Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gaashaandhiga Dowladda Soomaaliya Yuusuf Siyaad Indha Cadde ayaa sheegay in qaraxii maalin ka hor ka dhacay Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan Masaajid ku yaala Cabdalla Shideeye uu sabab u ahaa khilaaf u dhaxeeyay Al-Shabaab.
Indha Cadde ayaa ku eedeeyay Shabaab in ay qaraxaas mas’uul ka aheyd, isla markaana ay ragg ka tirsan ay qorsheeyeen sidii qaraxaas ay isugu ugaarsan lahaayeen, isagoo xusay in ay iska cadahay cida qaraxaas ka dambeysay.
“Waa ognahay in wixii ay shacabka ku hayeen in iyaga ku soo laabatay, waxaa la soconaa in qaar ka mid ah madaxdooda in ay is hayaan, oo ay hagar daamo isu maleegeen”ayuu yiri Indha Cadde oo shacabka ugu baaqay in ay ka hortagaan waxa uu ugu yeeray sharwadayaasha.
Mr Indha Cadde ayaa tibaaxay in shacabka ay baabi’inayaan raggaas, waxaana uu meesha ka saaray in Dowladda ay lug ku leedahay qaraxii ka dhacay Masaajidka, balse uu yahay qarax ay isu maleegeen dhexdooda sida uu hadalka u dhigay.
koox ka mid ah shabaab ayaa damacday in ay qaraxaas ay ku dilaan Fu’aad Shangole.






