Archive | May, 2010

Safiirka Soomaaliya oo la kulmay UNEP

Safiirka dalka soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa la kulmay Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda Qaramadda Midoobay u qaabilsan illaalinta deegaanka (Mr. Achim Steiner, Under -Secretary General and Executive Director of United Nations Environment Programme)

Safiirka iyo mas’uuliyiintaasi ayaa ka wada hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa, la dagaalanka wadamada wasakhda ku soo daadiya badda Soomaaliya isla markaana ka kalluumeysta kuwaasoo xaalufiya kheyraadka ku jira badda Soomaaliya.

Hay’adda Qaramadda Midoobay u qaabilsan illaalinta deegaanka ayaa Safiirka Soomaaliya aqoonsigiisa ka gudoontay isagoo safiirku si toos ah arrimahaasi door weyn uga qaadan doono.

Danjire Maxamed Cali ayaa shacabka Soomaaliyeed ku booriyay in ay ku dadaalaan sidii ay door weyn uga qaadan lahayeen   la dagaalanka wadamada baddaha Soomaaliya ka kalluumeysta iyo kuwa sunta ku shuba labadba

“Marna ma aqbali doono in baddeena lagu shubo ama lagu daadiyo suntan iyo wasaqda laga soo xambaaray dalalka warshadaha ku horumaray iyo badda si sharci daro ah looga kalluumeysto”ayuu yiri Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya.

Waxaa uu sheegay in lala dagaalami doona dadka jara dhirta dhaxalka u ah dalkeena soomaaliya iyo kuwa ka ganacsada dhuxusha.

Safiirka ayaa sheegay in lala xisaabtami doona dalalka caadeystay in ay badda soomaaliya ku shubaan suntan,wuxuuna beesha caalamka weydiistay in si wada jir ah looga hortago dhibaatada ka dhalan karta suntan lagu shubo badda.

Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee soomaaliya 1991 dii waxa jirta in si aan gabasho lahayn badda soomaaliya loogu daadinayay suntan iyo qashanka wadamada Warshadaha ku caanka ah.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Taliye kuxigeenkii Ciidamada Booliska degmada Madiina oo la dilay

Taliye kuxigeenkii Ciidamada Booliska degmada Madiina ee Gobolka Banaadir ayaa xalay lagu dhex dilay gurigiisa, iyadoo dilkaas uu geystay ruux la sheegay in ay qaraabo ahaayeen.

Taliyahan oo magaciisa lagu soo gaabiyay Cali Yare ayaa ka hor inta aan la dilin la sheegay inuu u yeertay ninka dilka geystay oo sida la sheegay horay uga tirsanaa Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda, hase ahaatee ka soo goostay.

Rasaas laga maqlay guriga ayaa kadib waxaa ku soo baxay Ciidamo ka tirsan Dowladda, iyadoo goobta ay ugu yimaadeen Meydkiisa oo yaala gudaha guriga, iyadoo uu baxsaday ruuxii dilka geystay.

Ilaa iyo hada ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Degmadaas iyo Taliska Ciidamada Booliska oo ku aadan dilka Taliyahan oo ah kii u horeeyay sarkaal ka tirsan Dowladda lagu dhex dilo gurigiisa.

Xaalada Degmada Madiina oo maalmihii u dambeeyay ka jirtay xiisado kacsanaan ah, kadib dagaal dhex maray Ciidamo ka tirsan Dowladda ayaa xiisada degmadaas la xaliyay maalmo ka hor.

Laakiin dilka sarkaalkan ayaa waxay noqoneysaa mid degmada ka dhigta xaalado kacsanaan ah, waxaana saaka gaaray degmada Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG oo howl galo bilaabay.

Degmada Madiina ayaa ah degmada kaliya ee Dowladda KMG ay ammaankeeda si buuxda gacanta ugu heyso, iyadoo degmadaas ay ku barakaceen boqolaal qoys oo ka soo cararay dagaalada qeybo ka mid ah Muqdisho

Posted in DhacdooyinComments (0)

Ahlu Sunna oo cambaareysay Masaajidda ay la wareegayaan Shabaab iyo Xisbul-Islaam

Culimaa’udiinka Ahlu Suna wal Jamaaca ayaa canbaareeyay falalka maleeshiyaadka Al shabaab ay ugu bedelayaan Masaajida meelo ay ku soo bandhigaan fikradohooda qaldan, ee gaalaysiinta Muslimiinta u badan.

 Xoghayaha guud ee warfaafinta culimaa’udiinka Ahlu sunaa Sheekh C/llaahi Sh. C/raxmaan Abuu Yuusuf Alqaadii ayaa canbaareeyay  in goobaha xurmda leh ee masaajidda ay dadka ku dhibaateeyaan kooxda shabaab iyo xisbul islaam oo ay ku tartmaan gacanka ku haynta Masaajidda,  si koox kastaahi ay afkaarteeda shacabka uga gudbiyaan.

Waxa uu sheegay Abuu Yuusuf in tilaabadaasi ay shacabka Soomaaliyeed ka jawaabi doonaan, islamarkaana looga baahan yahay in ay ka dhiidhiyaan, falalkaasi aan islaamka u adeegayn.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in arrintaasi ay saamayn xun ku yeelanayso Maasaajida islamarkaana ay aad uga farxinayso  kooxaha ajanibta ah ee maleeshiyaadkaan ay u shaqeeyaan, taas oo sawir fool xun ka bixnayso Diinta islaamka oo lagu dhaawacayo sharafka Muslimiinta.

Dablayda shabaab iyo kooxda Xisbul Islam ayaa maalmahan oo dhan waxay khudbado is barbar socda ka jeedinayeen Masaajidyada Magaalada Muqdisho iyagoo inta badan hadalada ay jeedinayaan ay ahaayeen kuwa ka baxsan Diinta Islaam

Posted in DhacdooyinComments (0)

Labo Sarkaal oo ka baxsaday maleeshiyada Shabaab

Maleeshiyada Alshabaab ayaa ku baaqday in la dilo muwaadin kasta oo Ameerikaan ah haddii uu yahay asal ahaan soomaali ama American asali ah.

Fu’aad Maxamed Khalaf oo ka mid ah horjoogayaasha Maleeshiyada Alshabaab oo maleeshiyo kooxdiisa ka tirsan kula hadlayay magaalada Muqdisho, ayaa mar kale ku celiyay in ay kooxdiisa ka go’an tahay in ay dilaan muwaadin kasta oo Amerikaan ah , waxa uuna intaas raaciyay in Ameerikaanku yihiin cadow, sida uu hadalka u dhigay.

Shongole, waxa uu sidoo kale ugu baaqay dableydii uu la hadlayay ina y sii laab jibbaaraan dagaalkooda ka dhanka ciidammada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.

fu’aad Maxamed Shonglole, waxa uu toddobaadkii hore ka badbaaday qarax dad badanid dhinteen oo ka dhacay masjidka Dabaqeynka ee Suuqa Bakaaraha, xilli uu halkaas Shongole ka jeedinayay hadallo Aflagaaddo ah, oo ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed ee muslimka ah.

Tan iyo markii uu dhacay qarixii Masjidka Dabaqeynka ee Bakaaraha iyo weerarkii Bam gacmeedka loo adeegsaday ee lala beegsaday masjid ku yaalla magaalada Kismaayo, maleeshiyada Alshabaab  waxay bilaabeen baaritaanno xooggan oo ay ku sameynayaan dadka cibaadada u taga masaajidda.

waxaa bilowday kala shaki xooggan oo soo kala dhex galay hor joogayaasha Shabaab.

Jimcadii la soo dhaafay maleeshiyada Alshabaab waxay la wareegeen furayaasha afarta masjid ee ugu waaweyn Suuqa Bakaaraha, iyagoo dadkana ka reebanayay alaabaha ay wataan.

xitaa horjoogayaasha ka tirsan Shabaabka waxaa lagu sameynayay baaritaan, waxaana laga reebayay alaabada ay wataan iyo iilaaladooda.

Warar laga helay ilo lagu kalsoonaan karo oo ku dhow dhow kooxda Alshabaab ayaa tilmmaamaya in maleeshiyada Shabaab ay ka goosteen labo hor jooge oo u qaabilsanaa sameynta waxyaabaha qarxa.

Mid ka mid ah horjoogayaasha goostay waxaa magiciisa lagu soo koobay Bukhaari, waxa ayna wararku tibaaxayaan in uu gaaray magaalada Jigjiga ee Kilinka Shanaad, halka hor jooge kale oo caawiye u ahaana uu carar ku gaaray magaalada Hargeysa.

Mascuud oo dad yaqaani tilmaameen in uu haatan ku sugan yahay Jigjiga,waxa uu ahaa ninka ugu sarreeya sameynta waxyaabaha qarxa ,marka laga soo tago kooxaha shisheeye ee iyagu wax qarxinta ku tababara Alshabaab

Posted in DhacdooyinComments (0)

UNICEF oo taageertey sameynta nidaam cusub oo biyo siinaya magaalada Marka oo ku taalla Bartamaha Soomaaliya

UNICEF oo kaashaneysa bulshada degaanka ayaa dhammeystirtey nidaam cusub oo biyo siinaya magaalada marka ee ku taalla Bartamaha-Koonfurta Soomaaliya kaaas oo ay ka faa’iideysanayaan 31,500 oo qof halkaa deggan.

Xaaladda nadaafadda iyo fayadhowrka ee magaalada Marka ayaa si weyn u wanaagsanaatey taas oo uu keeney mashruucan oo ay hawshiisu ka mid ahayd ballaarinta nidaamka biyaha ee Marka iyo abuurista guddi maareeya oo waara. Mashruuca waxaa ka mid ahaa dhisidda berked biyood, dayactirka berkad kale, dhuumo-gelinta dhul dhererkiisu yahay 12 kilomitir, dayactirka laba ceel iyo dhisidda 23 dar oo biyaha laga dhaansado. Goobaha biyaha laga dhaansado waxaa maamula Guddiga Maareynta Biyaha ee Marka kaas oo ah Iskaashi u dhexeeya Maamulka iyo Ganacsiga gaarka loo leeyahay, bulshada iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay ayaa ka wada shaqeynaya hubinta in adeegga si joogto ah loo bixiyo. Guddiga Biyaha ee Marka ayaa hadda ku hawlan sameynta sharikaddii maamuli lahayd oo gacanta ku hayn lahayd nidaamka biyaha.

 “Xubnaha bulshada ayaa sheegaya in ay arkeen in si weyn ay hoos ugu dhaceen cuddurradii shuban-biyoodka ee ay sababta u ahaayeen ilaha biyaha ee faddareysnaa ee ay hore u isticmaali jireen dadka deggan Marka,” ayaa uu yiri Maxamed Macallin Bashiir, oo ah Khabiir UNICEF u Qaabilsan Biyaha, Fayadhowrka iyo Nadaafadda. “Macaamiisha ayaa laga qaadaa lacag yar oo ay ka bixiyaan biyaha ay isticmaalaan taas oo ay ku heshiiyeen bulshada, guddiga iyo maamulka degaanka. Magaalada Marka waxaa ku nool dad qiyaas ahaan ah 70,000 oo qof ah waxaana nidaamka biyaha uu hadda u adeegaa qiyaastii kalabar dadka degaanka.”

Culeysyada ka hor yimid mashruuca waxaa ka mid ahaa dib-u-dhac ku yimid fulintiisa taas oo ka dhalatey maamulka degaanka oo isbeddeley iyo shaqaalaha UNICEF oo gaari waayey goobta laga fulinayey mashruuca iyaga oo ay hor taagneyd nabadgelyo-xumada. Haseyeeshee, xubnaha ka tirsan guddiga biyaha ayaa la tababarey si ay u kor-joogteeyaan ayna sida ay hawshu u socoto ay warbixin uga soo siiyaan shaqaalaha UNICEF.

Ka dib markii la dhammeystirey nidaamkan biyaha ee cusub, ayaa dadka deggan Buulo Shidly – oo ah mid ka mid ah qaybaha ugu saboolsan xaafadda Horseed ee magaalada Marka – ayaa soo dhoweeyey faa’iidada ay ka helayaan. Ka-faa’iideyste noloshiisu uu beddeley mashruuca, oo ah odey 70 sano jir ah ayaa yiri: “Mashruucan wax weyn ayaa uu ka beddeley bulshadeenna oo hadda heleysa biyo ammaan ah oo nadiifna ah oo ay haweenka iyo carruurtu si fudud u soo dhaansan karaan. Arrintan ayaa ahayd mid intii aan noolaa i soo marin xataa markii uu dalku nabad ahaa.”

Ku saabsan UNICEF

 

UNICEF waxa ay ka shaqeysaa 150 dalal iyo dhulal ah si ay gacan uga geysato samata-baxa iyo horumarka carruurta, laga soo bilaabo marka ay aadka u yar yihiin ilaa marka ay qaan-gaarayaan. UNICEF oo ah hay’adda siisa tallaalka ugu badan dalalka soo koraya, waxa ay taageertaa caafimaadka iyo quudinta carruurta, helidda biyo iyo fayadhowr wanaagsan, waxbarasho aasaasi ah oo tayo leh oo ay helaan dhammaan wiilasha iyo gabdhaha, iyo ka ilaalinta carruuta rabshadda, dhiig-miirashada, iyo AIDS. UNICEF waxa ay dhammaan maalgelinteeda si iskood ah uga heshaa shakhsiyaad, ganacsiyo, mu’asasado iyo dowlado.

