Archive | May, 2010

B/weyne oo gashay gacanta Dowladda

Lix qof ayaa la ogyahay in ay ku dhnteen dagaal saaka ka dhacay magaalada Beled Weyne, dagaalkaas oo dhex maray ciidamo dawlada Somalia ka tirsan iyo ururka Hisbul Islaam.

Hisbul Islaam ayaa sheegay in ay magaalada Beled Weyne ka baxeen waxaana hada magaalada gacanta ku hayaan ciidamada dawlada KMG ah ee Soomaaliya kuwaas oo iska eriyay maleeshiyada shabaab iyo Xisbul Islaam

Cidamada dawlad ayaa xuduuda Itoobiya ee Feerfeer weerar ka soo qaaday, waxayna hada gacanta ku hayaan 115 iyo garoonka dayuuradaha.

Sida laga war qabo magaalada ayaa marba koox gacanta u gelaysa beryahan.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Maamulka Telefishinka Unversal Xafiiskiisa Muqdisho oo soo saaray War-saxaafadeed sheegay inay joojiyeen howlihii Telefishinka illaa amar dambe

Maamulka Taleefishinka Universal xafiiskiisa Muqdisho wuxuu ka soo saaray war-saxaafadeed ku aadan war ka baxay 29/05/10 Taleefishinka Univesal ahaana war uu soo diray wariye uga soo warrama Dalka Koonfur Afrika warkaana laga dhex arkay kartoon ay wargeysyada dalka Koonfur Afrika soo daabaceen kaasoo ahaa mid aflagaado ku ah Nabi Maxamed (NNKH).

Guud ahaan maamulka iyo shaqaalaha Taleefishinka Universal Xafiiskiisa Muqdisho wuxuu ka xun yahay warkaas sida qaldan u baxay waxaana aan u sheegaynaa dhammaan Muslimiinta caalamka ku nool inaanan raalli ka ahayn warbixintaas qaldanayd.

Haddaba Maanta oo ah 30/05/10 guud ahaan qeybaha kala duwan ee Universal tv Muqdisho waxa ay go’aan ku gaareen shaqo joojin illaa amar dambe.

Maamulka iyo shaqaalaha taleefishinka waxa uu mar labaad ku cadeyneynaa warsaxaafadeedkan inuusan raalli ka ahayn wixii wax u dhimaya diinta Islaamka.

Wabillaahi Towfiiq

Maamulka Sare ee Universal Tv Muqdisho,

Posted in DhacdooyinComments (0)

Maleeshiyada Xisbiga oo ku amartay Barakacayaasha Afgooye in ay ka guuraan xarumihi dowlada

Dablayda Xisbul Islaam ayaa ku amartay dadka barakacayaasha ah ee degan xarumihii Dowlada ee magaalada Afgooye in ay mudo Todobaad ah uga Guuraan.

Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyada Xisbul Islaam ayaa ku amray dad barakacaal ah oo deganaa Xarumihii Dowlada ee degmada Afgooye,  gaar ahaan qoysaska ku nool Gurigii Martida, kuleejadii Gabdhaha agoonta, dugsigii Kuweyt iyo Dugsiga dhagaxtuur, waxeeyna u qabteen dadkaasi in ay mudo Todobaad ah uga guuraan halkaasi hadii kale ay la kulmi doonaan ciqaab adag.

Qoysaska amarkani adag saameeyay ayaa waxa ay tiradoodu gaarayaan ilaa Afar boqol oo qoys oo barakayaal ah,  kuwaas oo aan haatan heysan meel ay gabaad ka dhigtaan xilli lagu guda jiro xilli roobaadkii Guga, waxeeyna dadkani danyarta ah ka walaacsanyihiin halkii ay hoy ka sameeysanlahaayeen.

Maleeshiyada Xisbiga ayaa dhibaatooyin kala duwan ku haya dadka ku dhaqan degmada Afgooye,  kuwaas oo ku soo roga amaro adadag oo aaneey dadku awoodi Karin fulintooda, waxeeyna Maleeshiyaadkaasi u muuqdaan kuwo isku balaarinaya islamarkaana  deegaan ka sameeysanaya xarumihii dowlada ee degmada Afgooye

Posted in DhacdooyinComments (0)

Madaxweyne Shariif oo u duulay Faransiiska iyo Jarmalka

Madaxweynaha Dowladda KMG ah Somaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta ka duulay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde isaga oo ku sii jeeda dalalka France iyo Germany.

Madaxweynaha France Nicolas Sarkozy ayaa ku casuumey Madaxweynaha Soomaaliya kulanka sanadeedka France iyo madaxda Africa (Africa France Summit), kulankaas oo ka dhici doona  May 31 ilaa June 1, magaalada Nice ee dalkaasi France.

Xubnaha Madaxweeynaha ku wehliya socdaalkiisa ayaa ka amid ah Wasiirka arrimaha dibadda Cali Axmed Jaamac Jengeli, Wasiirka Ganacsiga C/rashiid Maxamed Cabdi Cirro, Xildhibaan Xirsi Aadan Rooble, Xildhibaan Xasan Abshir Faarax, Xildhibaan Bashiir Cadaan, Safiirka Soomaaliya ee dalka Iran C/raxmaan Cabdi Xuseen Guulwade iyo xubno kale oo ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka soo qayb gali doono wakiillo ka socda konton waddan oo Africaan ah oo ay ku jiraan 40 Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaare, masuuliyiinta dowladda France iyo shirkadaha ganacsiga ugu waaweyn dalka Fransiiska.

Marka uu kulankaasi dhamaado waxa uu Madaxweynuhu booqanayaa June 3-deeda dalka Jarmalka halkaas oo uu ku qaabili doono Madaxweynaha Jarmalka, Horst Köhler iyo Chencellor-ka Germnay, Angela Merkel.

