Dawladda Switzerland ayaa xayiraad ku soo rogtay Ururo iyo Shaqsiyaad xag jir ah oo ka dagaalama Gudaha Somalia oo isugu jira Soomaalida iyo Ajanabi.
Go’aan ay Maanta Dawladda Switzerland meel marisay ayaa lagu mamnuucay in dalkeeda ay soo galaan Dadka ka tirsan Kooxaha Argagixisadda ah ee ka dagaalama Gudaha Somalia.
Iyadoona ay sidoo kale Dawladdaasi ballan qaaday inay xayirayso Hantida ay leeyihiin Dadka ka tirsan Kooxaha Somalia ka dagaalama ee Xiriirka la leh Al-Qaacidda.
Waxaana ay Switzerland soo saaray Black List ay ku qoran yihiin illaa iyo 8 Qof oo Soomaali iyo Ajanabi ah kuwaasoo qayb ka ah Dagaaladda Somalia ee lagala soo horjeedo Dawladda Sharciga ah ee Somalia iyo Hawlgalka Nabad Illaalinta Midowga Afrika.
- A. Liiska 8-da Qof ee laga mamnuucay Dalka Switzerland Hantidoodana la xayiray.
1-Yasin Ali Baynah oo dhashay 1966, Soomaali ah, haystana Dhalashada Sweden, digannaRin-keby, Stockholm, Sweden; Mogadishu, Somalia
2-Hassan Dahir Aweys Waa Muwaadin Soomaali ah, haysta dhalashada Wadanka Somalia, waxa uuna dhashay 1935, waxa uu dagan yahay Wadamada Somalia iyo Eritrea. Waana Horjoogaha ugu sareeya Kooxda Xisbul Islaam.
3-Hassan Abdullah Hersi Al-Turki waxa uu ku dhashay Kilinka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya, sannadkii 1944, Waa Muwaadin Soomali ah, waxa uuna dagan yahay Somalia.
4-Ahmed Abdi aw-Mohamed Godane waxa ay Shabaabku ugu yeeraan Mukhtar Abdirahman Abu-Zubayr, waa Horjoogaha ugu sareeyay Horjoogayaasha Soomaalida ah ee Kooxda Al-Shabaab, waxa uuna ku dhashay 10-kii July 1977 Deegaanada Waqooyi Galbeed ee Somalia, Waana Nin Soomaali ah.
5-Fuad Mohamed Khalaf Shongole, Waa Soomaali haysta Baasaboor laga kansalay oo Swedish ah, waxa uuna dagan yahay Somalia.
6-Bashir Mohamed (Bashir Qorgab), waxayna Al-Shabaab-ku u yaqaanaan Abuu Muscab, waxa uu dhashay 1982, waana Nin Muwaadin Soomaali ah.
7-Mohamed Sa’id Atom; waa Nin Soomali ah oo dhashay 1966 waxa uuna dagan yahay Magaaladda Badhan ee Somalia.
Ajanabi
8-Fares Mohammed Mana’a waxa uu dhashay February 8, 1965 waxa uu ku dhashay Magaalada Sadah, Yemen, waxa uu haystaa Baasaboor Tirsigiisu yahay: 00514146; waxaana laga bixiyay Baasaboorkaasi Magaalada Sanca ee Wadanka Yemen, waxa uu leeyahay Ninkani ID Card tirsigiisu yahay: 1417576; oo laga soo saaray Al-Amana, Yemen, taariikhdu markeey ahayd January 7, 1996
Shaqsiyaadkani ayaa horay waxaa sidan oo kale Xayiraad Socdaalka ah iyo Hantidoodaba ah ku soo rogtay Dawladda Maraykanka, waxayna ka mid yihiin Liiska Caalamiga ah ee Argagixisadda Caalamka. Waxaana Sidoo kale Dalka Switzerland laga mamnuucay Kooxda Al-Shabaab oo horay Wadamo badan oo Caalamka ah oo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Australia, Maraykanka iyo Dalal kalaba u aqoonsadeen Argagixiso Caalami ah.