                                                                        …2

 

Xog intaa dheer fadlan kala soo xiriir:

 

·Saciid Jurji, Madaxa, Waaxda Biyaha, Fayadhowrka iyo Nadaafadda ee UNICEF Somalia. Mobile: +254 723 786 975. Email: zjurji@unicef.org.

·Denise Shepherd-Johnson, Madaxa War-faafinta, UNICEF Somalia. Mobile: +254 722 719 867. Teleefoon toos ah: +254 20 7623958. Email: dshepherdjohnson@unicef.org.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Dowladda Talyaaniga oo si Rasmi ah u Aqoonsatay Baasaboorka Cusub ee Soomaaliya(Sawiro Dheeraad ah)

Dowladda Talyaaniga ayaa wareegto ay taariikhdeedu tahay 23/03/2010 si ramsi ah ugu  aqoonsatay Baasaboorka cusub ee Soomaaliya (e-passport), dhaqangalkiisana oo bilaabanaayo 3-da bisha May 2010

Haddaba galabtii khamiista ee bishan aheyd 6da May 2010 ayaa xaflad balaaran oo lagu maamusayey munaasibadda bilowga dhaqangelinta baasaboorka soomaliya ayaa lagu qabtay Safaaradda Dowladda Somaaliya ay ku leedahay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga.

Munasabaddan ayaa waxaa ka soo qeybgalay madax ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka talyaaniga oo uu hormuud u ahaa Agaasimaha Guud ee arrimaha Afrika  Minester Morabito ayna ka mid ahaayeen masuuliyiin kale sida Polizi iyo Vozzi.

Safiirka Dowladda Somaaliya u fadhiya wadanka Talyaaniga Ambassador Nur Hassan Hussein (Nur Cadde) iyo dhamaan shaqaalaha Safaradda somaaliyeed ayaa si diiran u soo dhaweeyey madaxdii ka socotay dowladda Talyaaniga , iyadoona halkaas ay goobjoog ka ahaayeen hogaamiyeyaasha jaaliyadda Somaaliyeed ee ku dhaqan guud ahaan dalka Talyaaniga iyo dadweyne badan oo ku dhaqan magaalada Roma, oo ay ka muuqatay xamaasad fara badan

Ambassador Nur cadde oo ka hadlayey xafladda ayaa faahfaahin ka bixiyey dadaalka dheeraadka ah oo ay Dowladda KMG ah ee Somaaliya u gashay soo saaridda iyo ka dhaqangelinta baasaboorkan casriga ah wadamada yurub gaar ahaan dalka talyaaniga oo ay inaga dhaxeyso taariikh soo jireen ah.

Wuxuu mahad gaar ah u celiyey Minster Moraabito oo muujiyey dadaal dheeraad ah sidii uu u dhaqangeli lahaa baasaboorkan cusub.

 

Minster Moraabito oo isagana hadalka qaatay ayaa ka dhawaajiyey in dowladda talyaaniga ay garab taagan tahay shacabka Somaaliyeed guud ahaan ayna ku dadaaleyso in dowladda talyaaniga kaalinteeda ka qaadato sidii ay dowladda somaaliyeed lughaeeda ugu istaagi laheyd.

Minster Moraabito ayaa kula dardaarmay ka soo qeybgalayaashii xafladda in la dhowro sharafta uu leeyahay baasaboorkan cusub.

Waxaa kale oo xafladdan ka hadlay iyagoo muujinaaya dareenkooda ku aadan dhaqangelinta baasaboorka Somaaliyeed hogaamiyasha jaaliyadda somaaliyeed ee Talyaaniga iyo aqoonyahanno sare oo soomaaliyeed. Dadkii ka hadlayna waxaa ka mid ahaa Avvocato Xasan Ducale Kahiye, Avocatto Angelo Mazzetti ( Somali – Italian ) oo ah nin aad ugu dooda arrimaha Soomalida, Avvocato Cali Marduf, Dr Cisman Mohamed Gacal (Cisman John), Mudane Mohamed Cawil (Garaad), Maxamud Gesey iyo Cabdalle Aden Koje oo ku hadlaayey magaca dhalinyarada ku dhaqan Roma.

 

Mohamed Hassan

Rome, Italy

 

Posted in DhacdooyinComments (0)

Sh Aadan Madoobe oo Farqaha la haysta

Xubno ka tirsan  Baarlamaanka KMG ah ee soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Hotelka Weheliye ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka digeen in Sheekh Aadan Madoobe uu shirguddoomiya kalfadhiyada baarlamaanka ee la qorsheynayo in xilliyada soo socda lagu qabto golaha shacabka.

Xildhibaanadaasi oo kulanka ka qayb galay ayaa waxa ay sheegeen in haddii uu ku adkaysto Sheekh Aadan Madoobe inuu shir guddoomiyo kalfadhiga uu qaadi doono masuuliyadda wixii ka dhaca halkaasi, waxayna ka dalbadeen madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha in ay arrintaas wax ka qabtaan.

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre, oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii 2aad ee baarlamaanka balse dhowaan is casilay oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka uu is hortaag ku sameeyay dadaallo lagu doonayay in wada hadal looga dhex furo iyaga iyo guddoonka baarlamaanka, waxa ayna sheegeen inuu si cad u diiday guddiyo ay labada dhinac u xil saarteen inay dhex-dhexaadin ka dhex sameeyeen.

Qaar ka mid ah mudanayaashii baarlamaanka ee ka qayb galay kulanka ayaa waxa ay sheegeen inuusan waxba iska beddelin mowqifkoodii hore oo ku aadanaa inuu waqtigii ka dhamaaday guddoonka baarlamaanka, ayna waajib tahay in la doorto hoggaan cusub oo shirguddoomiya kalfadhiyada baarlamaanka

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shabaabka Dhoobleey oo howlo qabuuro faagis ah ka sameeyey

Wararka naga soo gaaraya degmada Dhoobleey ayaa sheegaya in dablayda  Al-Shabaab ee ka arimiya halkaasi ay shalay bur buriyeen qabuuro waa weyn oo degaankaas ku teedsanaa.

Qabuurahaasi ayaa waxaa ugu weyn qabri uu ku aasnaa wadaad caan ka ahaan jiray Dhoobleey kaasoo ay sanadkiiba dadka soo siyaaran jireen, waxaana qabrigiisa shalay ku baxay xubno badan oo isugu jiray saraakiil iyo ciidamodablay oo uu ku jiray gudoomiyaha degmada Dhoobleey ee Maamulka Shabaab.

Isaga oo dadka kula hadlayey masaajidka salaada jimcaha ka dib ayuu gudoomiyaha degmada Dhoobleey ee maleeshiyada Sheekh C/fataax sheegay in qabuuraha ay bur buriyeen uu ku jiray mid ay dadka caabudi jireen taasoo ah buu yiri shirki iyo gaalnimo.

“Dadka qabrigan waxay u tagi jireen in ay caabudaan waxaa hada noo suura gashay in aan bur burino, waxaan idiin xaqiijinayaa in aan soo faagnay lafaha kadibna ku aasnay meel aysan dadka ogaan karin” ayuu yiri.

Al-Shabaab ayaa labadi bilood ee lasoo dhaafay ka sameyey qeybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya howlgalo ay ku beegsadeen qabuuro ay ku aasnaayeen culumo caan ka ahaa Soomaaliya

Posted in DhacdooyinComments (0)

Xisbul Islaam oo wali ay xoog ku heystaan Isbitaalka Xaawo Cabdi iyo baaq loo jeediyay

Ururka Xisbul Islaam ayaa wali xoog ku heysta Isbitaalka Xaawa Cabdi ee deegaanka Lafoole, kadib markii labo maalmood ka hor ay la wareegeen Isbitaalkaas oo ay jiifeen bukaano fara badan.

Maleeshiyada Xisbul Islaam ayaa gudaha ugu jira Isbitaalkaas, iyagoo joojiyay adeegii Caafimaadka ee loo fidin jiray Bukaanada iyo dadka xanuunsan ee Isbitaalkaas maalin walba soo xaadiri jiray.

Saraakiisha Xisbul Islaam ayaa diiday in ay ka baxaan Isbitaalka, waxaana wali jira xiisad salka ku heysa dilkii Sarkaalkooda oo ay doonayaan in loo soo gacan geliyo ninkii ka dambeeyay dilka ee gacan ku dhiiglaha ah.

Sarkaal u hadlay Qaramada Midoobey ayaa ugu baaqay Hogaanka Xisbul Islaam in ay ka baxaan Isbitaalka oo ay ka saaraan Ciidamadooda, waxaana isa soo taraya walaaca arrintan laga muujinayo.

Qaramada Midoobey ayaa ku tilmaantay mid ka baxsan xeerarka Caalamiga in Isbitaal Caafimaad ay qabsadaan Ciidan, waxaana arrintan ay xad gudub ku tahay baaqa caalamiga ah.

Iska hor imaad arbacadii ka dhacay Isbitaalka ayaa waxaa ku dhintay Taliyihii Xisbul Islaam ee deegaanka Lafoole, taasoo keentay in isbitaalka ay la wareegaan, isla markaana uu hakad galo adeegii caafimaadka

Posted in DhacdooyinComments (0)

Safiirada dalalka Philippin iyo Somalia oo ku kulmay Magaalada Nairobi.

Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Nairobi ayaa waxaa kulan saacado badan qaatay ku yeeshay Safiirada dalalka soomaaliya iyo Philippin.

Ujeedada kulankan ayaa waxaa uu ahaa sida la sheegay ka shaqeynta xiriirka labada dal iyo sidii loo amba qaadi lahaa heshiisyo labada dal gaareen bishii Decembar ee sanadkii tagay kadib markii wafdi ka socday Dowladda KMG ah ee soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda ahna Ra’iisal Wasaare kuxigeenka C/raxmaan Ibbi socdaal ku tagay xarunta waddanka Philippin ee Maniila, halkaas oo ay wadahadalo kula soo yeeshan madaxda dalkaas.

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamed Cali America iyo Safiirka Philippin u fadhiya Magaalada Nairobi isla markaana u qaabilsan arrimaha soomaaliya DOMINGO D.LUCENARIO,JR. waxay wadahadaladooda diirada ku saareen xiriirka labada dal, xaalada dalka soomaaliya iyo sidii dowladda Philippin u taageeri lahayd dowladda KMG ah ee soomaaliya.

Kulankan oo ay ka qeyb qaateen Saraakiisha Labada Safaaradood, sida Qunsulka Guud ee Safaaradda Soomaaliya Maxamed Cusmaan Aadan (Edson) iyo Saraakiil kale oo Safaaradda Philippin ee Nairobi ka socday ayaa sida laga soo xigtay labada dhinaca waxay muhiimada koowaad la siiyay taageerada Dowladda Philippin u hayso shacabka soomaaliyed.

Saraakiisha Labada Safaaradood waxay isla soo qaadeen dhameystirka qodobo labada Dowladood horey uga wada hadleen kuwaas oo ay ka mid ahaayeen in dowladda Philippin ay tababarro u siin lahaayeen Ciidamada Badda Soomaaliyeed iyo iskaashi guud oo dhex mara labada ciidan, arrintaasoo is afgarad kusoo dhammaatay.

Safiirka Dowladda Philippin u fadhiya Magaalada Nairobi ee qaabilsan arrimaha soomaaliya ayaa sheegay in Dowladdiisu ka shaqeynayso sidii beesha Caalamka u taageero ballaaran u siin lahayd Dowladda soomaaliya iyo sii xoojinta xiriirka saaxibtinimo iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal oo muddooyinkan dambe ahaa mid aad u hooseeya kaddib markii horraantii sanadihii 1990- ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, taas intii ka dambeysayna lagu jiray jahawareer xaaladda soomaaliya.

20-kii bishii Decembar ayaa xarunta dalka Philippin waxaa booqday Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dowladda KMG ee Soomaaliya ahna Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Prof. Cabdiraxmaan Ibbi, uuna ka mid ahaa taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliyeed Amiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare), waxayna ballaan qaad taageero ka soo heleen Dowladda dalkaas.

Safiirka Soomaaliya ee Magaalada Nairobi Maxamed Cali America ayaa uga mahad celiyay Dowladda dalka Philippin gaar ahaan Safiirka Philippin u qaabilsan Soomaaliya sida niyad samida ku jirta ee Philippin u taageerayso Dowladda soomaaliya iyo booqashada Safiirka Philippin ku yimid xarunta Safaaradda soomaaliya.