Madaxweynuhu waxa uu kala hadli doonaa madaxda France, madaxda Africa iyo masuuliyiinta Jarmalka xaaladda Soomaaliya isaga oo ka codsan doona in dowladda Federaalka KMG ah gacan laga siiyo soo celinta amniga iyo kala danbaynta, dib u dhiska hay’adaha qaranka, maal-gelinta Somaaliya, fursad shaqo u abuurista dhallinyarada Soomaaliyeed iyo kaalmeynta dadka tabaalaysan iyo kuwa barakacsan

 

Posted in DhacdooyinComments (0)

Laacibkii Kubadda Cagta Soomaaliya (Shiikhaaloow) oo geeriyooday

Allaah ha u naxariistee waxaa  daqiiqado ka hor ummadda Somaaliyeed gaar ahaan bahda isboortiga ka geeriyooday  Laacib astaan u ahaa ciyaaryahannada Soomaaliyeed ee xirfadda kubadda cagta hibada Illaah u siiyay si weyna looga yaqaano dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba waana Marxuum Maxamed Xuseen Cali {Shiikhaaloow}.

Geerida Laacibka weyn ee Soomaaliyeed Shiikhaaloow ayaa sida uu noo sheegay walaalkiisa waxaa ay ka danbaysay ka dib markii uu wadnuhu istaagay xilli uu marayay agagaarka Shineemo Missione ee degmada Xamarweyne.

Marxuum Macalin Sheekhaaloow waxaa uu ka tirsanaa Xulka Qaranka Soomaaliya iy kooxdii Dowladda Hoose ee [Municipio]  waxaana uu ahaa laacib caan ku ah farsamaynta kubadda iyo gool dhalinta taaso uu ku mutaysatay magaca weyn ee uu maanta ku dhexleeyahay bahda isboortiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Allaha ha u naxariixtee Marxuum Maxamed Xuseen Cali {Shiikhaaloow} waxaa uu burburka dalka ka dib uu si weyn ugu howlanaa tabababarida iyo dhisida farsamada ciyaaryahanada soo koraya waxaa uu soo leyliyay kooxo badan isagoo soo saaray ciyaaryahano maanta metelayo qaranka Soomaaliyeed.

Wuxuu ifka kaga tegay sagaal caruur ah iyo xaas , Bahda Isboortiga maamulka iyo wariyeyaashaba warbaahintan waxay u dirayaan tacsi tiiraanyo leh qoyskii, ehelladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday, waxayna Allaah uga baryayaan in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo. Aamiin…Aamiin.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Yuusuf Indha Cadde oo ka shanqariyay in Madaxtooyada laga soo abaabulay qarax isagu lagu dili lahaa

Wasiiru dowlaga wasaarada gaashaandhiga dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaada Indhacadde ayaa sheegay in qaraxii habeen ka hor lagula eegtay wadada Makka Al Mukarama uu ahaa mid laga hagayay Xarunta Madaxtooyada.

Indhacade oo maanta shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay cidii ka dambaysay qaraxii dhawaan isaga iyo Wasiiro kale oo katirsan Xukuumada KMG lagula beegsaday qeybo kamid ah Wadada Makka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in qaraxaasi uu ka dhacay meel u dhow Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya islamarkaana ay aaminsanyihiin in hogaaminta qaraxaasi ay kaga timid dhanka Madaxtooyada.

Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade Wasiiru dowladaha Wasaarada Gaashaandhiga ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in hadda ay baaritaano wadaan taliska Ciidanka Booliska dowladda KMG Soomaaliya iyo sidoo kale Wasaarada arimaha gudaha ee Xukuumada KMG islamarkaana wixii baaritaanadaasi ka soo baxa ay dib ka soo sheegi doonaan sida uu carabka ku dhuftay.

Dhawaan ayay aheyd markii qarax lagula eegtay meel ku dhow Xarunta  Madaxtooyada Villa Soomaaliya ilaa iyo 3-Wasiir kuwaasi oo uu kamid ahaa Wasiiru dowladaha Wasaarada Gaashaandhiga ee dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Yusuuf Maxamed Siyaad Indhacade islamarkaana ay qasaaro ka soo gaartay dad rayid ah oo ku sugnaa halka uu qaraxu ka dhacay.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shabaab oo la sheegay ineey dileen qof ajinabi ay heeysteen

Kooxda naxarriista daran ee shabaab ayaa lagu soo waramay in qof ay heeysteen oo ajinabi ay dillenn sida la helay miliishiyada shabaab.

Lama hubo mid u yahay qofkaasi balse shababaab waxay gacanta ku hayaan nin duq ah oo u dhashay dalka ingriiska iyo mida kenyan ah mudo sanad ka badan ay hayeen somaaliya.

Labada qof waxay ahaayeen samafalayaal howlo dadnimo ka waday koonfurta Somaaliya. Waxaa kale oo gacanta kooxdan ku jiray nin u dhashay dalka faransiiska ee lagha afduubay Muqdisho.

Ila hadda lama yaqaan qofkaasi mid y yahay. Laba nin oo u dhashay Africa waqooyooyi oo u yimid waxa  shabaabku ugu yeeraan jihaad ayaa iyaguna u xiran shabaab in muddo ah tuhun bassasnimo.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Madaxweyne Shariif oo taageero deg deg ah codsaday

Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Somaliya Shariif Sh Axmed ayaa ka codsaday beesha Caalamka in taageero deg deg ah loo fidiyo Dowladiisa.

Sheekh Shariif wuxuu ka codsaday dalalka calaamka inay gacan ku siiyaan Dowladdiisa sidi ay dalka uga saari lahayd 20-sano oo colaado iyo dhibaatooyin is-biirsaday ah, ayna u gaarsiin lahayd dagaan iyo nabad.

