Indha Cadde ayaa sheegay in Xukuumada Cumar C/rashiid ay gebi ahaanba ku fashilantay wax walba oo loo igmaday sida uu hadalka u dhigay.
“Runtii Xukuumadani waxay ku fashilantay wax walba, waxaana rajeynaynaa in la soo magacaabo xukuumad dalka iyo dadkaba wax u qabata”ayuu yiri Indha Cadde oo u muuqday inuu ku faraxsanaa kala dirista maanta Madaxweynuhu ku sameeyay Xukuumadii uu ka midka ahaa.
Indha Cadde ayaa ku eedeeyay Xukuumadii Cumar C/rashiid in ay awoodi weysay in ay soo ceshato deegaanadii ay horay Dowladda gacanta ugu heysay, isagoo tilmaamay in xitaa ay ka war hayaan in Cumar C/rashiid uu xiriir la leeyahay Alshabaab, isla markaana uu u gacan geliyay ilaa 4-kun oo qori sida uu hadalka u dhigay.
Mr Indha Cadde ayaa tibaaxay in Ciidamada tababarka dibada loogu diro aanay isaga lagala tashan, isla markaana ay qaarkood yihiin kuwo loo soo tababaro Shabaabka kaliya ee aan loo soo tababarin Qaranka.
Waxaa uu u soo bandhigay Warbaahinta hub uu sheegay in ay ka qabsadeen Shabaab, hubkaasoo uu tilmaamay in dhinaca Dowladda uu ka baxay, isagoo farta ku fiiqay in askar ka tirsan Dowladda ay ka iibsadaan Shabaabka sida uu yiri.
Ugu dambeyn Indha Cadde ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda aanay helin daryeel iyo mushaar, waxaana uu taasi ku qeexay in ay sahli karto in ay isu dhiibaan Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda






