Qarax xooggan ayaa caawa ka dhacay Masjid ku yaala Gudaha Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose.
Hal qof ayaa ku dhintay inta la ogyahay in ka badan 10-kalena way ku dhaawacmeen qaraxaan oo lala beegsaday masjid ku yaala xaafadda Guulwade oo woqooyi galbeed uga taala magaalada Kismaayo.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya nooca qaraxa, dadka qaar ayaa sheegaya in qaraxu uu ahaa Bam gacmeed lagu tuuray Masjidka, halka ilo kale ay sheegayaan in qaraxu uu ahaa Miino masjidka ka dhex qaraxday.
Maleeshiyada Shabaab ee ku sugan Kismaayo ayaa isku gadaamay Masjidka, ayadoo lala cararay dhaawacyadii qaraxu uu saameeyay.
Qaraxu wuxuu dhacay xilligii salaadda Ceshaha ee caawa, ayadoo dadku ay ku sugnaayeen gudaha iyo banaanka masaajidka.
Waa maalintii Labaad oo qaraxyo lala beegsado Masaajidyada ku yaala koonfurta dalka Soomaaliya, shalay ayay ahayd markii qaraxyo labo ahaa lala beegsaday Masjid ku yaala gudaha suuqa bakaaraha kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 40 ruux sidoo kalena ay ku dhaawacmeen ilaa iyo 70 ruux.
Qaraxan caawa ka dhacay magaalada Kismaayo ilaa iyo hadda lama oga cida lala beegsanayay waxaana la ogsoon yahay in Kismaayo ay gacanta ku haayan maleeshiyada shabaab.
Laakiin dhaqan cusub ee ku soo biiray xaaladaha ka jira soomaaliya ma aha mid dhaqan ahaan dadka soomaaliyed yaqaanan, horey waxaa loola yaabana dilalka ka dhici jiray agagaarada Masaajidyada iyadoo la gaadi jiray dadka Salaadaha cishaha soo tukada iyo maalmaha jimcaha, haatan waxaa soo kordhay qarxinta Masaajidyada, waana dhaqan ka yimid dalalka Bakistaan iyo Ciraaq waxana ka dambeeya kooxaha Al qaacida u adeega.