“Beesha Calaamka waa inay ballanqaadyadooda dhaqaale u badalaan ficil, si Dowladda Soomaaliya ay ugu suurogasho inay dalka ka saaro dhibaatada raagtay” ayuu yiri  Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay dagaal kula jirto kooxo diidan inay hanaqaaddo, isagoo xusay inay uga baahan yihiin caalamka inay gacan ka helaan si ay kooxahaas uga adkaadaan.

“Dadka Soomaaliyeed waxay muddo 20-sano ah kusoo jireen dagaalo, daganaasho la’aan, qax, gaajo iyo dhimasho joogto ah, waxaan u baahanahay yabooh dhab ah si looga baxo dhibaatadaas” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Sheekh Shaiif wuxuu sheegay inay dowladdiisa haysato ammaan xumo gudaha ah, ayna wadaan qorshe ay isbadal ugu sameynayaan xukuumadda, isagoo sheegay inay ka go’an tahay inay soo magacaabaan koox karti u leh inay ka gudbaan howlaha adag ee dowladda horyaalla.

Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay Burcadbadeedda isagoo sheegay inay yihiin dhibaato muuqata oo dalka ka jirta, ayna dowladdiisa ka go’an tahay inay cagta mariso iyadoo kaashanaysa dalalka caalamka ee awoodda leh.

“Dhibaatada Soomaaliya ka jirta waxaa sii socoshadeeda sabab u ah faqriga baahay ee ay sababeen bini’aadamka, waxaana uga baahanahay caalamka inay gacan naga siiyaan sidii aan dhaqaalaha dalka u soo celin lahayn” ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladdiisu ay diyaarisay ciidamo ka badan 17-kun oo Askari oo isugu jira Milateri iyo Booliis, isagoo xusay inay dadaal ugu jiraan sidii ay hay’adaha dowladda dib u dhis ugu sameyn lahaayeen.

Wuxuu sheegay inay muhiimad siinayaan soo celinta dhaqaalaha dalka iyo ammaanka, ayna la kaashanayaan cid walba oo gacan ka siinaysa, isagoo sheegay in Baarlamaanka uu dooran doono Guddoomiye cusub.

Ugu dambeyn Madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu sheegay inay doonayaan inay dadka u soo saaraan khayraadka dalka ku aasan, isagoo si naxariis leh uga dalbay Madaxda shirka kasoo qaybgalay inay hiil iyo hooba ku siiyaan howlaha horyaalla xukuumaddiisa

Posted in DhacdooyinComments (0)

Dagaalo culus oo saaka mar kale ka qarxay Muqdisho

Dagaalo culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda KMG ah iyo Maleeshiyaadka ka soo horjeeda ayaa mar kale saaka ka qarxay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Dagaaladani ayaa xoogooda waxa ka dhacay degamooyinka  Shibis.Wardhiigleey.Hodan iyo howlwadaag, waxaana dagaaladan la isu adeegsaday noocyada kala duwan ee hubka, waxaana dagaalada dhinac socda duqeeymo xoog leh oo ay isweeydaarsadeen labadaasi dhinac, kuwaas oo ku dhacaya xaafado ka fog goobaha dirirtu ka socotay.

Ciidamada Dowlada ayaa guulo ka gaaray dagaaladan iyagoo ku sii siqaya goobo hor leh, waxaana sidoo kale ciidamada dowladu ay dib ula wareegeen goobo ay soo galeen maleeshiyaadka Dowlada ka soo horjeeda.

Dagaaladan ayaa daba socda kuwii daraad ka bilowday qeybo ka mid ah degmada Shibis, waxaana lagu soo waramayaa in dagaaladani ay geysteen qasaare isugu dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadka rayidka ah ee lagu duldagaalamayo.

Dagaaladani ayaa qeyb ka ah dagaaladii Maleeshiyaadka Dowlada ka soo horjeeda ay ka wadeen mudooyinkii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho kuwaas oo galaaftay nolosha dad farabadan oo rayid ah

 

Posted in DhacdooyinComments (0)

Madaxweyne Shariif iyo Ban Ki-moon oo khudbado xasaasi ah ka jeediyay shirka Istanbuul

Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Somaliya Shariif Sh Axmed oo ka qeybgalaya shirka Caalamiga ee looga hadlayo dib u dhiska dalka soomaaliya ee ka socda Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa khudbad uu saaka ka jeediyay ku sheegay in dhawaan la dhisi doono xukuumad cusub oo la jaan qaadi karta marxalada adag ee dalka ka jirta.

Isagoo khudbadiisa ka jeediyay saaka furitaankii shirweynahan ayuu ku sheegay mudadii Dowladdiisa jirtay in la dhisay toban kun oo Ciidamada militariga ah, 7000 oo Ciidamo Boolis ah.

Madaxweyne Shariif ayaa soo qaatay dib u habeyn dhawaan lagu sameyn doono Baarlamaanka dalka, isagoo sheegay in dhawaan la dooran doono hoggaanka sare ee Baarlamaanka KMG ah ee soomaaliya.

Madaxweyne Shariif ayaa yiri waxaan rabnaa inaan nabad ku soo celino dalka, ciidamada xooga iyo kuwa booliska waxaa ku socda dhismo, booliska waxaan diyaarinayay 7000 oo ciidamo ah, militariga waxaan diyaarinayay toban kun.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa isna kulankaas khudbad ka jeediyay wuxuuna sheegay in madaxda soomaalida looga baahan yahay in ay ka shaqeeyan nabada iyo dib u heshiisiinta, si looga hortago dhalinyarada dibadda ka imaanaysa eek u biiraysa kooxaha hubeysan ee islaamiyiinta kuwaas oo qaarkood fuliyay qaraxyo iyo dilal ka dhan ah dadka soomaaliyed.