Posted in DhacdooyinComments (0)

qof sheegta inu Rabi darti u halgamay muxu wajiga u qarsada

 

Haddi waxaa ay shabaab ka hadlayaan yahay run ama haddi wax an wax beeni ku jirin arrimaha ay koo doodaan maxay wajiga u qarsanayaan, ma hadalka ay sheegayaan ayaa been ah mise wax laga xishoodo ayeey sheegayaan. Mise kuma kalsoona imaankooda. Shir ayaa la imaanaya, raac linkigan

http://www.dadweyne.com/index.php/2010/05/07/qof-sheegta-inu-rabi-darti-u-halgamay-muxu-wajiga-u-qarsada/

fadan noo soo qor adiga ku soo gubinaya rayigaa dadweyne@gmail.com

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shabaabka oo fuliyay xukun been abuur ah

Dablayda Al Shabaab ee degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa Xukun Xad gacan goyn ah ku fuliyay nin eedeynta loo jeediyay aanay loo helin marqaatayaal.

Fagaaraha Garoonka Kubadda Cagta ee degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa Maxkamad ay  Al Shabaab ee degmada Xudur sameysteen ku fulisay xukun cadaalad daro ahaa nin lagu magacaabo C/kariin C/llaahi oo lagu soo eedeeyay in uu xaday Moobeelo iyo lacago cadaan ah sida ay sheegteen kooxda shabaab, waxaana ninkaasi laga gooyeeyay gacanta Midig.

Goobta uu ka dhacay xukunkaasi ayaa waxaa goob joog ka ahaa Mas’uuliyiin katirsan Al Shabaab oo ay kamid ahaayeen Qaadiga Maxkamada been abuurka  Al Shabaab ee degmada Xudur iyo Gudoomiyaha Al Shabaab ee degmada Xudur.

Ehelada ninka gacanta laga gooyay ayaa sheegay in uusan wiilkooda helin cadaalad isla markaana aan maxkamada la hor keenin marqaatayaal sida diinta islaamka qabta.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Maleeshiyada Shabaab oo Xabsiga u taxaabay qaar ka mid ah Beeraleeyda Gobolka shabeelaha hoose

Maleeshiyada Shabaab ayaa Xabsiyada u taxaabay qaar ka mid ah Beeraleeyda Degmada Janaalle ee Gobolka Shabeelada Hoose sida ay sheegayan wararka naga soo gaaraya Gobolka beeraha caanka ku ah ee koonfurta soomaaliya.

Beeralaydaan  u  xirxiran maleeshiyada Shabaab ee ku sugan degmada Janaale ee Gobolka Sh/hoose ayaa tiradoodu gaaraysaa 15 qoofood, kuwaas oo haatan dhibaato nololeed ay ku haysato xabsiyada maleeshyadaas ay ku xirxirtay .

Mudo 3 maalmood ah,ayay dadkaas ku xiran yihiin xabsi ay leeyihiin dablayda shabaab kadib markii ay awood u waayeen bixinta lacago baad ah oo lagu soo rogay .

Ilo wareedyo ayaa laga soo xigtay in qaar ka mid ah dadka u xiran shabaab loo geystay Jirdil iyadoo qaar ka mid ah dadkaas intii madaxa looga xiray jawaan biyo la dhexgeliyay.

Maleeshiyada shabaab ee ku dhaqan Gobolka Shabeellaha hoose ay ku  soo rogeen in ay halkii Hektarba oo Beerahooda ka mid ah ay ka bixiyaan lacag dhan 30 doolar bishiiba taas oo Beelaydu ay sheegeen in aysan awood u lahayn tallbaadaas dhaqaala doonka ah waxaana maleeshiyadu ay ku hanjabeen in ciddii bixin waysa lacagtaas beerteeda lagala wareegi doono taas oo dadka janaale iyo nawaaxigeeda ku nool wel wel ku abuurtay.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Madaxweyne Shariif oo Ahlu Sunah u magacaabay Taliye kuxigeenka xooga dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa wareegto ka soo baxday Xafiiskiisa maanta ku magacaabay Taliye Kuxigeenka Ciidamada Xooga dalka, iyadoo magacaabistan qeyb ka tahay dhaqan gelinta heshiiskii Ahlu Sunah dhex maray.

Wareegtada Madaxweynaha oo uu warbaahinta u aqriyay Mursal Maxamed Farey oo ka tirsan Xarunta Madaxtooyada ayaa sheegay in wareegtada lagu magacaabay C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan) oo noqonaya Taliye Kuxigeenka Xooga dalka.

Inkastoo Madaxda Ahlu Sunah ay si cad u sheegeen inuu bur buray heshiiskii u dhaxeeyay iyaga iyo Dowladda KMG, ayaa la rumeysan yahay in magacaabistan ay soo dedejisay hadalkii shalay uu jeediyay Gudoomiyaha Guud ee Ahlu Sunah.

Lama oga ilaa iyo hada sida ay Ahlu Sunah xilkan ugu qanci karto, xilli la dhowrayay in ay jumlo ahaan u qaadato xilalka ay ka raajicineyso Dowladda KMG, kaasoo dhigayay heshiiskii Addis Ababa.

Ahlu Sunah ayaa dooneyso in 5-wasiir, Taliye Kuxigeeno, Safiiro ka hesho Dowladda KMG, mana jiri doonto in wax ka yar intaas ay ku qanacdo

Posted in DhacdooyinComments (0)

SYL 2 oo bilawday in ay dhiirgelin hubka looga dhigayo dhalinyarada hubeysan

Ururka dhalinyarada ee SYL-2 ayaa gudaha dalka Soomaaliya ka bilaabay barnaamijo lagu dhiiregelinayo dhalinyarada hubeysan ee u dagaalamaysa kooxaha kala duwan soomaaliya si ay hubka isaga dhigaan kana shaqeeyan sidii dalka loo horumarin lahaa, iyadoo qorshahan uu yahay furaha kaliya ee dhalinyarada hubeysan looga joojin lahaa ka qeyb qaadashada dagaalada sokeeye.

Ururkan ayaa waxay Magaalada Muqdisho ku qabteen Siminaaro ay ka soo qeybgaleen dhalinyarada degmooyinka kala duwan ee Caasimadda dalka kuwaas oo la fahamsiinayay qiimaha ay leedahay Nabadda iyo qatarta uu leeyahay hubka.

Sidoo kale Siminaaradan ayaa waxaa ka soo qeybgalay xubno ka tirsan Dowladda KMG ah sida kuxigeenka Baarlamaanka Soomaaliya, Prof Maxamed Cumar Dalxa, Wasiirada Khadiijo Maxamed Diiriye, Xildhibaan Caasho Axmed Cabdalle iyo xubno ka tirsan odayaasha dhaqanka ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Ururkan SYL-2 Faarax Xaaji Cali ayaa sheegay in muhiimadooda koowaad ay tahay in ay dalka soomaaliya ka badbaadiyan masiibadan ku habsatay, wuxuuna sheegay in qorshahooda yahay in xataa socdaalo ku tagaan dalalka ay ku xiran yihiin dhalinyarada soomaaliyed, Siida Liibiya, Musanbiiq, Yeman iyo dalal kale oo dhawr ah.

Haddaba Ururkam muxuu kaloo ku talaabsaday? Ilaa iyo 160 dhalinyaro oo markii hore ka mid ahaan jireen maleeshiyaadka hubeysan ee soomaaliya ayay ku dhiirigeliyeen in ay hubka iska dhigaan shuruud la’aan taa bedelkeeduna waxay ururku ku abaalmariyay in qaar ka mid ah dhalinyaradaas waxbarasho laga siiyo dugsiyada dalkooda, qaar kalena la baro farsamada gacanta.



Posted in DhacdooyinComments (0)

Amnesty International oo cambaareysay dilkii loo geystay Wariye Sh. Nuur Abkey

Hay’adda Xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa cambaareysay dilkii loo geystay Allaha u naxariistee Wariye Sh. Nuur Maxamed Abkeey oo kooxda Shabaab ay ku toogteen Muqdisho.

Haweeneyda Baarista Barnaamijyada Afrika u qaabilsan Hay’adda Amnesty ayaa fal Arxan darro ah ku tilmaantay Ugaarsiga  lagu hayo saxaafadda Soomaaliya, ayadoo si gar ah u dhaleecaysay kooxaha sheegtay dilka Wariye Abkeey.

Kooxaha bulshada rayidka iyo Suxufiyiin ayaa si wada jir ah u cambaareeyay kooxda shabaab ee dilkaas geysatay iyagoo ku tilmaamay falkaas mid ka baxsan bani’aadanimada iyo shareecada islaamka.

Hay’adda Amnesty ayaa sheegtay in Dowladda Soomaaliya laga doonayo in ay damanad qaado ammaanka Saxafiyiinta iyo muwaadiniinta kale inti karaankeeda ah, ayadoo sheegtay in ay laga maarmaan tahay in xabsiga la dhigo shakhsiyaadka sida cad u sheegtay dilka wariyayaasha, waxayna muujisay in beesha caalamka ay dowr ku ledahay badbaadinta Umadda Soomaaliyeed, ayna muhiim  tahay in guddi loo diro dalka Soomaaliya si ay u baaran xadgudubyada ka dhanka Xuquuqda aadanaha ee ka dhacaya.

Dablayda shabaab ayaa si cad u sheegtay dilalka Suxufiyiinta soomaalida loo geysto.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Maxaad ka taqaannaa raggii dilay Wariye Sheekh Nuur Abkey

Xasan Xanafi (Bidix) waxa uu ka dambeeyay dilka
wariyayaal badan oo Muqdisho lagu khaarijiyay

Allaha u naxariistee Sheikh Nuur Maxamed Abkey waxa uu u dambeeyay wariyayaal Soomaaliyeed oo kooxda Alshabaab ay si gar darro ah u dileen.

Shalay oo Talaado ahayd ayay maleeshiyada Shabaab Sheikh Nuur Abkey si xun ugu  toogteen degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

Shabaab, waxay leedahay waax warbaahinta u qaabilsan oo ka shaqeysa khaarijinta wariyayaasha iyo shakhsiyaadka nabadda iyo arrimaha bulshada ka shaqeeya.

Waaxda warfaafinta ee Shabaab, waxaa xubno ka ah , dhallin yaro horay uga soo shaqeeyay qaar ka mid ah Warbaahinta Magaalada Muqdisho.oo iyagu far muqa isla markaana khaarijiya Saxafiyiinta Shabaabku u arkaan kuwo ka hor jeeda siyaasadohooda ama dadka gaarsiinaya farriin ka gaddisan afkaarta qalloocan ee ay shabaabku dalka soo galiyeen .

Ragga sida tooska ah ugu dambeeyay dilka Sheikh Nuur Abkey waxaa ugu horreeya nin lagu magacaabo Xasan Xanafi Xaaji .

Xasan Xanafi Xaaji, waxa uu ku dhashay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan Sanadkii 1983-kii.
sagaashamaadkii ayay reerkiisu u soo guureen magaalada Muqdisho.
Waxa uu deggan yahay meel dhowr mitir u jirta Suuqa Cirtoogte ee magaalada Muqdisho.
Qoyskiisa isaga oo kaliya ayaa ka jooga Somalia, Labadiisa Waalid waxa ay hadda ku nool yihiin Kenya, halka qaar ka mid ah walaalihiisna ay ku sugan yihiin Yurub.

Xanafi ma lahan taariikh Waxbarasho haba yaraatee.

Sanadkii 2003 ayuu si tijaabo ah ugu biiray Idaacadda Quraanka ee Muqdisho, sidoo kale 2006-dii ayuu muddo dhowr bilood ah la shaqeeyay Website-ka Goobjoog.com , ka dibna waxa uu ku faraq xirtay rag ka tirsan ururka Shabaab , waxa uuna idaacadaha Muqdisho soo gaarsiin jiray farriimaha Shabaabka iyo dagaalyahannada Shisheeye.

Xasan Xanafi Xaaji, waxa uu ka dambeeyay dilkii wariyayaal badan oo Muqdisho lagu dilay wixii ka dambeeyay sanadkii 2006-dii.

Waxa uu si toos ah u soo maleegay dilkii Mahad Axmed Cilmi agaasimihii idaacadda Capital Voice iyo Cali Iimaan Sharma’arke. Xanafi isaga ayaa Mahad u tilmaamay ragga dilay, oo waxa uuna goob joog ahaa halkii lagu dilay Marxuum Mahad Axmed CIlmi.

Intaa kuma ekeysan ee waxaa raacay Janaazadii Mahad, isagoo rag Shabaab ka tirsanna kula ballamay in ay Miino ku aasaan jidka, si ay u khaarijiyaan agaasimihii Horn Afrik Cali Iimaan Sharma’arke, oo markii uu ka soo laabtay duugtii Mahad Axmed Cilmi lala qarxiyay gaarigii uu saarnaa, halkaasna ku geeryooday.

Dilka labadaas wariye ka dib Xanafi waa la dallacsiiyay, waxaana laga dhigay madaxa warfaafinta ee Shabaabka, markaas ayayna u suurto gashay in uu khaarijiyo wariyayaal badan.

