Wasiirka warfaafinta dowlada Ethiopia Barakaat Simon ayaa sheegay in ciidamada booliska ee dalkaasi ay gacanta ku soo dhigeen 10 nin oo la rumaysanyahay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabab islamarkaana ay doonayeen in falal argagixisnimo ay ka fuliyaan dalka Ethiopia.
Wasiirku waxa uu tilmaamay in ragan ay hubaysnaayeen islamarkaana ay ka talaabeen qaarkood xuduuda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Ethiopia isagoona ku eedeeyay in ay arintan ka dambaysay dowlada Eretereeya oo uu sheegay in ay ku haminayso in falal argagaxisnimo ay ka fuliso gudaha dalkaasi.
“waxaay gacanta ku dhigeen ciidamadeenu 10 ka tirsan mintidiinta Al shabab waa ay hubaysnaayeen waxana ay qaarkood soo galeen xuduudeena waliba si sharci daro ah waxan ognahay in ay soo dirtay dowlada Ereteriya damaceeduna waxa uu yahay in ay carqaladeyso doorshooyinka guud ee la filaayo 23- ka bishan May in ay ka dhacdo dalka hasa ahaatee taasi waxaa ka hortagay ciidamadeena ayuu yiri wasiirka warfaafinta dalka Ethiopia Barakaad Simon.