Waxaa loo baahan yahay Hal Bilyan iyo afar boqol milyan oo wax looga qabta xaalada dalka soomaaloya ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay waxaa uu yiri waxaan halkan u joognaa inaan tusno hoggaanka sare ee Dowladda soomaaliya inaan taageersan nahay nidaamka iyo hoggaankooda.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shabaab oo bililiqeystay Idaacadda Soomaaliweyn

Maleeshiyada kooxda Shabaab ayaa maanta bililiqaystay qalabkii ay ku shaqeynaysay idaacadda Soomaaliweyn oo ka mid ah Idaacadaha madaxa banaan ee ku yaala woqooyiga magaalada Muqdisho.

Sida uu sheegay Agaasimaha Idaacdda Soomaaliweyn maleeshiyo ka tirsan Shabaab ayaa barqanimadii maanta gudaha u galay xarunta Idaacada waxayna soo jabiyeen Albaabada Xafiisyada ayagoo qaatay agabkii ay idaacaddu ku shaqeynaysay oo ay ka mid tahay FM-ta Raadiyaha.

Idaacadda Soomaali weyn ayaa hadda hawada ka maqan Abuukar Xasan kadaf oo ah agaasimaha Idaacadda ayaa Radio Muqdisho u sheegay in Shabaabku ay gacmaha ka xiren shaqaalihii joogay Idaacadda, wuxuuna tilmaamay Kadaf in ay arrintaani ay tahay mid lala yaabo, isagoo is weydiiyay sida ay Shabaabku xoolaha Muslimiinta ugu banaysanayaan magaca diimeed.

Maleeshiyada Shabaab ee bililiqaystay Idaacadda Soomaaliweyn waxaa hogaaminayay Xasan Xanafi oo Shabaab wakiil uga ah dilka wariyayaasha iyo falalka ka dhanka ah saxaafadda, wuxuuna xanafi cabsi geliyay maanta Shaqaalaha Idaacadda Soomaaliweyn oo qaarkood lugaha iyo gacmaha ay ka xireen maleeshiyaadka falaagada ah ee Shabaab.

Agaasimaha ayaa sheegay in Idaacaddu ay fulinaysay amarro ay soo rogeen maleeshiyaadku oo ah in aysan tabin Karin Suugaanta Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in aysan jirin wax dagaal ah oo kala dhaxeeyay kooxaha dagaalada ka wada Sooomaaliya.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Somalia’s ‘voice of the voiceless’ war reporter wins relaunched Speaker Abbott award

A reporter wounded covering the war and the plight of the displaced peoples in Somalia has been awarded the Tribune-sponsored Speaker Abbott award for outstanding contributions in the struggle for press and democratic freedom.

Mohamed Olad Hassan is to be flown to Britain to receive the award from Speaker Bercow at his official residence in Westminster on June 14.

A reporter for the BBC World Service, based in Mogadishu, Mohamed has become known as the “voice of the voiceless” in Somalia, risking his life during the past seven years in order to “inform the world, to tell the truth and bring peace and democracy to my own country”.

The Speaker Abbott award was launched by the Parliamentary Press Gallery in 2003 to commemorate the 200th anniversary of the press being allowed into the back row of the House Commons public gallery to report the proceedings of Parliament. Before that, there were no reserved seats for the press, who were often barred from entry.

The award is being relaunched with Tribune’s backing after a short period in which it failed to attract sponsorship. Previous winners have included murdered Russian journalist Anna Politkovskaya, Michel Kilo – imprisoned after becoming an emblematic figure in the struggle for democracy in Syria, Dumisani Muleya, chief reporter of the Zimbabwe Independent newspaper, Alfred Taban of the Khartoum Monitor and Associated Press reporter Jonathan Paye-Layleh for his work in Monrovia.

Source: Tribune Magazine

Posted in DhacdooyinComments (0)

Meyd laga helay agagaarka Baar Raaxo ee Magaalada Muqdisho

Meydka Wiil Dhalin yaro ah ayaa saakay lagu arkay meel aan sidaasi oga fogeyn halka loo yaqaano Baar Raaxo oo ku yaala inta inta u dhaxeysa Isgosyada Dabka iyo Bakaaraha ee magaalada Muqdisho halkaasi oo fariisimo u ah Ciidamo katirsan Culumaa’udiinka Ahlu sunna Waljamaaca.

Ilaa iyo hada macada cida ka danbaysay dilka Wiilkaasi Dhalinyarada ah iyo sababta loo dilay iyadoo aysan jirin cid ka hadashay Meydka wiilkaasi saakay lagu arkay Baar Raax, hase ahaatee ma ahan markii ugu horasay oo Meydka qof Dhalin yaro ah lagu arko inta u dhaxeesa isgosyada Dabka iyo Bakaaraha halkaasi oo ay isku hor fadhiyaan ciidamada Dowladda, Ahlu sunna iyo dablayda shabaab.

Dhinaca kale waxaa Saakay xiran Wadada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha oo ah wadada kaliya ee isku xirta dhinacyada ay u qeybsantahay magaalada Muqdisho islamarkaana halbowle u ah isku socodka Gaadiidka iyo dadwaynaha ku dhaqan gobolka Banaadir  xili wadadaasi uusan wax dagaal ah ka jirin, hase ahaatee waxaa la arkayay Wadayaasha Gaadiidlayda ka shaqeysa wadadaasi oo isticmaalayay Wadooyin qarda jeex ah oo ku yaala inta u dhaxaysa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Ra’iisal Wasaare Cumar” Go’aanka Madaxweynaha Sharci ma aha Xukuumadayda waxay jirtaa”

Ra’iisal Wasaaraha Dowladdii la kala diray Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa goor dhow ku dhawaaqay in wali ay shaqeyneyso Xukuumadiisa, isla markaana uu yahay wali Ra’iisul Wasaaraha, isagoo ku tilmaamay go’aankii Madaxweynaha mid aan sharci aheyn.

