Maleeshiyada shabaab ayaa mar kale ku hanjabtay in ay laayi doonaan dadka rayidka ah iyagoo u aargudaya dagaal oogahooda Fu’aad Shangole iyo tiro kale oo shabaab ah oo shalay ku dhinteen qaraxyadii ka dhacay Masjid ku yaala gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada muqdisho.
Wakiilka maleeshiyada Alshabaab ee Gobolka Banaadir Cali Maxaa Xuseen ayaa ku hanjabay in ay aar-gudan doonaan waqtiyada soo socda, qaraxii shalay uu kaga dhaawacmay Fu’aad Shongole oo ahaa Sarkaal sare.
Qaraxyadaas ayaa waxaa soo abaabulay garabka Axmed Cabdi Godane, waana qorsha lala damacsanaa in lagu dilo Fu’aad iyo xubno kale marka waxaa is weydiin mudan ma waxay qarxin doonaan garabka Godane mise waxay dili doonaan shacab soomaaliyed oo wax raad ah ku lahayn qaraxyadaas.
Shabaabka ayaa qorshahan waxay ka keenan dalalka Bakistan iyo Ciraaq, waana Barnaamij dunida Islaamka ku soo biirisay kooxda Al qaacida ee uu hoggaamiyo Bin Laden.






