Sarkaal ka tirsan culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo gudoomiyihii gobolka Bay ee dowladda KMG C/fitaax Ibraahim Geeseey ayaa si wadajir ah u sheegay in ay isku biireen maamulka Gobolka Bay ee dowladda KMG iyo Saraakiisha Ahlu Sunna ee ku sugan gobolka Gedo.
Sheekh Max’ed Xuseen Al Qaadi oo ka mid ah saraakiisha culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolka Gedo ayaa waxaa uu sheegay in ay midoobeen iyaga iyo Maamulka gobolka Bay ee dowladda kadib markii mudo 3 todobaad uu wahadal uga socday degmada Doolow ee gobolka Gedo, waxaana uu sheegay in iyagoo mideysan ay la dagaalami doonaan dhinacyada ka soo horjeeda ee ku sugan gobolada Bay iyo Gedo.
Waxaa hadda la abaabulayaa ciidamo wada socda oo Labada dhinaca ka kooban kuwaas oo dagaal la geli doonaan maleeshiyada shabaab ee ku sugan Gobolada Baay iyo Bakool.
Talabadaani ay isugu biireen ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolka Gedo iyo Maamulkii dowladda ee gobolka Bay ayaa imaanaysa iyadoo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo dowladda KMG ay heshiisyo ku kala saxiixdeen Magaalada Muqdosho