Cumar C/rashiid ayaa ku tilmaamay sharci daro go’aanka Madaxweynaha uu ku kala diray Xukuumadiisa,

“Go’aanka Madaxweynaha ma ahan mid sharci ah, waxba kama jiraan, wali Xukuumadeyda waa shaqeyneysaa”ayuu yiri Cumar C/rashiid oo.

Shirka jaraa’id ee Dr. Cumar C/rashiid ayaa waxaa uu ku sheegay in Golihiisa Wasiirada uu maanta la kulmay, isla markaana uu ku amray in ay sii wataan howshooda.

Hadalka ka soo yeeray Cumar C/rashiid ayaa waxaa uu sii xoogeysinayaa khilaafka ballaaran ee dowladda u dhaxeeyo, xilli shalay Madaxweyne Shariif uu ku dhawaaqay inuu kala diray Xukuumada, isla markaana uu casilay Xukuumadii Cumar C/rashiid

Ra’iisal wasaraaha ayaa sheegay in uu xalay la kulmay Madaxwaynaha Soomaaliya Shariif Sh Axmed ayna ka wadahadleen mustaqbalka xukuumada isagoo sheegay in uu tixgalinayo talada  madaxweynaha uuna u cadeeyay in aanu keenin is casilaada, islamarkaana aanay jirin xildhibaano kalsoonida kala noqday xukuumadiisa sidaa daraadeedna ay hawshooda wadanayaan.

“Waan la kulmay Madaxwaynaha waana u cadeeyay in aanan istiqaalo gayn” ayuu hadalkiisa sii raaciyay mudane Sharmaake

Posted in DhacdooyinComments (0)

Abuu Qaadi “dhawaan ayaan xuraynaynaa deegaanada Bakaaro iyo Dayniile”.

Ururka Ahlu sunna Waljameeca ayaa sheegay in ay dhawaan xoreyn doonaan deegaano badan oo ay oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka shabaab iyo kooxda al qaacida.

Madaxa Warfaafinta Culmaa’udiinka Ahlusuna Waljameeca Sheikh Cabdulaahi Sheekh Cabdiraxmaan Abuu yuusuf Alqaadi ayaa sheegay in ay wadaan qorshe dhibaatada loogu dul qaadaayo shacabka ku dhaqan Suuqa weyn ee Bakaaraha iyo degmada Dayniile, taas oo ay ku hayaan maleeshiyada kooxda Alshabaab ee qandaraaska ku soo qaatey baabi’inta umada Soomaaliyeed.

Wuxuu  xusey in ay la socdaan in maleeshiyada kooxda Alshabaab ay gaareen Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug waxuuna xaqiijiyey in aysan ku sii negaan doonin halkaasi oo xiisad u dhaxeysa ayaga iyo Xisbul-Islaam ka taagan tahay.

Wuxuuna  hadalkiisa ku daray Afhayeenku  in ay jirto qorshe  qarsoon oo ay wadaan Dowlada KMG ee Soomaaliya, Culimada Ahlusuna Waljamaaca iyo shacabka Soomaaliyeed oo looga gol leeyahay in guud ahaanba dalka Soomaaliya laga cirib tiro Maleeshiyaadka isu soo bahaysatey gumaadka shacabka soomaaliyeed, waxuun carabka ku dhuftey Afhayeenka Culimada in maleeshiyaadka kooxaha Shabaab iyo Xisbul Islaam ay  u dhexeeyo xifaaltan midba mid ka kale uga soo horjeedo.

Suuqa bakaaraha ayaa ka mid ah degaanada ay ku dhuuntaan kooxda shabaab iyo xubnaha Al qaacida ee jooga soomaaliya, waxayna Qatar ku yihiin ganacsiga suuqa iyo dadka ka soo adeegta suuqaas iyagoo maalin walba halkaas ku dila dad aan waxba galabsan.

Posted in DhacdooyinComments (0)

U.S. Expresses Continued Support for the Djibouti Peace Process

For publication and/or background use

U.S. Expresses Continued Support for the Djibouti Peace Process

Nairobi, 17 May 2010 – The U.S. expresses its continued support for the Djibouti Peace Process and the Transitional Federal Government.  We note the recent political turmoil within the TFG and would like to highlight that the TFG needs to be unified in its efforts to implement the Djibouti Peace Process, to confront those who would destroy the peace process through violence, and to focus on the important tasks at hand, including providing security and services to the Somali people in a transparent and accountable manner, and working to expand its base of support. 

For almost two decades, the Somali people have suffered from political crises, a breakdown in law and order, and corrupt and self-centered behavior.  The TFG should avoid the faults of the past and endeavor to find creative ways to build a better future for Somalia and its people. The U.S. remains committed to working with those actors in Somalia who seek reconciliation, peace, stability, and economic development in Somalia. We look forward to the Istanbul Conference on Somalia May 21-23, and expect that it will demonstrate the resolve of the international community to work with all responsible Somalis toward our common goals.

#

Posted in DhacdooyinComments (0)

Indha Cadde oo weerar afka ah ku qaaday Xukuumadii Cumar C/rashiid

Yuusuf Siyaad Indha Cadde oo ahaa Wasiiru Dowlihii Xukuumadii la kala diray ee Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa taageeray kala diristii Xukuumada, isagoo ku dhaliilay wax qabad la’aan.

Indha Cadde ayaa sheegay in Xukuumada Cumar C/rashiid ay gebi ahaanba ku fashilantay wax walba oo loo igmaday sida uu hadalka u dhigay.

“Runtii Xukuumadani waxay ku fashilantay wax walba, waxaana rajeynaynaa in la soo magacaabo xukuumad dalka iyo dadkaba wax u qabata”ayuu yiri Indha Cadde oo u muuqday inuu ku faraxsanaa kala dirista maanta Madaxweynuhu ku sameeyay Xukuumadii uu ka midka ahaa.

