Meydka wiil dhalinyaro ah oo aan la aqoonsan ayaa saaka waabarigii lagu arkay inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha, halkaasoo ay ku sugan yihiin Ciidamada Ahlu Sunah iyo maleeshiyada Shabaabka.
Sida ay soo sheegeen dadka deegaanka Meydkan wiilka dhalinyarada ayaa da’diisa lagu qiyaasay 18-20 jir, waxaana jirkiisa ka muuqday rasaas kaga taalay qeybaha hore ee jirkiisa.
Dadkii saaka u kalahay Suuqa Bakaaraha ayaa inoo sheegay in Meydkan uu yaalay nawaaxiga Baar Raaxo oo fariisin ku leeyihiin Ciidamada Ahlu Sunah, waxaana si dhab loo ogeyn cida dishay.
Wadada isku xirta Isgoyska Dabka iyo Isgoyska Bakaaraha ayaa todobaadyadii u dambeysay gashay xaalad ciidan, kadib markii ay fariisimo isu muuqda ka kala sameysteen Ahlu Sunah iyo Shabaab.
Todobaadyadii la soo dhaafay ayay aheyd markii Meydad kala duwan lagu arkay agagaarka isgoyska Bakaaraha, kuwaasoo qaarkood ahaa kuwa madaxa laga gooyay, hase yeeshe raadka kooxda dhibka geysatay ayaa waxaa uu ahaa shabaab.







walaalayaal ahlusuna ma ahan raga isu magacaaway ahlu sunaa nahay
ee wa ahlu cambuulo waa kuwii umada caqiidadoodii fasaadiyey
waa rag nabigeena ku dhaha wuxuusan sameynin waa sameeyay
waa rag ilaahay ushariig yeela qubuurtay caabudaa
ان الله لا يغفر ان يشرك به
waa sidaa ragaa ilaahay madhaafaayo ilaahay intay caabudi lahaayeen
qubuurtay kaxirtaan shardi shardiguna waa cibaado ilaahay gaar uleeyahay