaasi ayaa ka wada hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa, la dagaalanka wadamada wasakhda ku soo daadiya badda Soomaaliya isla markaana ka kalluumeysta kuwaasoo xaalufiya kheyraadka ku jira badda Soomaaliya.
Hay’adda Qaramadda Midoobay u qaabilsan illaalinta deegaanka ayaa Safiirka Soomaaliya aqoonsigiisa ka gudoontay isagoo safiirku si toos ah arrimahaasi door weyn uga qaadan doono.

Danjire Maxamed Cali ayaa shacabka Soomaaliyeed ku booriyay in ay ku dadaalaan sidii ay door weyn uga qaadan lahayeen la dagaalanka wadamada baddaha Soomaaliya ka kalluumeysta iyo kuwa sunta ku shuba labadba
“Marna ma aqbali doono in baddeena lagu shubo ama lagu daadiyo suntan iyo wasaqda laga soo xambaaray dalalka warshadaha ku horumaray iyo badda si sharci daro ah looga kalluumeysto”ayuu yiri Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya.
Waxaa uu sheegay in lala dagaalami doona dadka jara dhirta dhaxalka u ah dalkeena soomaaliya iyo kuwa ka ganacsada dhuxusha.
Safiirka ayaa sheegay in lala xisaabtami doona dalalka caadeystay in ay badda soomaaliya ku shubaan suntan,wuxuuna beesha caalamka weydiistay in si wada jir ah looga hortago dhibaatada ka dhalan karta suntan lagu shubo badda.
Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee soomaaliya 1991 dii waxa jirta in si aan gabasho lahayn badda soomaaliya loogu daadinayay suntan iyo qashanka wadamada Warshadaha ku caanka ah.






