Allaha u naxariistee Sheekh Nuur Maxamed Abkey oo ahaa suxufi soomaaliyed ayaa caawa waxaa dil ugu gaystay Xaafadda Suuqa bakaaraha maleeshiyad ka tirsan kooxda shabaab.
Waxa gacntooda ku toogtay Xassan Xanafi Xaji iyo Ismaacill Guleed Istiila. Waxaa telefoonka marxuumka kula hadleen radio Muqdisho intii aanay dilin iyagoo keenay goobta ay ku toogteen.
Xanafi, Istiila iyo mid kaleh oo Guuled la yira waxay ka masuul yihiin dil loo geeystay wariyayaal iyo dad badan.
Xanafi waxa kaloo u dilay wariye ajanabi ah oo la dhi jiray Martin Adlar una dhashy dalka sweden sanadkii 2006.
Xanafi waxa u ka soo jeeda beesha baadicade istiilana sacad.
Waxa uu ku ku soo biiray wakaaladda wararka soomaaliyeed ee Sonna qeybteeda warqabadka 1988 sida ay sheegayan dadka aqoonta u leh Marxuumka.
2000 ayuu ku biiray idaacadda hornafrik halkaas oo dadka reer Muqdisho ay aad ugu barteen kaalintii uu ka ciyaaray sheekadii la magac baxday “Intey waayuhu i badeen waqtigu ha ku baro”. Oo uu ka ma talyay kaalinta nin lagu magacaabo Ma gafe.
2006 dii ayuu ku soo laabtay SONNA , isagoo ka howl galay Baydhabo.
2009 ayuu Sheikh Nuur Abkey dib ugu soo laabtay xarunta weyn ee SONNA Muqdisho, waxa uuna noqday tifaftiraha wakaaladda ee Wararka dibadda.
Wasaaradda warfaafinta waxa uu ka shaqeyn jiray qeybta afafka qalaad gaar ahaan carabiga.
Sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyay idaacaddii STN iyo Bariga Afrika.
Dhanka wax barashada allaha u naxariistee Sheikh Nuur Abkey waxa uu waxbarashadiisa dugsiga hoose ku soo qaatay gobolka Shabeellaha hoose.
Waxa uu ka baxay dugsigii sare ee Jamaal Cabdinaasir.
Waxa uu ka baxay jaamacadii Soomaliyeed gaar ahaan kulliyadda waxbarashada.
Allaha u naxariistee Sheikh Nuur Abkey waxa uu ifka kaga tagay carruur qaarkood hana qaadeen iyo xaas.
Intii uu ka howl galayay Radio Muqdisho marnaba kama uusan soo guurin halkii uu degganaa oo ay gacanta ku hayso kooxda Shabaab ee banneystay dhiigga dadka muslimiinta ah ee soomaaliyeed.
Dilka ayaa waxaa ka geystay Maleeshiyo shabaab ka tirsan,wuxuuna qeyb ka yahay dilalka shabaab u geystaan Suxufiyiinta soomaalida.
Nuradiin Macalin Mukhtaar Diinow
Muqdisho Somali







Alla ha u naxariista sh. nuur abkey waxaana dilay gacan ka gardaran
tan kale waxaa ka cudur daarayaa ninkaan la leeyahay waa baadicadde
hadii ay atahy arintaas mid sax ah waxaa leeyahay waxaa uu danbi ka galay qof muslim ah illah ayana maxkamadooda qaadi doona
waxaa uuna ceebeeyay dad aan lagu aqoonin in ay dhibaateeyaan umada
oo ka talin jiray maslaxo hadii ay runtahay arintaa oo uu lug ku lahaa dilka marxuumkaas waxaa ilaah ka baryayaa in uu dhaafiya muslimiinta walibana uu silac u dhinta ilaahow aamiin aamiin aamiin