Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Somaliya Shariif Sh Axmed oo ka qeybgalaya shirka Caalamiga ee looga hadlayo dib u dhiska dalka soomaaliya ee ka socda Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa khudbad uu saaka ka jeediyay ku sheegay in dhawaan la dhisi doono xukuumad cusub oo la jaan qaadi karta marxalada adag ee dalka ka jirta.
Isagoo khudbadiisa ka jeediyay saaka furitaankii shirweynahan ayuu ku sheegay mudadii Dowladdiisa jirtay in la dhisay toban kun oo Ciidamada militariga ah, 7000 oo Ciidamo Boolis ah.
Madaxweyne Shariif ayaa soo qaatay dib u habeyn dhawaan lagu sameyn doono Baarlamaanka dalka, isagoo sheegay in dhawaan la dooran doono hoggaanka sare ee Baarlamaanka KMG ah ee soomaaliya.
Madaxweyne Shariif ayaa yiri waxaan rabnaa inaan nabad ku soo celino dalka, ciidamada xooga iyo kuwa booliska waxaa ku socda dhismo, booliska waxaan diyaarinayay 7000 oo ciidamo ah, militariga waxaan diyaarinayay toban kun.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa isna kulankaas khudbad ka jeediyay wuxuuna sheegay in madaxda soomaalida looga baahan yahay in ay ka shaqeeyan nabada iyo dib u heshiisiinta, si looga hortago dhalinyarada dibadda ka imaanaysa eek u biiraysa kooxaha hubeysan ee islaamiyiinta kuwaas oo qaarkood fuliyay qaraxyo iyo dilal ka dhan ah dadka soomaaliyed.
Waxaa loo baahan yahay Hal Bilyan iyo afar boqol milyan oo wax looga qabta xaalada dalka soomaaloya ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay waxaa uu yiri waxaan halkan u joognaa inaan tusno hoggaanka sare ee Dowladda soomaaliya inaan taageersan nahay nidaamka iyo hoggaankooda.






