Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa aqbashay in la soo afjaro wada hadalada ay Muqdisho kula leedahay Culumaa’udiinka Ahlu Sunah Waljamaacay, kadib cadaadisyo ay Beesha Caalamka kala kulantay.
Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo oo laga helay ilo wareedyo muhiim Dowladda KMG ayaa lagu eedeeyay in ay mudooyinkii u dambeeyay ka caga jiideysay fulinta heshiiskii Addis Ababa.
Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Ahlu Sunah ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda ay ogolaatay in la soo afjaro wada hadalada Muqdisho, si loo guda galo awood qeybsi ku aadan in Ahlu Sunah tiro Wasiiro ka hesho.
Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid uu ogolaaday in maalmaha soo socda uu bilaabo wada tashi ku aadan sidii uu isugu shaandheyn lahaa Golihiisa Wasiirada, si Ahlu Sunah ay ugu soo biirto.
Wafdiga Ahlu Sunah ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa horay ugu eedeeyay Mas’uuliyiinta Dowladda in ay ka caga jiidayaan mira dhalinta heshiiskii Addis Ababa ee 15-kii Maarso, isla markaana qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta sare ay albaabada ka xirteen.
Gudiyo isku dhaf ah oo shalay lagu magaacabay wada hadaladii Muqdisho ay ku yeesheen labada dhinac ayaa gudigan oo ka kooban saddex qeybood, waxay dhameystiri doonaan heshiiskii Addis Ababa






