Dablayda Xisbul Islaam ayaa ku amartay dadka barakacayaasha ah ee degan xarumihii Dowlada ee magaalada Afgooye in ay mudo Todobaad ah uga Guuraan.
Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyada Xisbul Islaam ayaa ku amray dad barakacaal ah oo deganaa Xarumihii Dowlada ee degmada Afgooye, gaar ahaan qoysaska ku nool Gurigii Martida, kuleejadii Gabdhaha agoonta, dugsigii Kuweyt iyo Dugsiga dhagaxtuur, waxeeyna u qabteen dadkaasi in ay mudo Todobaad ah uga guuraan halkaasi hadii kale ay la kulmi doonaan ciqaab adag.
Qoysaska amarkani adag saameeyay ayaa waxa ay tiradoodu gaarayaan ilaa Afar boqol oo qoys oo barakayaal ah, kuwaas oo aan haatan heysan meel ay gabaad ka dhigtaan xilli lagu guda jiro xilli roobaadkii Guga, waxeeyna dadkani danyarta ah ka walaacsanyihiin halkii ay hoy ka sameeysanlahaayeen.
Maleeshiyada Xisbiga ayaa dhibaatooyin kala duwan ku haya dadka ku dhaqan degmada Afgooye, kuwaas oo ku soo roga amaro adadag oo aaneey dadku awoodi Karin fulintooda, waxeeyna Maleeshiyaadkaasi u muuqdaan kuwo isku balaarinaya islamarkaana deegaan ka sameeysanaya xarumihii dowlada ee degmada Afgooye






