Ra’iisul wasaaraha dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali, ayaa sheegay in go’aanka guddoomiyaha baarlamaanka uu yahay been abuur.
Wuxuu sheegay in guddoomiyaha laftiisa xilkii laga xayuubiyay kadib markii 319 xubnood oo ka tirsan baarlamaanka oo fariistay ay u codeeyay in xilkii laga qaaday, lana doortay guddoomiye ku meelgaar ah oo ah ninka ugu da’da wayn
Wuxuu ku eedeeyay guddoomiyaha baarlamaanka in uu ka been sheegay wixii ka dhacay baarlamaanka oo aysan jirin cid u codaysay dowladda, maadaama aysanba ahayn waxa la isku haystay arrinta dowladda, balse dooddu ahayn shir guddoonka baarlamaanka.
Wuxuu sheegay in guddoomiyuhu ku kacay fal qiyaano qaran ah, lalana xisaabtami doono.
Wuxuu xusay in ay goobjoog ahaayeen safaaradaha ku sugan Muqdisho iyo ciidamada AMISOM, kuwaas oo uu sheegay in ay la yaabeen go’aanka uu ku dhawaaqay gudoomiyaha baarlamaanka.
Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, ayaa sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka lagala xisaabtami doono falka uu ku kacay