Indha Cadde ayaa ku eedeeyay Xukuumadii Cumar C/rashiid in ay awoodi weysay in ay soo ceshato deegaanadii ay horay Dowladda gacanta ugu heysay, isagoo tilmaamay in xitaa ay ka war hayaan in Cumar C/rashiid uu xiriir la leeyahay Alshabaab, isla markaana uu u gacan geliyay ilaa 4-kun oo qori sida uu hadalka u dhigay.

Mr Indha Cadde ayaa tibaaxay in Ciidamada tababarka dibada loogu diro aanay isaga lagala tashan, isla markaana ay qaarkood yihiin kuwo loo soo tababaro Shabaabka kaliya ee aan loo soo tababarin Qaranka.

Waxaa uu u soo bandhigay Warbaahinta hub uu sheegay in ay ka qabsadeen Shabaab, hubkaasoo uu tilmaamay in dhinaca Dowladda uu ka baxay, isagoo farta ku fiiqay in askar ka tirsan Dowladda ay ka iibsadaan Shabaabka sida uu yiri.

Ugu dambeyn Indha Cadde ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda aanay helin daryeel iyo mushaar, waxaana uu taasi ku qeexay in ay sahli karto in ay isu dhiibaan Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda

Posted in DhacdooyinComments (0)

Fikirkaada ka dhiibo Mustaqbalka Dowladda KMG ah ee Somaliya,raaca su’aalaha

Sidee u aragtaa muranka u dhaxeeya Madaxda Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, maxay kula tahay Mustaqbalka Dowladda KMG ah, Ma Sheekh Aadan Madoobe ayaa meesha isaga tagi doona mise Cumar C/rashiid fadlan jawaabta su’aalahan ku soo dir emailkan oo ah maamulaha@dalka24.com soo raaci sawirkaaga, magacaada 3 aad iyo halka aad degan tahay ama aad ku sugan tahay fikirkaaga bogga ayaan ku soo daabici doona isla markii na soo gaaro.

Xafiiska Wararka iyo Maamulka dalka24.com maamulaha@dalka24.com

Posted in DhacdooyinComments (0)

Daawo Sawirada fadhigii Baarlamaanka ee buuqa ku dhamaaday

Daawo, Sawirada fadhigii maanta Golaha Baarlamaanka ku yeeshay Magaalada Muqdisho kaas oo buuq fara badan ka dhashay markii dambena go’aano is burinayay ka soo baxeen.

Xafiiska Wararka iyo Maamulka dalka24.com maamulaha@dalka24.com

Posted in DhacdooyinComments (1)

Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid oo ka hor yimid go’aankii Baarlamaanka ee Xukuumadda lagu kala diray

Ra’iisul wasaaraha dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali, ayaa sheegay in go’aanka guddoomiyaha baarlamaanka uu yahay been abuur.

Wuxuu sheegay in guddoomiyaha laftiisa xilkii laga xayuubiyay kadib markii 319 xubnood oo ka tirsan baarlamaanka oo fariistay ay u codeeyay in xilkii laga qaaday, lana doortay guddoomiye ku meelgaar ah oo ah ninka ugu da’da wayn

Wuxuu ku eedeeyay guddoomiyaha baarlamaanka in uu ka been sheegay wixii ka dhacay baarlamaanka oo aysan jirin cid u codaysay dowladda, maadaama aysanba ahayn waxa la isku haystay arrinta dowladda, balse dooddu ahayn shir guddoonka baarlamaanka.

Wuxuu sheegay in guddoomiyuhu ku kacay fal qiyaano qaran ah, lalana xisaabtami doono.

Wuxuu xusay in ay goobjoog ahaayeen safaaradaha ku sugan Muqdisho iyo ciidamada AMISOM, kuwaas oo uu sheegay in ay la yaabeen go’aanka uu ku dhawaaqay gudoomiyaha baarlamaanka.

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, ayaa sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka lagala xisaabtami doono falka uu ku kacay

Posted in DhacdooyinComments (0)

Xildhibaano Barlamaanka ka tirsan oo gudoon KMG ah doortay

Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay magacaabeen sii hayaha Gudoonka barlamaanka Soomaaliya, ka dib markii ay sheegeen in uu waqtigu ka dhamaaday gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanadaan oo ku shiray  xarunta Golaha Shacbiga Soomaaliyeed ayaa oo tirsadooda ku sheegay 319 xildhibaan  ayaa sheegay in Xildhibaan xaaji Shukri Sh Axmed oo ah mudanaha ugu da’da weyn Barlamaanka Soomaaliya uu si ku meel gaar ah u noqon doono Guduuiyaha barlamaanka inta ay xildhibaanadu ka dooranayaan Gudoomiye.

Shirkaan lagu doortay sii hayaha Gudoomiyaha barlamaanka ayaa ka dhacay xarunta golaha Shacbiga Soomaaliyeed waxaana qabtay xildhibaano barlamaanka ka tirsan oo maanta diiday in Sh Aadan Madoobe uu shirka Barlamaanka uu daadihiyo sidii caada ahayd.

Waxaa saxaafadda loo soo bandhigay Baasabiirka xildhibaanka ay magacaabeen Barlamaanku oo ay ku qornayd in uu dhashay sanadkii 1925ti, waana Xildhibaanka ugu da’da weyn barlamaanka sida ay sheegeen Xubnihii doortay.

Waxay ka dambeysay doorashadaani ka dib markii qaar ka tirsan mudanayaasha barlamaanka Soomaaliya ay qeylo iyo sawaxan ku soo dhaweeyeen Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya, taas oo muddo saacado ah saamixi waysay in uu bilowdo Fadhiga Barlamaanka Soomaaliya, mudanayashaasi waxay diidanaaayeen in shirka uu gudoomiyo Sh. Aadan Madoobe oo ah gudoomiyaha Barlamaanka, balse ay sheegeen in waqtigii uu ka dhamaaday.

