Runtii waa arrin aad looga naxo in Masaajid la qarxiyo, laakin waxaa nasiib darro ah in dadka sheeganaya aqoonta aysan ka hadlin, kuwi isku dayay inay wax ka sheegaanna waxay shaki geliyeen cidda ka dambeysa qaraxyada masaajidda..dad sheeganaya aqoon ayaan ogeyn ama darayensaneyn dhibaatada meesha ay ka socoto iyo cidda dabada ka wada ee maalgelisa…
Jirro ama cudur kasta waxaa la daaweyn karaa marka la garto waxa ow yahay oo lagu sameeyo tashkhiis ..kaddib ayaa la raadiyaa daawadiisa iyo sida looga horttegi karo loona ciribtiri karo.
�
Dhibaatada Soomaaliya heysata magaceeda waa WAHHAABIYYA, kumana koobna Somalia oo kaliya ee waxay saameysay dalal badan oo Muslim ah oo isla dhibaatada na heysata oo kale ay ka jirto…waxaase annaga intaa noo dheer dowlad la’aan iyo shacab aan dareyn lahayn kii daren lehna owsan damqan ama ka dhiidhin dadka waxa ku dhacaya iyo dalka sii baaba’aya..waxyaabaha aad looga xanuunsado waxa ka mida in Fu’aad Shongole markow dhaawacmay ow cabsaday, markaasna raadiyay inuu raalli geliyo kuwi sida dadban u soo adeejiyay isagoo dhahaaya waxaan akhrinaayay buuggii Ina Cabdilwahaab oo dad badan lagu marin habaabaiyay ee fatxul majiid, asagoo isleh ku badbaad…waayoo qaraxa waxaa ka dambeeya isla qaybo ka mida shabaabka oo howlo kale loo soo adegsaday, wuxuusan ogeyn in Wahaabiya markey kuu arkaan inaad hadafkooda khatar ku tahay iyagaa kaa takhulusaaya sidi ay uga takhluseen kuwi kaa horreeyay adiga ee kaa aqoonta badnaa, marki loo arkay inay hadafki laga lahaa lagu gaaray.
�
KHAAFALLAAH MAN CARAFAH(Ilaahey qofki yaqaannaa ka baqa) Fu’aad waa cabsaday, laakin Ilaahey kama cabsan waayoo Ilaahey ma yaqaanno, wuxuuna xalaaleystay dadka masakiinta ah dhiigooda – iyagoo magacyo u kala bixiyay, waxaase kaa ka sii daran ninka la yiraahdo Xasan Daahir oo madax ka ah xizbu sheytaan oo yiri qaraxyadani waa arrin nagu cusub oo dibadda laga keenay…wuxuu illaabay in xawaalo faagidda iyo dadka qoorta laga gooyo ay yihiin arrin caadi ah oo aan nagu cusbeyn….. waayoo kuwa asaga soo adeejiyay ayaa xawaalihi asaxaabta sidaas u faagay oo burburiyay…qaraxyada masaajidda waxaa ka dambeeya sida ay isku raaceen dadka afcaasha khawaarijta taxliiliya qaybo ka tirsan xizbu sheytaan, madaxda iyaga mawila oo maal geliya ayaa oggolaatay ( labadooda isku qolo ayey u adeegaan) waxayna ka aar goosanayaan Shabaabka oo ka dilay dad fara badan meelo badanna ku bahdalay..
