Ra’iisal Wasaaraha Dowladdii la kala diray Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa goor dhow ku dhawaaqay in wali ay shaqeyneyso Xukuumadiisa, isla markaana uu yahay wali Ra’iisul Wasaaraha, isagoo ku tilmaamay go’aankii Madaxweynaha mid aan sharci aheyn.
Cumar C/rashiid ayaa ku tilmaamay sharci daro go’aanka Madaxweynaha uu ku kala diray Xukuumadiisa,
“Go’aanka Madaxweynaha ma ahan mid sharci ah, waxba kama jiraan, wali Xukuumadeyda waa shaqeyneysaa”ayuu yiri Cumar C/rashiid oo.
Shirka jaraa’id ee Dr. Cumar C/rashiid ayaa waxaa uu ku sheegay in Golihiisa Wasiirada uu maanta la kulmay, isla markaana uu ku amray in ay sii wataan howshooda.
Hadalka ka soo yeeray Cumar C/rashiid ayaa waxaa uu sii xoogeysinayaa khilaafka ballaaran ee dowladda u dhaxeeyo, xilli shalay Madaxweyne Shariif uu ku dhawaaqay inuu kala diray Xukuumada, isla markaana uu casilay Xukuumadii Cumar C/rashiid
Ra’iisal wasaraaha ayaa sheegay in uu xalay la kulmay Madaxwaynaha Soomaaliya Shariif Sh Axmed ayna ka wadahadleen mustaqbalka xukuumada isagoo sheegay in uu tixgalinayo talada madaxweynaha uuna u cadeeyay in aanu keenin is casilaada, islamarkaana aanay jirin xildhibaano kalsoonida kala noqday xukuumadiisa sidaa daraadeedna ay hawshooda wadanayaan.
“Waan la kulmay Madaxwaynaha waana u cadeeyay in aanan istiqaalo gayn” ayuu hadalkiisa sii raaciyay mudane Sharmaake