Wariyayaasha Xanafi dilkooda soo maleegay waxaa ka mid ahaa allaha u naxariistee agaasimihii Idaacadda Horn Afrik Saciid Tahaliil Axmed, oo lagu dilay gudaha Bakaaraha 1 february , isagoo ku sii socday Shir been ahaa oo Shabaabku saxaafadda isugu yeereen.

Marxuum Saciid Tahaliil waxaa dabinkaas u dhigay Xasan Xanafi,oo Saciid u far muqay raggii dili lahaa oo horay loogu soo diyaariyay, ka dibna uga dhex baxay.

7-dii July 2008 waxaa magaalada Kismayo lagu toogtay allaha u naxariistee Nasteex Daahir Faarax wariyihii Idaacadda bbc-da iyo wakaallada Reuters ee magaalada Kismayo, dilka Nasteex waxaa ka soo shaqeeyay rag ka tirsan Shabaab oo uu Xasan Xanafi hormuud ka ahaa.

Sidoo Kale Xanafi iyo rag kale oo ka tirsan Alshabaab ayaa fuliyay falkii lagu dilay allaha u naxariistee Agaasimihii idaacadda Shabelle Mukhtaar Maxamed Hiraabe oo laguna dhaawacay wariye Axmed Cumar Xaashi (Axmed Taajir) oo isla shabelle ka tirsanaa taariikhdu markey ahayd 7-dii July 2009.

Ismaaciil Salaad Guuleed ( istiilla).

Waa canug 18 jir ah oo rajaynimo ku soo koray, hooyadiis waxa ay dhimatay isagoo yar, waxaa degganyahay degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

Istiila waxa uu idaacadda Simba ku biiray sanadkii 2007, isagoo ka soo jeedin jiray barnaamijka maaweelada carruurta, waxa uuna si hoose ula shaqeyn jiray Shabaab.

Rag la soo shaqeeyay oo Radio Muqdisho la hadlay, ayaa sheegay in Istiilla uu Bastoolad wadan jiray xitaa intii uu ka shaqeynayay Idaacadda Simba, dhowr jeer ayuuna wariyayaal ugu hanjabay in uu dilayo ka dib markii ay ku murmeen arrimo shaqada la xiriira.

Istiilla waxaa uu wax ka aasay miinadii lagu qarxiyay haween nadaafadda ka shaqeynayay meel ku dhow masjidka Biya maalow 2007-dii, isaga ayaana Remote-ka u hayay miinadii lagu laayay haweenkaas xoogsatada ahaa.

Ismaciil Istiilla waxa isaga iyo Xasan Xanafi ay hal maalin ku wada dhaawacmeen dagaal ay ka qeyb galeen oo ka dhacay xaafadda African Village ee degmada Hodon, waxa ay ahayd horraantii 2009.

Istiilla intii uusan caddeysan in uu Shabaab ku biiray, waxa uu si basaasnimo ah u iman jiray xarumaha dowladda sida Wasaaradda Warfaafinta,Xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo xarunta madaxtooyada

Waxa uu marar badan telefoon ugu hanjabay wariyayaal badan oo uu gaalo ku tilmaamay uguna hanjabay in uu dili doono.

Markii uu u baxayay Kismayo oo uu ka shaqeeyo idaacad da Shabaabka ee Andalus, waxa uu eheladiisa u sheegay in uu u safrayo Kenya, si uu Shabaab uga baxsado.

Ka hor markii ay gacanta ku dhigeen wariye Sheikh Nuur Abkey intii aan la dilin Istiilla waxa uu la soo xiriiray qaar ka tirsan Shaqaalaha Radio Muqdisho isagoo ku war galiyay in ay maydka Shiikh Nuur Abkey saacado ka dib soo dhigi doonaan masjidka Alkhaaliq ee degmada Wardhiigley, dhowr daqiiqo ka dibna Marxuum Abkey waxaa la soo dhigay goobtii uu Istiilla tilmaamay.

Ka dib waxa uu Istiilla si farxadi ku jirto u sheegay in ay iyagu dileen Abkey ayna sii wadi doonaan ugaarsiga iyo dilka saxafiyiinta Radio Muqdisho

Wasaaradda Warfaafinta

Posted in DhacdooyinComments (0)

Xisbul Islam oo qabsaday Xarunta Xaawo Cabdi

Xarunta isbitaalka Xaawa Cabdi ee degaanka Lafoole waxaa saaka la wareegay dablay ka tirsan Xisbul Islaam kadib markii uu dagaal gaaban ka dhacay xarunta oo ay ka dhisan yihiin bukaan socod eegto iyo rug lagu quudiyo ubadka nafaqo la’aanta u liita.

Xarunta ayaa ah isbitaal ay daryeel iyo daaweynba ka helan kumanaan qof oo ka mid ah dadka ka qaxay dagaalada iyo collaada magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta xisbal islaam ilaa iminka wax war ah kama soo saarin sababta maleeshiyadooda ula wareegeen xarunta Xaawa Cabdi ee Lafoole.

Balse wararka qaar ayaa sheegaya in saaka lagu dilay deegaankaasi sarkaalkii Xisbul Islaam halkaasi ugu sareeyay.

Xaawo Cabdi waxay sheegtay in dhawaan ay maamulka Xisbul Islaam u sheegeen inay maamulka ku soo wareejiyaan, isla markaana ay halkaasi isaga baxdo hey’adda gacanta siineysay Xarunta.

Ilaalada xaruunta ayaa wararku sheegayaa in mid ka mid ahaa lagu dilay halkaasi, laba kalena lagu dhaawacay

Posted in DhacdooyinComments (0)

Sarkaal ka tirsanaa Maleeshiyada Xisbul Islaam oo la dilay

Wararka naga soo gaaraya wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa sheegaya in dablay ka tirsan shabaab ay degaanka Xaawo Cabdi ku toogteen Sarkaal ka tirsanaa Maleeshiyada uu madaxda u yahay Sh Xasan Dahir Aweys.

C/waaxid Xuseen Xasan ayaa xiligii kooxaha hubaysan ay dilayeen waxaa la sheegay in uu ka soo baxay masjid kuyaala deegaanada Xaawo Cabdi iyadoo aan la ogeyn sababta dhabta ah ee ka dambeysay dilka sargaalkaasi laakiin shabaabka ayaa muddooyinkan dambe ugaarsanayay Saraakiisha Xisbul Islaam.

Kooxihii fuliyay dilkaasi qorsheysnaa ayaa waxaa la sheegay in ay ka baxsadeen goobtii ay dilka ka geysteen waxaana wixii ka dambeeyay dilka sarkaalkaasi la xiray goobihii ganacsiga ee halkaasi ka furnaa.

Deegaanka Xaawo Cabdi ee gobolka Sh/hoose ayaa saakay waxaa laga dareemayaa dhaq dhaqaaq ciidan iyadoo ay soconayaan howlgalo u muuqda in lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyay dilka sargaalkaasi.

Maleeshiyada shabaab ayaa waxay mid mid u ugaarsanayaan dablayda Xasan Dahir Aweys madaxda u yahay ee Xisbul Islaam.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shabaabka oo Xabsiga dhigay 8 Haween ah

Maleeshiyaadka Al-shabaab ee heysta gobolada Jubbooyinka, ayaa xabsiga u taxaabay ilaa 8 haween ah oo qaadka ku iibiya gudaha magaalada Kismaayo.

Horjoogayaasha Al-shabaab ee gobolada Jubooyinka, ayaa ku eedeeyay haweenka ay xabsiga dhigeen in ay jabiyeen amarkii ahaa in aan gudaha Kismaayo lagu dhex iibin Karin qaadka.

Xarigaan ayaa yimid kadib markii xalay haween kale oo qaadka ku iibiya gudaha magaalada Kismaayo ay rasaas ku fureen dhalinyaro ka tirsan maleeshiyaadka Shabaab, inkastoo ay haweenkaasi ka badbaadeen rasaastii lagu furay.

Horjoogayaasha Shabaabka ayaa sheegay in ay maxkamad soo taagi doonaan haweenka lagu eedeynayo jabinta amarka maleeshiyaadka Shabaab.

Dadka magaalada Kismaayo ayaa la yaaban in rag hubeysan oo sheeganaya in ay islaam yihiin haddana haweenka gacameeya marna rasaas la beegsada.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Gunmen kill journalist from Somali radio station

MOGADISHU, Somalia (AP) — Gunmen in the Somali capital killed a veteran journalist working for the state-run radio station Tuesday, and colleagues said they suspect the killing was because of the station’s critical view of insurgents.

Sheik Mohamed Abkey was abducted earlier Tuesday, said Abdiraham Yusuf Al-adala, the station’s chief editor.

“Members of the al-Shabab militant group phoned us and told us they had our colleague and they were going to kill him. Later on, around the sunset prayer, they again phoned us and told us the news of the death of our man,” Abkey said.

Residents said they had seen the body of the journalist lying in one of Mogadishu’s streets.

Abkey had long worked for the Somali News Agency, SONA, which he joined in the 1970s. During Somalia’s years of civil war he also worked for the Somali Television Network based in Mogadishu, where he was a news anchor and comedian. More recently, he worked with Somalia’s information ministry.

No militant group immediately claimed responsibility. Abkey’s colleagues said they suspect he was targeted because he was working at a station critical of radical Islamists.

Somalia is one of the most dangerous countries in the world for journalists. Reporters Without Borders says nine journalists were killed in Somalia in 2009, including three killed in December when a suicide bomber detonated his explosives at a university graduation in Mogadishu.

In a separate development, an official with the Organization of Islamic Conference said the group plans to reopen its office in war-ravaged Somalia after nearly 17 years.

The group’s director of humanitarian affairs, Fuad Ali Al-Masna’i, said the aim is to provide aid to hungry Somalis whose humanitarian situation is deteriorating due to the withdrawal of the U.N.’s food agency early this year. He said Monday that the office would open soon, but did not give a date.

Nearly half of Somalia’s 7 million people depend on food aid.

The militant group al-Shabab barred the World Food Program from distributing food in areas under its control.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Wariye Sh Nur Maxed Abkey waxa dialy Xassan Xanafi Xaji iyo Ismaaciil Guleed Istiila

Allaha u naxariistee Sheekh Nuur Maxamed Abkey oo ahaa suxufi soomaaliyed ayaa caawa waxaa dil ugu gaystay Xaafadda Suuqa bakaaraha maleeshiyad ka tirsan kooxda shabaab.

Waxa gacntooda ku toogtay Xassan Xanafi Xaji iyo Ismaacill Guleed Istiila. Waxaa telefoonka marxuumka kula hadleen radio  Muqdisho intii aanay dilin iyagoo keenay goobta ay ku toogteen.

Xanafi, Istiila iyo mid kaleh oo Guuled la yira waxay ka masuul yihiin dil loo geeystay wariyayaal iyo dad badan.

Xanafi waxa kaloo u dilay wariye ajanabi ah oo la dhi jiray Martin Adlar una dhashy dalka sweden sanadkii 2006.

Xanafi waxa u ka soo jeeda beesha baadicade istiilana sacad.

Waxa uu ku ku soo biiray wakaaladda wararka soomaaliyeed ee Sonna qeybteeda warqabadka 1988  sida ay sheegayan dadka aqoonta u leh Marxuumka.

2000 ayuu ku biiray idaacadda hornafrik halkaas oo dadka reer Muqdisho ay aad ugu barteen kaalintii uu ka ciyaaray sheekadii la magac baxday “Intey waayuhu i badeen waqtigu ha ku baro”. Oo uu ka ma talyay kaalinta nin lagu magacaabo Ma gafe.

2006 dii ayuu ku soo laabtay SONNA , isagoo ka howl galay Baydhabo.

2009 ayuu Sheikh Nuur Abkey dib ugu soo laabtay xarunta weyn ee SONNA Muqdisho, waxa uuna noqday tifaftiraha wakaaladda ee Wararka dibadda.

Wasaaradda warfaafinta waxa uu ka shaqeyn jiray qeybta afafka qalaad gaar ahaan carabiga.

Sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyay idaacaddii STN iyo Bariga Afrika.

Dhanka wax barashada allaha u naxariistee Sheikh Nuur Abkey waxa uu waxbarashadiisa dugsiga hoose ku soo qaatay gobolka Shabeellaha hoose.

Waxa uu ka baxay dugsigii sare ee Jamaal Cabdinaasir.

Waxa uu ka baxay jaamacadii Soomaliyeed gaar ahaan kulliyadda waxbarashada.

Allaha u naxariistee Sheikh Nuur Abkey waxa uu ifka kaga tagay carruur qaarkood hana qaadeen iyo xaas.

Intii uu ka howl galayay Radio Muqdisho marnaba kama uusan soo guurin halkii uu degganaa oo ay gacanta ku hayso kooxda Shabaab ee banneystay dhiigga dadka muslimiinta ah ee soomaaliyeed.

Dilka ayaa waxaa ka geystay Maleeshiyo shabaab ka tirsan,wuxuuna qeyb ka yahay dilalka shabaab u geystaan Suxufiyiinta soomaalida.

