Maleeshiyada Shabaab ayaa Xabsiyada u taxaabay qaar ka mid ah Beeraleeyda Degmada Janaalle ee Gobolka Shabeelada Hoose sida ay sheegayan wararka naga soo gaaraya Gobolka beeraha caanka ku ah ee koonfurta soomaaliya.
Beeralaydaan u xirxiran maleeshiyada Shabaab ee ku sugan degmada Janaale ee Gobolka Sh/hoose ayaa tiradoodu gaaraysaa 15 qoofood, kuwaas oo haatan dhibaato nololeed ay ku haysato xabsiyada maleeshyadaas ay ku xirxirtay .
Mudo 3 maalmood ah,ayay dadkaas ku xiran yihiin xabsi ay leeyihiin dablayda shabaab kadib markii ay awood u waayeen bixinta lacago baad ah oo lagu soo rogay .
Ilo wareedyo ayaa laga soo xigtay in qaar ka mid ah dadka u xiran shabaab loo geystay Jirdil iyadoo qaar ka mid ah dadkaas intii madaxa looga xiray jawaan biyo la dhexgeliyay.
Maleeshiyada shabaab ee ku dhaqan Gobolka Shabeellaha hoose ay ku soo rogeen in ay halkii Hektarba oo Beerahooda ka mid ah ay ka bixiyaan lacag dhan 30 doolar bishiiba taas oo Beelaydu ay sheegeen in aysan awood u lahayn tallbaadaas dhaqaala doonka ah waxaana maleeshiyadu ay ku hanjabeen in ciddii bixin waysa lacagtaas beerteeda lagala wareegi doono taas oo dadka janaale iyo nawaaxigeeda ku nool wel wel ku abuurtay.






