Ururka Ahlu sunna Waljameeca ayaa sheegay in ay dhawaan xoreyn doonaan deegaano badan oo ay oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka shabaab iyo kooxda al qaacida.
Madaxa Warfaafinta Culmaa’udiinka Ahlusuna Waljameeca Sheikh Cabdulaahi Sheekh Cabdiraxmaan Abuu yuusuf Alqaadi ayaa sheegay in ay wadaan qorshe dhibaatada loogu dul qaadaayo shacabka ku dhaqan Suuqa weyn ee Bakaaraha iyo degmada Dayniile, taas oo ay ku hayaan maleeshiyada kooxda Alshabaab ee qandaraaska ku soo qaatey baabi’inta umada Soomaaliyeed.
Wuxuu xusey in ay la socdaan in maleeshiyada kooxda Alshabaab ay gaareen Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug waxuuna xaqiijiyey in aysan ku sii negaan doonin halkaasi oo xiisad u dhaxeysa ayaga iyo Xisbul-Islaam ka taagan tahay.
Wuxuuna hadalkiisa ku daray Afhayeenku in ay jirto qorshe qarsoon oo ay wadaan Dowlada KMG ee Soomaaliya, Culimada Ahlusuna Waljamaaca iyo shacabka Soomaaliyeed oo looga gol leeyahay in guud ahaanba dalka Soomaaliya laga cirib tiro Maleeshiyaadka isu soo bahaysatey gumaadka shacabka soomaaliyeed, waxuun carabka ku dhuftey Afhayeenka Culimada in maleeshiyaadka kooxaha Shabaab iyo Xisbul Islaam ay u dhexeeyo xifaaltan midba mid ka kale uga soo horjeedo.
Suuqa bakaaraha ayaa ka mid ah degaanada ay ku dhuuntaan kooxda shabaab iyo xubnaha Al qaacida ee jooga soomaaliya, waxayna Qatar ku yihiin ganacsiga suuqa iyo dadka ka soo adeegta suuqaas iyagoo maalin walba halkaas ku dila dad aan waxba galabsan.