Nuradiin Macalin Mukhtaar Diinow

Muqdisho Somali

Posted in DhacdooyinComments (2)

PRESS STATEMENT about the conduct of UN envoy for Somalia by MPs

Mogadishu, April 28, 2010

 

PRESS STATEMENT

Since his nomination, the UN envoy for Somalia Ahmadou Ould Abdalla has been pursuing a course of action devoid of average wisdom, substantively empty and based on narrow deceptive sentimentalist rhetoric to torment the lives of defenseless souls and with the objective of locking up the naked eye in total obscurity, in broad daylight. He neither blindfolds anyone nor uses brutality as such, but  is well versed with non-delivering promises and pledges used as bait to only fatten the coffers of UN offices, while the needy are distracted and kept in waiting,  in  a manner not dissimilar to the proverbial ‘hammering of empty kitchen wares’, “Qawda maqashii waxna how qaban”.

It is time to unveil the mystery surrounding Ould Abdalla’s magic that kept Somalis in total darkness, for a long period of time. The real character burying itself behind a seemingly tender, soft-spoken, friendly personality, at times posturing as a pious man, should be unmasked through objective assessment of and by fathomizing not on superficial outlooks of his persona but examining what did he do for the Somali people during the term he was in office?

Apart from meticulously prearranged recitations of few Qur’anic verses seasoned with Hadith sayings and medieval stories to stir a bit of emotions and capture audiences’ feelings and ears, would he really share the pain and suffering Somalis are going through and what did he do about it, despite false pretentions? Surely, Ould Abdalla is not a messiah sent to rescue Somalia –a country drowning into the depths of high seas sinking beneath the shadow of waves of atrocities resulting from a chronic civil war and introverted hostilities.   Does the Envoy really interested in whispering the word of peace into the ears of a brother at the throat of another, or is he simply taking advantage of a government confronted with a multitude of challenges having little or no ability to call a spade a spade?

Despite his periodic dispatches of nicely worded letters to the Diaspora community, which simply is intended to distract the world and media’s attention from appalling disastrous conditions at home and his perennial call for the repatriation of UN offices to Mogadishu, are all an orchestrated piece of melody to appease the unguarded ear, but in fact, it is a melancholic announcement for majority expecting his office to deliver what is was initially constituted for. Such pretentious routine proclamations of the Somali Envoy are nothing but to downplay certain agitated nerves, often having the intention to diffuse some other raised issues and events unrelated to his pronouncements. In other words, the creation of green zones is his own fantasy and a tool tailored to bargain with his own colleagues in Nairobi and for exchange with other merchandise.

In other occasions, he flatters the State and government shamelessly   by inventing non-existing fictive rosy scenarios promoting the government from a failed state to a fragile height in opposition to all rational minds, this is sarcastic misinformation because he is even at the point of marketing untainted fabrications, not only within Somalis but also to a world aware of current realities in Somalia. When and where such marvelous transition from a failed to a fragile state did take place and what evidence the Envoy could present that convincingly supports his hypothetical achievement and assertions. In fact, he is trying to promote the performances of his office with baseless information.

Lately, the Envoy seen from the manner he is relating himself to TFG government, an air loaded with arrogance and caprice is oozing from his office. The SRSG is almost acting like a Colonial Governor charged to dictate everything TFG is doing. More recently, he is interposing his fingers in all governmental affairs, not to mention how singlehandedly he has been managing funds allocated to Somalia and channeled through his offices, in the absence of stringent counter controls, while most of these funds are apparently spent on white elephant projects that never reached their destinations nor utilized by the targeted beneficiaries.

In reflection to recent contentions that arose within the Parliament, the Envoy began acting as a Repressive Governor, as he passes his personal verdict on the Parliament’s legitimate affairs and on contested issues, while unashamedly siding with one corner of the spectrum. In contrast to his unceremonious misconduct and interferences, MPs from both sides, despite their differences, believe that there are enough mechanisms and sources for references that can be exploited for the resolution of the impasse. For example, the Charter, the Djibouti accord and other laws of the country and structures provide enough legal grounds to end the deadlock.

The persisting interferences and manipulative approaches of Ahamdou Walad Abdalla are seen as despicable intrusions, which is a direct insult to TFG and its leadership. The mounting pressure in which the Envoy as exerting on some Ministers is an illicit move, if not unwise and it is a matter of great concern begging to critical questioning of the ‘the exact job description of the SRSG and the juridical implications of his defiance and crossings he is making beyond the contours of his office’s power limitations.

In short, the UN envoy for Somalia Mr. Ahmadou Ould Abdalla is urged strongly to desist from and stop bullying government Ministers and officials and stop interfering with the internal affairs of TFG. The government will regain the requisite capacity one day to defend its dignity and those of the people. And it is now prepared to address its concerns among many issues, including financial accountability of the envoy’s office and to re-examine the non-delivering policies that he has been entertaining with, since he took office. The depiction offered by the former Secretary General of the UN Boutros Boutros Ghali on the real personality behind the mask as an eel fits here, in the Somali context, more than any other place and all what Dr. Ghali has been trying to configure.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Maleeshiyada Shabaab ee ku sugan Beled Xaawo oo xayiray Ardaydii wax ka baran jirtay dalka Kenya

Maleshiyada Shabaab ee ku sugan degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa xayiray wax barashada Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka baranaysay Dugsiyada ku yaala magaalada Mandheera e dalka Kenya.

Maalintii labaad ayaysan Ardayda ku sugan Beled Xaawo wax barsho la’aan yihiin ka dib markii kooxda Shabaab ay meel fagaare ah ka sheegeen in aan loo talabi Karin xadka wadanka Kenya, taas oo ay sheegeen in qofkii ka gudbana ay ciqaab marsiin doonaan.

Horjooge Shabaab ka tirsan ayaa meel fagaare ah ka sheegay in ardaydu aysan u wax barasho doonan Karin gudaha dalka Kenya, taas oo sababtay in boqolaal Arday ah ay ka baaqdaan wax barashada, ardayduna waxay  isugu jiraan heerar kala duwan.

Shabaab waxay sheegeen in ay waxbarashsada loo aadayo dalka Kenya ay khilaafsan tahay Afkartoodana ayna xirayaan ardaygii ka tallaaba xadka labada dal.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Dowladda KMG oo cadaadis kadib ogolaatay in la soo gaba gabeeyo Wada hadalada Ahlu Sunah ee Muqdisho (Warbixin)

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa aqbashay in la soo afjaro wada hadalada ay Muqdisho kula leedahay Culumaa’udiinka Ahlu Sunah Waljamaacay, kadib cadaadisyo ay Beesha Caalamka kala kulantay.

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo oo laga helay ilo wareedyo muhiim Dowladda KMG ayaa lagu eedeeyay in ay mudooyinkii u dambeeyay ka caga jiideysay fulinta heshiiskii Addis Ababa.

Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Ahlu Sunah ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda ay ogolaatay in la soo afjaro wada hadalada Muqdisho, si loo guda galo awood qeybsi ku aadan in Ahlu Sunah tiro Wasiiro ka hesho.

Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid uu ogolaaday in maalmaha soo socda uu bilaabo wada tashi ku aadan sidii uu isugu shaandheyn lahaa Golihiisa Wasiirada, si Ahlu Sunah ay ugu soo biirto.

Wafdiga Ahlu Sunah ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa horay ugu eedeeyay Mas’uuliyiinta Dowladda in ay ka caga jiidayaan mira dhalinta heshiiskii Addis Ababa ee 15-kii Maarso, isla markaana qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta sare ay albaabada ka xirteen.

Gudiyo isku dhaf ah oo shalay lagu magaacabay wada hadaladii Muqdisho ay ku yeesheen labada dhinac ayaa gudigan oo ka kooban saddex qeybood, waxay dhameystiri doonaan heshiiskii Addis Ababa

Posted in DhacdooyinComments (0)

Indha Cadde oo sheegay in qaraxiiy Masaajidka Bakaaraha uu sabab u ahaa khilaaf ku dhex jira Shabaab

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gaashaandhiga Dowladda Soomaaliya Yuusuf Siyaad Indha Cadde ayaa sheegay in qaraxii maalin ka hor ka dhacay Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan Masaajid ku yaala Cabdalla Shideeye uu sabab u ahaa khilaaf u dhaxeeyay Al-Shabaab.

Indha Cadde ayaa ku eedeeyay Shabaab in ay qaraxaas mas’uul ka aheyd, isla markaana ay ragg ka tirsan ay qorsheeyeen sidii qaraxaas ay isugu ugaarsan lahaayeen, isagoo xusay in ay iska cadahay cida qaraxaas ka dambeysay.

“Waa ognahay in wixii ay shacabka ku hayeen in iyaga ku soo laabatay, waxaa la soconaa in qaar ka mid ah madaxdooda in ay is hayaan, oo ay hagar daamo isu maleegeen”ayuu yiri Indha Cadde oo shacabka ugu baaqay in ay ka hortagaan waxa uu ugu yeeray sharwadayaasha.

Mr Indha Cadde ayaa tibaaxay in shacabka ay baabi’inayaan raggaas, waxaana uu meesha ka saaray in Dowladda ay lug ku leedahay qaraxii ka dhacay Masaajidka, balse uu yahay qarax ay isu maleegeen dhexdooda sida uu hadalka u dhigay.

koox ka mid ah shabaab ayaa damacday in ay qaraxaas ay ku dilaan Fu’aad Shangole.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shabaabka oo tuhumo soo dhexgalay

Alshabaab ayaa faah faahin ka bixiyay qarax xalay lala eegtay masaajid ku yaala gudaha Magaalada Kismaayo kaas oo lagu tuhunsan yahay garab ka mid ah garabyada shabaabka u kala jabeen.

Wakiilka maleeshiyada Shabaab ee Gobolada Jubooyinka Sheekh Abuukar Cali Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xalay bam gacmeed lagu weeraray mid ka mid ah masaajidada ALLE ee ku yaala Kismaayo.

Weeraraasi wuxuu ku tilmaamay mid ay fuliyeen dadkii ka danbeeyey qaraxii Sabtidi ka dhacay Masaajidka Cabdalla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha Magaalada Muqdisho aynka ka tirsan yihiin dadkaas isla shabaab.

“Xalay ayaa waxaa bam gacmeed lagu weeraray masaajid ku yaalo xaafada Guulwadaha ee Kismaayo, runti waxa ay aheyd arrin fool xun, hada qasaaraha waa yaryahay waxa jira dhaawacyo oo qura cidna kuma dhiman” ayuu yiri Sheekh Abuukar.

Waxaa uu sheegay in tuhunka weerarkan uu yahay mid lugta la galayo shabaabka oo dhawr farqi u kala jabay
Waa marki ugu horeysay oo masjid ku yaala Kismaayo bam lagu weeraro,waxaana uu weerarkan ahaa mid lala damacsanaa saraakiil ka tirsan Al-Shabaab sida ay sheegayaan dadka deegaanka

Posted in DhacdooyinComments (0)

Dowladda Itoobiya oo sheegtay in ay gacanta ku dhigtay koox hubeeysan oo ka tirsan Shabaab

Wasiirka warfaafinta dowlada Ethiopia Barakaat Simon ayaa sheegay in ciidamada booliska ee dalkaasi ay gacanta ku soo dhigeen 10 nin oo la rumaysanyahay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabab islamarkaana ay doonayeen in falal argagixisnimo ay ka fuliyaan dalka Ethiopia.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in ragan ay hubaysnaayeen islamarkaana ay ka talaabeen qaarkood xuduuda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Ethiopia isagoona ku eedeeyay in ay arintan ka dambaysay dowlada Eretereeya oo uu sheegay in ay ku haminayso in falal argagaxisnimo ay ka fuliso gudaha dalkaasi.

“waxaay gacanta ku dhigeen ciidamadeenu  10 ka tirsan mintidiinta Al shabab waa ay hubaysnaayeen waxana ay qaarkood soo galeen xuduudeena waliba si sharci daro ah waxan ognahay in ay soo dirtay dowlada Ereteriya damaceeduna waxa uu yahay in ay carqaladeyso doorshooyinka guud ee la filaayo 23- ka bishan May in ay ka dhacdo dalka hasa ahaatee taasi waxaa ka hortagay ciidamadeena ayuu yiri wasiirka warfaafinta dalka Ethiopia Barakaad Simon.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Qarax caawa lala beegsaday Masjid ku yaala Magaalada Kismaayo

Qarax xooggan ayaa caawa ka dhacay Masjid ku yaala Gudaha Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Hal qof ayaa ku dhintay inta la ogyahay in  ka badan 10-kalena  way ku dhaawacmeen qaraxaan oo lala beegsaday masjid ku yaala xaafadda Guulwade oo woqooyi galbeed uga taala magaalada Kismaayo.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya nooca qaraxa, dadka  qaar ayaa sheegaya in qaraxu uu ahaa Bam gacmeed lagu tuuray Masjidka, halka ilo kale ay sheegayaan in qaraxu uu ahaa Miino masjidka ka dhex qaraxday.