Saxaafadda ka soo qeyb gashay shirka ayaa bananka loo saaray inta uu socday sawaxanka Barlamaanka oo ay qeyb ka ahaayeen wasiiro xukuumadda ka tirsan, ka dibna waxaa soo baxay Gudoomiyaha barlamaanka, ayadoo xubnihii diidanaa Gudoomiye Sh. Aadan ay ku hareen madasha shirka, ka dibna ay doorteen sii hayaha Gudoomiyaha Barlamaanka oo ay u codeeyeen in uu yahay Xaaji Shukri Sh. Axmed

Posted in DhacdooyinComments (0)

9 qof, ayaa Muqdisho ku dhimatay

9 qof, ayaa ku dhintay, in ka badan labaatan kalena way ku dhaawacmeen kadib markii duqan la isku waydaarsaday magaalada Muqdisho.

Duqaynta culus oo ka imanaysa dhinaca dowladda iyo ciidamada AMISOM, ayaa bilaabatay kadib markii xoogaga ka soo horjeeda dowladda ay hoobiyayaal ku weerareen fadhiga baarlamaanka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya oo maanta ka dhacay xarunta Golaha Shacabka.

Inta badan dadka dhintay, ayaa waxaa ku dhacay madaafiicda laga soo riday Suuqa Bakaaraha iyo dhinaca dowladda iyo ciidamada AMISOM oo lagu garaacay suuqa Bakaaraha.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shabaabka oo Madaafiic ku weeraray xarunta Baarlamaanka iyo Jawaab culus oo laga bixiyay

Maleeshiyada hubaysan ee Al Shabaab  ayaa Maanta waxaa ay weerar hoobiyaal ah ku qaadeen Xarunta golaha shacabka ee ay ku shirayaan mudanayaasha Barlamanka KMG ee Soomaaliya iyadoo xiligaasi kadibna ay u soo jawaabeen ciidamada AMISOM ee ilaalinaya goobta Shirka.

Duqeymaha la isku weydaarsaday Magaalada Muqdisho ayaa sababay qasaare hantiyadeed iyo mid nafeed oo soo gaaray dad rayid ah waxaana madaafiic ku soo dhacday qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ku geeriyooday dhowr qof halka kuwa kalana ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale madaafiic ku soo dhacday Suuqa ayaa sababtay in dab uu qabsado qeybo ka mid ah Suuqa waxaana haatan gubanaysa goob ganacsi oo kutaala dhinaca sarifyaraha ee Suuqa Bakaaraha iyo nawaaxiga Hotel kismaayo.

Madaafiicda ayaa la isku weydaarsanayaan Muqdisho waxaana wali magaalada ka socda Fadhiga mudanayaasha Barlamanka xoogaga hubaysan ayaa wali sii wada duqeynta ay u geysanayaan nawaaxiga goobta uu shirku ka socdo.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Taangiyada Ciidamada AMISOM oo soo dhoobtay hareeraha Xarunta Golaha Shacabka

Taangiyada Ciidamada AMISOM ayaa saaka waabarigii soo dhoobtay hareeraha Xarunta Golaha Shacabka oo lagu wado in saacadaha soo socda uu ka furmo Kalfadhiga Baarlamaanka, iyadoo ay xireen wadada Sayidka ee hor marta Madaxtooyada.

Ciidamada AMISOM ayaa ilaa dhowr Taangi ku calaqay qeybaha Kooxaha Mucaaradka ka joogaan Caasimada, iyadoo taangiyadu ku fooraraan dagaan daga Sayidka gaar ahaan Suuqa Bakaaraha.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ay fuuleen Daarta Golaha Shacabka iyo Taalada Sayidka, oo ah koonaha ugu sareeya Caasimada, isla markaana magaalada gees ka gees aad sheeda uga jeedo.

Saaka Waabarigii ayaa Ciidamada waxay miino baaris ka sameeyeen nawaaxiga iyo gudaha Xarunta Golaha Shacabka, waxaana ay u diideen in ay soo galaan qof shaqsi ah.

Ciidamada AMISOM ayaa si aan horay loo arag u sugaya Ammaanka Xarunta Golaha Shacabka, waxaana ku sugan Ciidamo fara badan oo ay ka soo daabuleen Xarumahooda, kuwaasoo gudaha xarunta iyo banaankaba jooga.

Kulanka Baarlamaanka oo ah mid aad xasaasi u ah ayaa waxaa dadka reer Muqdisho uu ku reebay dareen cabsi iyo murug isugu jirta, taasoo dadka ay sheegayaan in ay ka dhalan karto dagaalo lagu hoobto.

La soco daqiiqad kasta wixii ku soo kordha

Posted in DhacdooyinComments (0)

Baarlamaanka KMG ah oo saacadaha soo socda kulmi doona

In kastoo wax saadal ah laga bixin Karin xaaladda Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo lagu wado in maanta kala fadhigiisa ka furmo magaalada muqdisho xilli dood xasaasi ah u dhaxeysa xubnaha baarlamaanka oo qaarkood ku doodaya in waqtigii Guddoonka Baarlamaanka uu dhamaaday halka kuwa kalena ay leeyihiin Guddoonka waa sii shaqeynaya waqtigiisa ma dhamaan.

Amaanka fadhiga Baarlamaanka ayaa waxaa ilaalinaya ciidamada nabad ilaalinta AMISOM Guddoomiyaha Baarlamaanka Sh Aadan Madoobe ayaa waxaa uu doonayaa inuu gacan bir ah ku qabto shirka isagoo cadeeyay in uu si adag u maamuli doono shirka.