�
Haddaba, Fu’aad (oo ah small fish) iyo Xasan Daahir oo xalaaleysatay in xabaalaha la faagto dadkana la qalo oo madaxa laga gooyo waxaan xasuusineynaa Xadiithul qudsigi saxiixa ahaa MAN CAADDAANI WALIYAN FAQAD ADANTUHU BIL XARBI . xarbiga Ilaahey Cazza wajalla ha moodina askar in la idiin soo diraayo sidi ow mooday Nabruud Ben Kancaan oo diyaarsaday ciidamo si uu Ilaahey ula dagaalo, markaasaa waxaa loo soo diray dhilmaanyo, adinakana inta aad ku howlan tihiin owliyada Ilaahey ogaada inuu Rabbi Jalla fii Culaahu uusan idin moogeyn oo la idiin jeedo, laydinkana abaal marinaayo afcaasha foosha xun ee aad ku keceysiin adinka iyo inta aad ku adeegatiin iyo inta niyadda idinka taageertaba adduunkana waa ku cadaaban tihiin, waayoo nin kasta oo ka soo horjeesta xuska Nabiga (Caleyhi afzalussalaati wassalaam) adduunkaa lagu imtixaanaa asagoon dareemin, aakhirana waa idin sugee…wadaadka Ina Cabdelwahaab waxa aad dembi faleysiin jizadeeda qayb ayow ku leeyahay waayoo waxaad adeegsateen afkaartiisi iyo in aad ummadda tiraahdiin towxiid ma taqaaniin waana tan aad ku qaladeen dad badan oon weligood arag culumo sax ah oo diinta Ilaahey u adeega..dadka aad adeegsatiin waa kuwi dhashay ama soo barbaaray xiligaa burburka jiray oon aqoon u lahayn diinta iyo culumadi ummadda oo xalaasha ahaa.
�
Xawaalaha aad faagteen waxaa ku aasnaa culumo magac iyo ixtiraam weyn ku leh mujtamaca Somaliya, risaaladina si wanaagasan u fuliyay, ummaddana diinta baray sidi Sheikh Cadirahman Celi (Warsheikh) oo kutubtiisa laga helo maanta Jaamicatul Azhar, Sheikh Muxaddiin Celi oo mowliciisa ay ka soo bexeen xaafidiin maanta meel kasta adduunka ku sugan ee dibadda iyo dalkaba, Sheikh Maxamad Biyamaalow oo ilaa cimrigiisu ka gaaro 80 sano dadka Qur’aanka baraayay..Sheikh Aweys Al-qaadiri, Sheikh Nuur Xuseen oo ku aasan Jilib Gosha ..Culumadaas waxba kama hallaabin ee adinka aakhirdiina halkaas ku bas beeshay…War haddii aad diin wadiin ama aad u adegtiin Diintaan xaniifka ah waxaad raaci lahaydeen awaamirta Ilaahey oo markii Nabiyyuna Ciisa iyo walaakii Haaruun loo diray Fircown wuxuu Ilaahey ku yiri labadooda :FAQUULAA LAHU QOWLAN LAYYILAN LACALLAHU YATA-DAKAR OW YAKHSHAA, waana Fircown oo uu Ilaahey yaqaanno inuusan kheyr lahayn ayaa lagula taliyay inay si qabowsan ula hadlaan, xikmada waxay tahay iyaga ayaa Ilaahey baraayay sida risaalada loo gudbiyo sidoo kalena…Nabi Muxammad ( Caleyhi Salam) waxaa lagu yiri WALOW KUNTA FAZZAN GALIIDAL QALBI LANFAZUU MIN XOWLIKA..adinkana Shabaab sheytaan waxaad karbaashteen nin si hoose naag u nikaasaday, waayoo diinta aad heysatiin ma ahan tii Ilaahey waa tii Wahaabiya oo diiday kana horjeesatay ijmaacul culumaa iyo al-aimmatul arbaca…Ina Cabdiwahaab wuxuu ahaa ninki inkiray xadiithki saxiixa ahaa MAN ZAARA QABRII WAJABAT LAHU SHAFAACATII markaasow ku andacooday massajidka niyeysta ee qabriga ha niyeysanina…..Waa dhunsanaa kuwi raacana waa ka daba dhumeen…WALAA TAXSIBANNALLAAHA GAAFILAN CAMMA YACMALU ZALUMUUN INNAMA YU AKHIRUHUM LIYOWMIN TASH-KHASSU FIIHIL ABSAAR…..
�
Haddaba, hadafka laga leeyahay faafinta wahhabiyya waa maxaay?