Maleeshiyada Shabaab ee ku sugan Kismaayo ayaa isku gadaamay Masjidka, ayadoo lala cararay dhaawacyadii qaraxu uu saameeyay.

Qaraxu wuxuu dhacay xilligii salaadda Ceshaha ee caawa, ayadoo dadku ay ku sugnaayeen gudaha iyo banaanka masaajidka.

Waa maalintii Labaad oo qaraxyo lala beegsado Masaajidyada ku yaala koonfurta dalka Soomaaliya, shalay ayay ahayd markii qaraxyo labo ahaa lala beegsaday Masjid ku yaala gudaha suuqa bakaaraha kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 40 ruux sidoo kalena ay ku dhaawacmeen ilaa iyo 70 ruux.

Qaraxan caawa ka dhacay magaalada Kismaayo ilaa iyo hadda lama oga cida lala beegsanayay waxaana la ogsoon yahay in Kismaayo ay gacanta ku haayan maleeshiyada shabaab.

Laakiin dhaqan cusub ee ku soo biiray xaaladaha ka jira soomaaliya ma aha mid dhaqan ahaan dadka soomaaliyed yaqaanan, horey waxaa loola yaabana dilalka ka dhici jiray agagaarada Masaajidyada iyadoo la gaadi jiray dadka Salaadaha cishaha soo tukada iyo maalmaha jimcaha, haatan waxaa soo kordhay qarxinta Masaajidyada, waana dhaqan ka yimid dalalka Bakistaan iyo Ciraaq waxana ka dambeeya kooxaha Al qaacida u adeega.

Posted in DhacdooyinComments (0)

AlShabaab oo ardayda dugsiyada askar ka dhigeysa

Hor-joogayaasha Al-shabaab ee Gobolada Jubbooyinka, ayaa ku dhawaaqay in ay tababar askarinimo ay u furi doonaan dhammaan Ardayda wax ka barata Dugsiyadda magaalada Kismaayo da’ kasta oo ay jiraan.

Hor-joogayaasha Shabaab oo kulamo la qaatay Ardayda iyo Macalimiinta Dugsiyadda Waxbarashadda ee Kismaayo, ayaa ku wargaliyay in qof walba uu isku diyaariyo ka qeyb galka tababarka ciidan, si ay ugu mid noqdaan maleeshiyaadka shabaab haddii ay dhacdo in looga itaal roonaado deegaanada ay heystaan.

Hor-joogayaasha Maleeshiyaadka Shabaab ee booqday Dugsiyada Waxabarashadda ayaa sidoo kale sheegay in ay waajib ku tahay arday walba in uu la dagaalamo maleeshiyaadka Axmed Madoobe, oo weeraro qorsheysan doonaya iney ku soo qaadaan gobolada jubbooyinka.

Al-shabaab ayaa sheegtay in ay Ardayda geyn doonaan goobo gaar ah oo ay Maleeshiyaadka u dagaalama ay ku tababaraan, si ay u soo qaataan tababar ciidanimo.

Qaar ka mid ah Waalidiinta Ardayda ayaa walaac weyn ka muujiyay amarada cusub ee lagu soo rogay caruurtooda Waxabarashadda ku howlan, waxeyna qaarkood sheegeen in ay ka fakarayaan in ay caruurtooda u dirayaan xeryaha qaxootiga ee Kenya si ay uga badbaadiyaan caruurtooda in ay ka mid noqdaan Maleeshiyaadka Shabaabka.

Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa dhawaanahaan ka jiray diyaar garow dagaal oo ay sameynayaan maleeshiyaadka Shabaab, iyadoo ay soo kordhayaan wararka sheegay in dadka deegaanada Jubbooyinka ay billaabeen in ay taageero u fidiyaan Sh. Axmed Madoobe oo dagaal kula jira Al-shabaab

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shabaab iyo Ictisaam oo isaga shakiyey qaraxi shalay ka dhacay Masjidka Cabdalla Shideeye

Waxaa baryahan jiray dagaal dhinaca afka ah oo u dhaxeeyey kooxda Al-Shabaab iyo kooxda Ictisaam oo iyaduna ah firqo ku abtirsato ururkii Al-Itixaad ee dalka Soomaaliya ee burburay.

Dagaalkan ayaa salka ku hayey kala duwanaasho dhinaca fakirka ah oo soo kala dhexgalay labadan ururu oo kasoo wada jeeda faraxa Al-Itixaad taasoo sababtay in ay warbaahinta iyo masaajidada iska weeraraan dagaal dhinaca afka ah.

Asbuucii hore Culumo badan oo ka tirsan dariiqada Ictisaamka ayaa shir ku qaatay Magaalada Garoowe ee maamul goboleedka Puntland waxaa ay kasoo saareen qodobo aysan jecleysa Shabaab oo ah in uusan dalka ka jirin jihaad.

Waxaa kale oo ay Ictisaam diideen in qof muslim ah laga saaro diinta lana baneysto dhiigiisa hantidiisa iyo sharafkiisa.

Isla asbuucaasi waxaa jawaab ka bixiyey Fu,ad Shongole oo hadal uu ku naqdinayo Culu,mada Ictisaam ka sheegay masjidka Cabdalla Shideeye ee shalay la qarxiyyey.

Fu,ad wuxuu ku tilmaamay Ictisaam koox towxiidka uun ka xalaal ah oo mu,rajiin ah,isaga oo uga digay shacabka in aysan qaldin.

Khilaafkaasi u dhaxeyey labadan urur oo in mudo ah wado ku wada socday ayaa hada u muuqdo in uu wado cusub furay oo ah in masaajidada Soomaaliya ay ka bilowdaan qaraxyo.

Warar hoose ayaa sheegaya in ay dhici karto qaraxyadi shalay ka dhacay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan masaajidka Cabdala Shideeye in arrintaaasi ay lug ku leedahay.

Ictisaam ayaa isu arka koox awooda in ay dadka farto xaqa sidaasi daraadeed ay shabaab u sheegaan wixi sax ah iyo wixi qaldan, waxaa culumada ku abtirsata ay dalka kaga noolyihiin Somaliland, Puntland iyo Muqdisho.

Shabaab ayaa aaminsan iyaguna in kooxdan ay ku socoto wado qaldan isla markaana ay u adeegayaan dadka cadawga ku ah Al-Shabaab.

Xubno ka tirsan Ictisaamka ayaa ka mid ah kooxda shabaab iyo Xisbul Islaam, tusaale Sh Xasan Dahir Aweys oo ka mid ahaa Al Itaxaadkii burburay waxaa uu madax u yahay kooxda Xisbul Islaam.

Sh Xasan Turki, Ibraahim Afqaan ayaa ka mid ahaa kooxdii Itaxaad balse hadda waxay ka mid yihiin kooxda shabaab, sidaas darteed waxaa hubaal ah oo marna shaki geli doonin in shabaabka dhexdiisa isku ugaarsaday Masaajidyada.

Ujeedada laga lagaa qaraxan waxay ahayd in Fu’aad Shangole oo maalmahan fag fagtiisa badatay lagu khaarajiyo, balse wuu fakaday wuxuuse qabyaa dhaawac daran.

Falkan lagu qarxiyay Masaajid kumanaan dad ah ku tukanayeen waa raad ka mid ah raadadka Al qaacida ka wada dalalka Bakistaan iyo Ciraaq, haatan waxaa loo soo raray dalka Soomaaliya.

 

Posted in DhacdooyinComments (1)

Garabka Fu’aad Shangole oo ku hanjabay in ay laayi doonaan dadka rayidka ah

Maleeshiyada shabaab ayaa mar kale ku hanjabtay in ay laayi doonaan dadka rayidka ah iyagoo u aargudaya dagaal oogahooda Fu’aad Shangole iyo tiro kale oo shabaab ah oo shalay ku dhinteen qaraxyadii ka dhacay Masjid ku yaala gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada muqdisho.

Wakiilka maleeshiyada Alshabaab ee Gobolka Banaadir Cali Maxaa Xuseen ayaa ku hanjabay in ay aar-gudan doonaan waqtiyada soo socda, qaraxii shalay uu kaga dhaawacmay Fu’aad Shongole oo ahaa Sarkaal sare.

Qaraxyadaas ayaa waxaa soo abaabulay garabka Axmed Cabdi Godane, waana qorsha lala damacsanaa in lagu dilo Fu’aad iyo xubno kale marka waxaa is weydiin mudan ma waxay qarxin doonaan garabka Godane mise waxay dili doonaan shacab soomaaliyed oo wax raad ah ku lahayn qaraxyadaas.

Shabaabka ayaa qorshahan waxay ka keenan dalalka Bakistan iyo Ciraaq, waana Barnaamij dunida Islaamka ku soo biirisay kooxda Al qaacida ee uu hoggaamiyo Bin Laden.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Soomaalida ku dhaqan Indonesia oo jawaab kulul kabixiyay been abuur laga qoray Safiirka Soomaaliya ujooga dalkaas.

Bulshada Soomaaliyeed eek u dhaqan waddanka Indonesia waxay iyagoo isku duuban cambaareynayaan been abuurkii & dacaayaddii dhawaan laga qoray Soomaalida Indonesia & Danjiraha soomaaliya u fadhiya dalkaasi, iyadoo ay layaab iyo amakaag ku noqotay in ay jiraan shaqsiyaad sheeganaya saxafinimo haddana faafinayaa been abuur iyo xumaan intaas la eg. Dhanka kale waxay shacbiga Soomaaliyeed ugu baaqeen in ay iska qabtaan wax magaradka xumaanta iyo been abuurka ka faafiya masuuliyiintooda isla markaana lala tiigsado sharciga.

Sida dhawaan lagu daabacay mid ka mid ah website-yada soomaalida (waagacusub.com) oo loo yaqaan burcadda saxaafadda ( Media Mafia) dadka qaarna ay ku tilmaamaan dawarsatada saxaafadda ( Media Beggars) ayaa waxaa lagu sheegay in safiirka Soomaaliya u fadhiya Indonesia uu dhibaato ku hayo Soomaalida kunool dalkaasi , in uu ka tijaaray baad uu soomaalida Indonesia kunool kaqaato iyo been abuur kale oo fara badan oo aan kasoo fuli Karin afka shaqsi leh dareen Soomaalinimo kaasoo lagu waxyeeleynayo sumcadda iyo karamka Safiirka iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhqan dalkaasi, iyadoo Soomaaalida reer Indonesia ay warkaasi ku tilmaameen wax laga yax yaxo marna lagu qoslo kana tarjumaya inta uu la egyahay IQ-ga iyo garaadka dhaqsiyaadka wararka noocaas ah qora isla markaana aan u qalmin in laga jawaabo hadalkooda.

Danjiraha Soomaaliya ufadhiya Indonesia, Ambassador Mohamud Olow Barrow wuxuu mudanyahay amaan , bogaadin iyo in lagu abaal mariyo billad halyey qaran mana mudna in la aflagaadeeyo hayeeshee waxaa jira dad maan gaaban oo aan sidaas u garan Karin.

Waxqabadka la taaban karo oo uu Ambassador-ka soo kordhiyay waxaa ka mid ah:

  1. wuxuu geed dheer iyo mid gaaban u fuulay Sidii Safaarad Soomaaliyeed looga furi lahaa waddanka Indonesia oo aan abid horay looga furin isla markaana calanka blue-ga ah looga taagi lahaa taasoo uu ugu dambeystii ku guuleystay.
  2. Wuxuu dowladda Indonesia oo ah dowlad ad muhim u ah arrimaha Soomaaliya isla markaana aan laga maarmi Karin ku qanciyay in ay aqoonsato Dowladda Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya.
  3. Wuxuu ku dadaalay wanaajinta xiriirka diplomasiyadeed iyo dhaqaale ee labada dal.
  4. Wuxuu kor u qaaday magaca iyo sumcadda ay Soomaaliya ku leedahay waddamo badan oo dhaca bariga Asia oo ay ugu horeyso Indonesia.
  5. Wuxuu ku dadaalaa in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u socdaaleysa Indonesia loo fududeeyo visaha dal ku gal ka.
  6. Dadaal dheer uu danjiruhu sameeyay kaddib, dowladda Indonesia waxay minxo siisay tiro arday soomaaliyeed ah isla markaana la rajeynayo in tiro intaasi ka badan ay minxo ka heli doonaan dowladda Indonesia.
  7. Iyo wax qabad kale oo fara badan oo aan halkaan lagu soo koobi Karin.

