Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah ee ku sugan biyaha gacanka cadmeed ayaa afduubtay markab laga leeyahay wadanka Bulgaria.
Sida laga soo xigtay hay’adda maamulka badaha ee dowladda Bulgaria kooxaha burcadbadeeda Soomalida ayaa markabakaan oo ay saran yihiin 15 qofood oo Bulgarian ah gacanta ku dhigay xilli uu marayay meel ku dhow Yemen.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee wadanka Bulgaria ayaa ku warantay in markbakaan oo lagu magacaabo MVBenega oo qaada waxyaabaha kiimikada uu ka yimid dhinaca badda cas isagoo ku sii jeeday wadanka Pakistan.
Warkaan ayaa ugu horrayn kasoo baxay ciidamada badda ee midowga Yurub ee ku sugan xeebaha wadanka Soomaaliya ee Atlanta, kuwaa oo sheegay in markabka laga afduubtay meel 100 mile bari uga aadan magaalada cadan ee dalka Yamen.
Ciidamada midowga yurub ayaa isku dayay in ay la tacaalaan markabaka la afduubtay , ayadoo dowladda Bulgaria ay sheegtay in ay ku dadaalayso sii daynta markabkaas.
Markabka Benega ayaa ah markabkii ugu horreeyay ee isagoo wata calanka Bulgaria lagu afduubta biyaha Soomaaliya , sidoo kale waxaa jira 13 kale oo badmaaxiin Bulgarian oo lagu heysto biyahay Soomaaliya