�
Danta laga leeyahay kuma koobna oo kaliya faafinta fikradaha Wahhabiyya, balse waxay tahay wasiilad lagu gaarayo hadaf intaas ka qoto dheer oo dalalka dhibaatada laga abuurayo laga leeyahay mid waliba si gooni ah : Somaliya waxaa lagala dagalaya inay degto si aan batrool looga qodin, waana arrin muddo dheer soo socotaya herar kala duwanna soo martay, laakin maanta marki la waayay dowlad la adeegsan karo oo fulisa tacliimaadka la faraayo waxaa khasab noqotay in dalka oo dhan la burburiyo, dadkana laga dhigo kuwa qaxa, kuwa dhinta iyo kuwa lagu adeegto iyagoon dareensaneyn, sida kuwa maanta jooga dalka oo la yiri waxaa tihiin mujaahidiin, wax alla wixii ay u baahdaan oo maalgelin ahna loogu deeqo, hubka korkooda saaran waa ka qiimo badan yahay baabuurta ay wataan oo ah kuwi ugu dambeeyay..xagee laga keenay? yaa ku deeqay?..waa maxaay jihaadka ka jira Soomaaliya oon ka jirin Afgaanistaan iyo Falastiin?
�
Waxaan u shegeynaa xirta Wahhaabiyya inay malmahoodu soo koobmayaan, meelo badan oo adduunka ahna loo arkay waxa ay tahay oo dhabta ah oo ah tan mawisha waxa lagu magacaabo argagaxisada, meelo baddanna ka billaaban doonto olole lagu ugaarsanayao inta u adeegta lagana sifeyn doono Soomaaliya & adduunka oo dhan Inshaa Allaah..Inshaa Allaah
ALLAHUMMAJCAL TADMIIRAHUM FII TADBIIRIHIM…. AAMIIN
�
Maxaa xal ah?
�
Dadki xalka laga filaayay waa dowladda maanta jirta oo ka kooban barlamaan iyo golaha wasiirrada, waxaase nasiib darro ah in badankooda dadka laga sugaayo inay Somaliya u hogaamiyaan meel nabad ah ay ku mashquulsan yihiin Guddoonka barlamaanka ha laga qaado xilka, taas loolama jeedo dan dadka iyo dalka leeyihiin, waa mid lagu raadinaayo inay heelaan mushaharka ow qaato iyo tas-hiilaadka kale ee uu leeyahay guddoomiyaha baarlamaanka…waxaa jira mathal ah aaway cir hoostiis lagu caweeyo waryaa u sheega inaysan joogin meel boos iyo hunguri loo hanqal taago ee maanta ay taagan tahay waryaa dadkaan iyo dalkaan badbaadi kara, yaa diyaar u ah inuu tadxiya sameeyo oo uu iska dhaafo damacii siyaasadeed ee uu ruux waliba ku hamminaayay lana helo dad diyaar u ah inay naftooda iyo dantooda u huraan sidii Soomaaliya loo badbaadi lahaa intay goori goor tahay.
�
Kuwa maanta raadinaaya inay dalka madax ka naqdaan waa kuwo gurigooda maamuli waayay oo qoysaskoodi dunsan yihiin iyagina hunguri ka haayo inay Somali madax u noqdaan oo wixii laaluush ay helii karaan boobaan, kaddibna dibadaha iska fadhiistaan…inta baarlamaanka ku jirta ma jiro hal qof oo dalka ku nool, waxayna ka wada yimaadeen dibadaha si ay ceyrta ay qaataan xoogaa u kororsadaan, marki hagardaamo loo baahdana loo yeero si ay ummadda u sii lug gooyaan, dalkana u sii burburo, nabadna aan weligeed la helin sida ay rajeynayaan qaar badan oo magaca Soomaali nala wadaaga, laakin burburka dalka iyo baaba’a ummadda
ku raaxeysta….
Dadweynaha waxaan kula tali lahaa inay iska qabtaan Khawaarijta oo ay la dagaallamaan sidii dadweynahi Muqdisho ay ula dagallameen Siyaad Barre oo ka awood iyo hub badnaa kkhawaarijta iyo zisbu sheytaan, waxaadna uga adkaan kartiin inaad hal mar wada kacdiin ood isku shubtiin meesha ay joogaan sidi ay yeeleen dadkii Xamar ku dhaqnaa oo ugu galay Villa Somaliya asaga iyo askartiisi kana saaray dalka oo dhan… Ilaaheyna waa idinn gargaaraa waana idin guuleyhaa waayoo waxaad la dagallameysiin daalimiin diinta meel uga dhacay, dadkana hoojiyay, wax ka daranna soo wada…Allaha idiin gargaaro.kuwaanna Allaha naga qabto Inshaa Allaah…aamiin..�
�
Axmad Cadde
addowgeedi@live.com