 

Ugu dambeyntii, bulshada soomaaliyeed eek u dhaqan Indonesia waxay cambaareynayaan warkii dhawaan lagu daabacay bogga aan kor kusoo xusnay kaasoo ahaa been abuur iyo dacaayad raqiis ah oo ladoonayo in lagu waxyeeleeyo sumcadda iyo guusha weyn ee uu safiirka usoo hooyay Umadda Soomaaliyeed, dhanka kale, bulshada soomaaliyeed ee Indonesia kunool waxay saxaafadda soomaalida ee nadiifka ah ugu baaqayaan in ay fiiro gaar ah u yeeshaan dimbiilayaasha usoo tafa xeytay in ay wasaqeeyaan isla markaana dhiiqo ku ridaan shaarka cad ee saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Muhammad Mahmud Makaran

Jakarta, Indonesia

Posted in DhacdooyinComments (1)

Shabaabka oo nin ay soo gowraceen soo dhigay Isgoyska Bakaaraha

Maydka wiil dhallinyaro ah ayaa subaxnimadii saakay la soo dhigay Isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Wiilkaan oo indhaha laga duubay ka hor intii aan la toogan ayaa waxaa rasaas badan looga dhuftay madaxa, waxaana wararku sheegayaan in aan wali la garan oo uu goobtaasi yaalo.

Maleeshiyada SHabaab ayaa ku sugan goobta maydku yaalo, ayagoo kaxeystay Haweeneey muujisay sida ay uga xun tahay dilka loo geystay wiilkaan dhallinyarada ah.

“ Shabaabku waxay xireen Islaan ku dhawaaqday “si xun ayay u dileen wiilkaan”, waxay kaxeysteen mana la garanayo halka ay geeyeen, haddana goobta SHabaab ayaa ku sugan” ayuu sheegay mid ka mid ah dadka deganka.

Shabaab ayaa marar badan sameyay falal noocaan oo kale ah, dhawaan ayayna soo dhigeen nin markii dambe la xaqiijiyay in madaxa looga jiray oo ay Shabaabku gowraceen

Dilkan ayaa la aaminsan yahay in kooxda shabaab ka dambeysa oo ay fuliyeen habeenkii xalay ahaa.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Yaa ka dabmeeyay Qarixii Masjidka Cabdalla Shideeye ?

Wuxuu ahaa qarixii ugu horreeyay ee ka dhaca gudaha masjid ku yaalla dalka Somalia  taariikhda inta la xusuusan yahay, waxa ayna dad badani rumeysan yihiin in uu bilow u yahay qaraxyo kooxaha afkaarta khaldan wadataahi damacsan yihiin in ay ku cirib tiraan shacabka Sooaaliyeed.

Si aad ah ayay shacabka Soomaaliyeed u dhaleeceeyeen qaraxyadan lala beegsaday goobta cibaado, waxa ayse ahaayeen kuwo la filayay, Laakiin arrinta Shacabka Soomaaliyeed is weydiinayaani waxay tahay.

Yaa Fuliyay Qarixii Masjidka Cabdalla Shideeye ?  Maxayse tahay ujeeddada ka dambeysa?

Ma dhabbaa in shirkado Shisheeye ka dambeeyaan?, sida uu ku dooday hor jooge ka tirsan Alshabaab?

Inta aynaan ka jawaabin cidda weerarka fulisay, waxaa faahfaahin u baahan qaabka qaraxyadu u dheceen iyo goobta ay ka dheceen?

Maalintii Jimcaha ayay ahayd markii kooxda Alshabaab ku dhawaaqday in ay tababarro u soo xirtay 200 oo ka mid ah maleeshiyaadkeeda oo ay ku soo tababartay waxa ay ugu yeertay Jihaadka, kuwaas oo loo diyaariyay in ay ka qeyb qaataan dagaallada ka socda Somalia.

Horjoogayaal ka tirsan maleeshiyaadka Shabaab, ayaa maanta masjidka Cabdalla Shideeye ku soo ururiyay maleeshiyaadkii tababarka loo soo xiray, si loo siiyo casharro loogu magac daray “Koorso Sharci ah” oo lagu barayay afkaarta gaaleysiinta iyo qaababka xukunnada loogu rido dadka ka horjeeda afkaarta Shabaabka.

In ka badan 200 oo maleeshiyaad ah iyo horjoogayaal badan oo Shabaab ah, ayaa galinkii hore ee Sabtida isugu yimid masjidka Cabdalla Shiddeeye, iyagoo xirtay qeyb dhan oo ka mid ah masjidka.

Horjoogayaal ay ka mid yihiin Fu’aad Maxamed Khalaf, Macallin Khaalid iyo Abu Ayman ayaa Maleeshiyaadkaasi kula hadlayay masjidka, si ay uga dhaadhiciyaan afkaarta Shabaabka ee gaaleysiinta iyo qoor goynta ku dhisan.

Ujeeddada koorsada loogu qabtay masjidka ayaa ahayd in dhallin yarada la marin habaabiyay loogu soo bandhigo afkaarta khaldan ee lagu shubay, in dhallinyarada kale ee soomaaliyeed lagu soo dumo looguna dhiirri galiyo in ay Shabaabka ku soo biiraan iyo in masjidka loo isticmaalo suuq geynta Afkaarta Shabaabka loona isticmaalo MInbar lagu xayeysiiyo argtiyaha Khaldan ee Shabaabka.

Horjoogayaal badan oo dhinaca Ciidanka,Qaraxyada iyo Dicaayadda ah ayaa la isugu keenay masjidka si ay halkaas ugu sameeyaan wax muuqda dhoollo tus dhan walba ah, oo lagu dagayo dhallin yarada iyo dadka masjidka ku cibaadeysta.

Horjoogayaasha Shabaabka ee masjidka joogay waxaa ka mid ahaa Fu’aad Maxmed Khalaf oo ka mid ah horjoogayaasha Shabaabka una qaabilsan waxa ay u yaqaannaan Dacwada , kaas oo had iyo jeer dadka kooxdiisa ka aragtida duwan ugu yeera “Gaalo ama Murtadiin”

Khalaf oo loo yaqaan “Shongole” ayaa la sheegay in uu hadlayay marka qaraxyadu dheceen, waxaana la tilmaaamay in uu qabo dhaawac xoog leh . goobjooge ayaa sheegay in uu arkayay Fu’aad Shongole oo garab ka dhaawacan oo ay gaari saarayaan maleeshiyaadka Shabaabka isagoo dhiig baxaya.

Qaraxyadan waxaa kaloo ku dhaawacmay horjooge ka tirsan Shabaabka oo lagu magacaabo C/Baasid oo loo yaqaanno Macallin Khaalid, halka uu ku geeryooday horjooge kale oo lagu magacaabi jiray Abu Ayman. Oo Ahaa ninka ugu sarreeyay maleeshiyaadkii Tabaraka Loo soo dhameeyay.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in ugu yaraantii 30 ka mid ah horjoogayaasha hoose iyo maleeshiyaadkii la soo tababaray ay gudaha masjidka ku qurbexeen, kuwaas oo meydadkooda gawaari lagu daabulay.

In kastoo khasaaro  dhimasho iyo dhaawac oo laxaad lahi soo gaaray dadkii masjidka u yimid in ay cibaadeystaan, haddana waxaa  khasaaraha ugu badani gaaray maleeshiyaadka Shabaabka oo ay u ahayd maalin madow.

Haddii aan u soo deganno Yaa fuliyay Qaraxyadan?

Ma jirto cid ilaa hadda si cad u sheegi karta kooxda ka dambeysay weerarkan,mana jirto cid sheegatay mas’uuliyaddiisa. Waxaa jira dad qaba in qaraxani uu salka ku hayo khilaafkii shabaabka ka dhex jiray kooxda oo u kala jabtay labo garab oo horayna isu qarxiyay dhowr jeer.

Laakiin dadka aadka ugu dhuun daloola arrimaha Shabaabka ayaa rumeysan in falka maanta dhacay ay suurto gal tahay in ay ka dambeyso kooxda kale ee isku magacowday Xisbul Islaam,oo horay shabaabku ugu geysteen dhibaatooyin xooggan, ka dib markii ay ka dileen hoggaamiyayaal muuqday sida Daalibaan iyo Barre Cali Barre, iyagoo sidoo kalena kala wareegay magaalooyin badan oo ku yaalla koofuta Somalia sida Magaalada dekadda leh ee kismayo.

Toddobaadkii tagay ayay ahayd markii meel aan ka fogeyn masjidka Abii Hureyra ee Suuqa Bakaaraha miino loogu aasay horjoogaha Xisbiga Xasan Daahir Aweys , xilli uu hadal ka jeediyay masjidkaasi.

Qaraxaasi miino waxaa ku dhintay ugu yaraan 2 qof waxaana ku dhaawacmay ilaa 9 qof oo ay ku jiraan rag ka tirsan Xisbul Islaam.

Kooxda Xisbul Islaam ayaa horay wacad ugu maray in ay u aar gudi doonaan hogaamiyeyaashoodii Shabaabk Khaarijiyeen.sidaas darteed ayaa loo badinayaa in ay iyagu soo maleegeen qaraxyadan, ay shabaabka u tusiyaan in iyaga kaligood aysan wax qarxin dadkana xasuuqin.

Su’aal kale oo is weydiin mudane waxay tahay.

 Ma dhabbaa in Shirkado shisheeye ka dambeeyeen qaraxyadan masjidka lala eegtay?

Afhayeenka Alshabaab Cali Maxamed Raage, ayaa qaraxyada ka dib ku cataabay isagoo aad u naxsan in shirkado shisheeye ahi ka dambeeyeen qaraxyadaasi.

Hadda ka hor ayuu Cali dheere ku dooday in shirkado ajnabi ah oo ku sugan madaxtooyadu ay qorsheynayaan qaraxyo ka dhan ah shacabka soomaalliyeed, laakiin dowladda Somalia ayaa warbaahinta u ku soo wareejisay madaxtooyda, waxayna si cad u qeexday in aysan jirin wax shirkado shisheeye ah  oo ku sugan Villa Somalia.

Haddaba waxaa is weydiintu tahay. Shirkadaha Shisheeye ee Cali Dheere ka hadlayaa ma waxa ay u guureen Bakaaraha, mise shisheeyaha uu ka hadlayaa waa kuwa ka barbar dagaallama  kooxaha nabadda diiddan ee Shabaabku ugu horreeyo.

Waxa kaliya ee la hubo Shabaabkuna ku faanaan waa in ay iyaga ka barbar dagaallamaan calooshood u shaqeystayaal Shisheeye.

Waxaa kaloo la hubaa in Shisheeyahaasi ay horay dalka soomaaliya uga fuliyeen weerarro gumaad ah oo soomaali badani ku go’een.

Waxaa marag ma doonta ah in qaraxyadii ka dhacay Masaajidyo, Jaamacado iyo Iskuullo ku yaalla dalal badan Sida Ciraaq, Pakistan iyo Afghanistan ay ku faantay kooxda Alqaacidda ee Shabaabku ay ku abtirsadaan.

Marka laga shidaal qaato Taariikhda dhiig daadinta ku dhisan iyo qarxinta goobaha cibaadada iyo rayidka ee kooxahani ku caanbexeen, waxaan shaki naga galeyn in falkani yahay ku dayasho gurracan oo la soo min guuriyay, lana doonayo in lagu mariyo shacabka Soomaaliyeed ee colaadda ka daalay.

Waxaa La sugaya waa Jawaabta Shcabka Soomaliyeed in ay ka bixiyaan Haddii qaraxyadii masaajidda loo so xawilay. Halka Horey Qofkii ka soo baxa lagu sugi jiray Banaanka Masjidka Si loo khaarijiyo.

Shacabkii ku dhintay Allaha U naxariisto, Eheladoodina Sabar Allaha K asiyo AAMIIN

Nuuradiin Macalin Mukhtaar (Diinow)

Posted in DhacdooyinComments (0)

Sawirada dadkii ku dhintay Labadii Qarax ee lala beegsaday Masjidka suuqa Bakaaraha

Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay Labo qarax oo lala beegsaday Masjid ku yaala gudaha Suuqa bakaaraha ee magaalada muqdisho.

Qaraxyo waaweyn ayaa ka dhacay Masjidka C/lla-Shideeye ee suuqa Bakaaraha xilli lagu gudi jiray Salaadii Duhur ee maanta, iyadoo la aaminsan yahay in qaraxyadan oo muddo 2 daqiiqo kala dambeeyan ay soo abaabuleen maleeshiyada shabaab.

In ka badan 34 qof ayaa ku geeriyootay ku dhawaad 70 kalana wey ku dhaawacmeen 2 qarax oo maanta xilliga salaadii duhur ka hor lagu qarxiyay masjid ku yaala suuqa weyn ee Bakaaraha qeybtiisa Cabdalla Shideeyaha ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegay in Fu’aad Shongolle uu dhaawac halis ah ah ka soo gaaray qaraxaasi.

Qaraxyadan ayaa waxaa ka dambeeyay garabka Axmed Cabdi Godane oo muran kala dhaxeeya xubnaha kale ee Shabaab.

Waa markii ugu horeysay oo taariikhda sida la ogyahay qarax lala beegsado Masaajidyada ku yaala soomaaliya,waana dhaqan laga soo manguuriyay dalalka Bakistaan iyo Ciraaq.

Ujeedada laga leeyahay in la bartimaameedsado Masaajidyada ayaa ah in colaad laga dhex abuuro isla markaana dadka loo xumeeyo cibaadada alle waxaana mashruucan fulinaya kooxda shabaab.

Posted in DhacdooyinComments (2)

Wararkii ugu dambeeyay qarax Shabaabka ka dambeeyan oo ka dhacay Gudaha Masjid ku yaala Suuqa Bakaaraha

Ilaa iyo hadda wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ku dhawaad 20 qof ay ku dhinteen tiro lagu sheegay 56 ruuxna ay ku dhaawacmeen qarax miino lagu xiray Masjid ku yaala Suuqa Bakaaraha halkaas oo ay salaadii Duhur ay ku tukanayeen dad lagu qiyaasay boqolaal oo u badan dadka ku ganacsada Suuqa bakaaraha.

Goobaha Caafimaad ee Magaalada ayaa laga soo sheegaya in weli ay ku sii qulqulayaan gaadiidka dhaawacyada xambaara.

Inta badan dadka ayaa ku dhintay ama ku dhaawacmay rasaas ay fureen maleeshiyada shabaab sida uu sheegayo mid ka mid ah dadka Masaajidkaas ku tukanayay.

Wararka ayaa sheegaya in dadkii Masaajidkaas ku tukanayay uu ka mid ahaa Fu’aad Shangole balse inuu baxsaday ayaa la soo sheegaya laakiin lama hubo.

Qaraxan ayaa waxaa dhigay garabka Axmed Cabdi Godane oo maalmahan khilaaf kala dhaxeeyay xubno Abuu Mansuur ka mid yahay.

 

Posted in DhacdooyinComments (0)

Qarax dad badani ay ku dhinteen oo ka dhacay Gudaha Masjid ku yaala Suuqa bakaaraha

Wararka naga soo gaaraya suuqa Bakaaraha ee Magaalada muqdisho qarax dad badani ay ku dhinteen ayaa ka dhacay Masjid oo ku yaala gudaha suuqa Bakaaraha halkaasi oo dad farabadan ay ku tuganayeen Salaadii Duhurka.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu dhacay kadib markii laga baxay salaada Duhur waxaana halka uu qaraxu ka dhacay ka dhashay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac farabadan wallow aan la heyn tirtada rasmiga ah ee halkaasi ku waxyeelowday.

Masjidka uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa uu ku yaala Bartamaha qeybta loo yaqaan Cabdalla Shideeye halkaasi oo ka mid ah goobaha sida weyn dadku ay u dhoobanyihiin.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda shabaab ay ku xirtay Masjidka miinooyin iyagoo go’aansaday in ay laayan dadka masaajidka ku tukanaya, ujeedada laga leeyahayna ay tahay in dadka iyo Masaajidyada nacayb laga dhex abuuro.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shabaabka oo duulaan ku ah degaanka Dhuusmareeb

Waxaa saacadihii ugu dambeeyay waddada dheer ee isku xirta degmooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelbuur laga dareemayay dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo aad u xooggan oo ay samaynayaan ciidamada Culimaa’udiinka Ahlu sunna Wal-jameeca iyo maleeshiyaadka shabaab kuwaasoo ku hardamaya gacan ku haynta gobolka Galgaduud.

Dhaqdhaqaaqyadan ciidan waxa ay xooggooda billowdeen shalay gelinkii dambe ilaa xalay iyadoo ciidamo ka kala socda labada dhinac ay isku diyaarinayaan dagaal ay galaan, waxaana maleeshiyada Al-shabaab ay dhinacooda dhaq-dhaqaaq ka wadaan waddada ka timaadda Ceelbuur ee tagta Degmada Dhuusamareb, halka ciidamada ahlu sunna ay iyaguna doonayaan inay iska caabiyaan dhinaca ka soo horjeeda

Dad la socday gawaari xamuul oo isaga kala gooshayay gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen inay Al-shabaab oo ku hubaysan gaadiid dagaal ay saacadihii ugu dambeeyay dhaq-dhaqaaq ka wadeen waddadaasi, taasoo keentay in dhinaca kale ee culimada Ahlu Suna Wal-jameeca ay dhankooda ka bilaabaan dhaqdhaqaaq ciidan.

Waxaa xalay rasaas xooggan oo ka dhacda qoryaha zuugga laga maqlayay nawaaxiga degmada Dhuusamareeb kaasoo u muuqday inuu ahaa mid la tijaabinayay, waxa ayna taasi keentay in qoysaska ku dhaqan degmada Dhuusamareeb ay ka barakacaan guryahooda iyagoo saakay la arkayo gawaarida minibusyada oo ay kireysanayaan qoysaska kuna daad gureysanayaan ilmahooda iyo alaabo wixii ay qaadi karaan

Posted in DhacdooyinComments (0)

Dalxa oo sheegay in Xildhibaanada khilaafka wada ay damacsan yihiin burbur iyo fowdo

Guddoomiye ku xigeena 1aad ee baarlamaanka Federalka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar dhalxa ayaa waxa uu ka hadlay khilaafka muddooyinkii ugu dambeeyay ka dhex aloosnaa mudanayaasha baarlamaanka ee ku saabsan in uu waqtiga ka dhamaaday guddoonka baarlamaanka oo uu isagu ka mid yahay.

Prof. Dhalxa wuxuu sheeegay in khilaafkaasi gebi ahaantiisa la soo afjaray, arrintaasina ay si wada jir ah hadal murtiyeed uga soo saareen madaxda ugu sarreysa dawladda federalka Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray in xildhibaanada weli ku doodaya arrintaasi ay ujeedooyin kale damacsan yihiin ayna doonayaan burbur ku timaadda dawladda federalka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka federalka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dhalxa wuxuu sheegay in jiritaanka guddoonka baarlamaanka uu sharci yahay, xildhibaanada ka soo horjeedana wuxuu ugu baaqay inay iska dhaafaan kulamada ay hoteellada ku qabanayaan oo waxa ay hayaan soo hordhigaan kalfadhiga baarlamaanka.

Dhalxa ayaa waxa uu ugu baaqay saraakiisha iyo ciidamada dawladda federalka inay joojiyaan iska hor imaadyada dhex mara dhexdooda, isagoo tusaale u soo qaatay dagaal muddo labo maalmood ah degmada Dharkeynley ku dhex maray ciidamo kala taabacsan Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow iyo Guddoomiye ku xigeenka degmada Dharkeynley Yuusuf Kabaale

Posted in DhacdooyinComments (0)

advert

Waaxyaha

fiirin bog

Pictures

PHVsPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZHNfcm90YXRlPC9zdHJvbmc+IC0gdHJ1ZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX2ltYWdlXzE8L3N0cm9uZz4gLSAgaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3VwbG9hZHMvMjAwOS8xMC9zb21hbGktcGlyYXRlczIuanBnPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfaW1hZ2VfMjwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMTAvZmFyb2xlMi5qcGc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF9pbWFnZV8zPC9zdHJvbmc+IC0gIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMTAvc2hhYmFiZGFsa2EyNDEuanBnPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfaW1hZ2VfNDwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMTAvYW1pcl9hcnRzMTIuanBnPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfbXB1X2Fkc2Vuc2U8L3N0cm9uZz4gLSA8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF9tcHVfZGlzYWJsZTwvc3Ryb25nPiAtIGZhbHNlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfbXB1X2ltYWdlPC9zdHJvbmc+IC0gIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMTAvMDUveGFuYWZpMTMtMTUweDE1MC5qcGc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF9tcHVfdXJsPC9zdHJvbmc+IC0gIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vaW5kZXgucGhwLzIwMTAvMDUvYWxsYWhhLXUtbmF4YXJpaXN0by1zaC1udXItbWF4ZWQtYWJrZXktb28tcmFkaW8tbXVxZGlzaG8ta2EtdGlyc2FuYWEtYXlhYS1jYWF3YS1rb294ZGEtc2hhYmFhYi1rdS1kaWxlZW4tc3V1cWEtYmFrYWFyYWhhLzwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3RvcF9hZHNlbnNlPC9zdHJvbmc+IC0gPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfdG9wX2Rpc2FibGU8L3N0cm9uZz4gLSBmYWxzZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3RvcF9pbWFnZTwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMDkvYWQuZ2lmPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfdG9wX3VybDwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cud29vdGhlbWVzLmNvbTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3VybF8xPC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy53b290aGVtZXMuY29tPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfdXJsXzI8L3N0cm9uZz4gLSAgaHR0cDovL3d3dy5hbGxwdW50bGFuZC5jb20vYXJ0aWNsZS9hbm12aWV3ZXIuYXNwP2E9NjI0MSZ6PTI8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF91cmxfMzwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vaW5kZXgucGhwLzIwMDkvMTAvc2hhYmFhYi1vby1hYWQtdWdhLXFhcnNhbmF5YS1zaXJ0b29kYS14aXNidWwtaXNsYWFtLzwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3VybF80PC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy5hbWluYXJ0cy5jb208L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hbHRfc3R5bGVzaGVldDwvc3Ryb25nPiAtIGdyZWVuLmNzczwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2F1dGhvcjwvc3Ryb25nPiAtIGZhbHNlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYXV0b19pbWc8L3N0cm9uZz4gLSB0cnVlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fY3VzdG9tX2Nzczwvc3Ryb25nPiAtIDwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2N1c3RvbV9mYXZpY29uPC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3dvb191cGxvYWRzLzMtZmF2aWNvbi5pY288L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19mZWF0dXJlZF9jYXRlZ29yeTwvc3Ryb25nPiAtIFdhcmFya2Ega29vd2FhZDwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2ZlYXRfZW50cmllczwvc3Ryb25nPiAtIDE5PC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fZmVlZGJ1cm5lcl9pZDwvc3Ryb25nPiAtIDwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2ZlZWRidXJuZXJfdXJsPC9zdHJvbmc+IC0gPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fZ29vZ2xlX2FuYWx5dGljczwvc3Ryb25nPiAtIDxzY3JpcHQgdHlwZT1cInRleHQvamF2YXNjcmlwdFwiPg0KdmFyIGdhSnNIb3N0ID0gKChcImh0dHBzOlwiID09IGRvY3VtZW50LmxvY2F0aW9uLnByb3RvY29sKSA/IFwiaHR0cHM6Ly9zc2wuXCIgOiBcImh0dHA6Ly93d3cuXCIpOw0KZG9jdW1lbnQud3JpdGUodW5lc2NhcGUoXCIlM0NzY3JpcHQgc3JjPVwnXCIgKyBnYUpzSG9zdCArIFwiZ29vZ2xlLWFuYWx5dGljcy5jb20vZ2EuanNcJyB0eXBlPVwndGV4dC9qYXZhc2NyaXB0XCclM0UlM0Mvc2NyaXB0JTNFXCIpKTsNCjwvc2NyaXB0Pg0KPHNjcmlwdCB0eXBlPVwidGV4dC9qYXZhc2NyaXB0XCI+DQp0cnkgew0KdmFyIHBhZ2VUcmFja2VyID0gX2dhdC5fZ2V0VHJhY2tlcihcIlVBLTc1Nzc0Ny0xOFwiKTsNCnBhZ2VUcmFja2VyLl90cmFja1BhZ2V2aWV3KCk7DQp9IGNhdGNoKGVycikge308L3NjcmlwdD48L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19ob21lPC9zdHJvbmc+IC0gdHJ1ZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2hvbWVfdGh1bWJfaGVpZ2h0PC9zdHJvbmc+IC0gNTc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19ob21lX3RodW1iX3dpZHRoPC9zdHJvbmc+IC0gMTAwPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29faW1hZ2Vfc2luZ2xlPC9zdHJvbmc+IC0gZmFsc2U8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19sb2dvPC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3dvb191cGxvYWRzLzQtZGFsa2FfbG9nby5wbmc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19tYW51YWw8L3N0cm9uZz4gLSBodHRwOi8vd3d3Lndvb3RoZW1lcy5jb20vc3VwcG9ydC90aGVtZS1kb2N1bWVudGF0aW9uL2dhemV0dGUtZWRpdGlvbi88L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19yZXNpemU8L3N0cm9uZz4gLSB0cnVlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fc2hvcnRuYW1lPC9zdHJvbmc+IC0gd29vPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fc2hvd19jYXJvdXNlbDwvc3Ryb25nPiAtIHRydWU8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19zaG93X3ZpZGVvPC9zdHJvbmc+IC0gdHJ1ZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX3NpbmdsZV9oZWlnaHQ8L3N0cm9uZz4gLSAxODA8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19zaW5nbGVfd2lkdGg8L3N0cm9uZz4gLSAyNTA8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb190YWJzPC9zdHJvbmc+IC0gZmFsc2U8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb190aGVtZW5hbWU8L3N0cm9uZz4gLSBHYXpldHRlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fdXBsb2Fkczwvc3Ryb25nPiAtIGE6Mjp7aTowO3M6NjI6Imh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC93b29fdXBsb2Fkcy80LWRhbGthX2xvZ28ucG5nIjtpOjE7czo1OToiaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3dvb191cGxvYWRzLzMtZmF2aWNvbi5pY28iO308L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb192aWRlb19jYXRlZ29yeTwvc3Ryb25nPiAtIFZpZGVvPC9saT48L3VsPg==