Madaxweyne Shariif ayaa la filayaa inuu khudbad dheer ka jeediyo furitaanka kulanka Baarlamaanka .

Il gaar ah ayaa lagu haaya kulanka maanta wixii war ah oo ku soo kordhana wararkeena soo socda ayaa kaga bogan doontaan.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Safiirka Talyaaniga ee Somalia oo Wadahadalo 3 Geesood ah la yeeshay, Shariif Sh Axmed, Cumar C/rashiid iyo Sh Aadan Madoobe (Sawiro Badan)

Safiirka dowladda Talyaaniga u qaabilsan Somalia Mr Stifano Dejak ayaa maanta booqasho gaaban ku yimid magaalada Muqdisho isagoo kulammo la qaatay madax ka tirsan dowladda kmg ah ee somlaia.

Safiirka waxa uu magaalada Muqdisho ku soo gaaray diyaarad gaar ah oo ka soo qaadday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxaana garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ku soo dhaweeyay madax ka tirsan dowladda Somalia oo ay ka mid ahaayeen wasiiirka boostada iyo isgaarsiinta C/risaaq Cismaan Jurlille iyo wasiirka amiga qaranka Cabdullaah Maxamed Xasan Sambaloolshe.

Safiirku waxa uu ugu horreyn kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Calli Sharma’arke ka dibnna waxa uu  u sii gudbay xarunta madaxtooyada halkaas oo uu kulan muddo kooban socday kula qaatay madaxweynaha dowladda KMG ah ee Somalia Sheikh Shariif Sheikh Axmed.

Sidoo kale Safiirka Talyaaniga Stifano oo ay tahay markii ugu horreysay ee uu booqasho ku yimaado Muqdisho, waxa uu la kulmay guddoomiyaha baarlamaanka Sheikh Aadan Maxamed Nuur iyo madax kale.

Laakiin socdaalka Safiirka ayaa ilaa iyo hadda waxaa uu salka ku haaya la ogeyn sidoo kalena lama oga in socdaalkiisa la xiriiro khilaafka u dhaxeeya Baarlamaanka KMG ah.


Posted in DhacdooyinComments (0)

SYL-2 oo munaasabad lagu xusayay maalinta dhalinyarada Soomaaliyed ku qabatay Muqdisho iyo Nairobi.

Ururka Dhalinyarada Soomaaliyed, SYL=2  oo ujeedada loo aasaasay tahay sidii mar kale dhalinyarada Soomaaliyed u badan baadin lahaayeen dalkooda ayaa munaasabado lagu xusayay maalinta dhalinyarada Soomaaliyed ku qabtay Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliyed.

Xafladan oo ay ka soo qeybgaleen, Xubno ka socda Labada Gole ee Dowladda KMG ah, Saraakiisha Ciidamada Booliska, Haweenka Gobolka Banaadir, Ururada dhalinyarada Gobolka Banaadir iyo Culumaa’udiinka ayaa waxaa looga dabaaldegayay xuska qiimaha leh ee 15 May maalintaas oo dadka Soomaaliyed ku xusuustan SYL ama 13 kii dhalinyaro ee aas=aastay ururka SYL.

Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Soomaaliyed, SYL-2, Faarax Xaaji Cali (Faaraxey) oo munaasabadaas ka jeediyay khudbo dhinacyo badan ka hadlaysay ayaa ugu horeyn waxaa uu ka warbixiyay ujeedada loo aas-aasay SYL-2 isagoo sheegay in markii ay arkeen dhibaatada gaamurtay ee dalka ka taagan iyo loo baahday in mar kale la helo dhalinyaro isku duuban oo badbaadin karta dalka ay gar waaqsadeen in la dhiso ururkan loo bixiyay SYL-2, wuxuuna sheegay in muhiimada koowaad ay siiyeen sidii dhalinyarada looga joojin lahaa ka qeyb qaadashada dagaalada sokeeye ee dalka ka socda, ka hortaga dhalinyarada Tahriibka ah ee ku dhimanaya badaha Liibiya iyo Yeman.

“Markii aan ku dhawaaqnay Ururkan, waxaan bilawnay inaan dhexgalno kooxaha hubeysan anagoo ku dhiiranay in dhalinyarada laga dhigo hubka lagana soo saaro kooxaha ay ka tirsan yihiin, tallaabadaas waxay noqotay mid lagu guuleysto”ayuu yiri Guddoomiyaha SYL-2 Faaraxey.

Waxaa uu sheegay in tallaabada ay qaadeen isaga iyo saaxiibadiisa ku guuleysteen  in ku dhawaad 200 oo dhalinyaro ah ay hubka ka dhigaan muddo ka yar 3 bilood,wuxuuna sheegay in qaar ka mid ah dhalinyaradaas loo fidiyay waxbarasho lacag la’aan ah qaar kalena la baray farsamada gacanta si ay u shaqeystaan.

Wuxuu u mahad celiyay dhalinyaro soomaaliyed oo dibadda ku dhaqan kuwaas oo gacan ka geystay dhiirigelinta ururkooda SYL:-2.

“Maanta waxaan joogna halkii ay taagnaayen dhalinyaradii SYL, markii dalka haystay gumeysiga, haatan dalkeena waxaa uu ku jira gumeysi la mid ah ah kii na haystay 60 kii ka hor”ayuu yiri Faaraxey.

Waxaa uu sheegay in dalka soomaaliya uu maanta ku jiro dhibaato adag loona baahan yahay in laga badbaadiyo dhibaatadaas, waxaana kaliya ee badbaadin kara dalka waa dhalinyarada Soomaaliyed.

Dalka Soomaaliya oo mudo 50 sano ka hor iska dul qaaday hadamadii Gumeystihii Talyaaniga iyo Ingiriiska, waxaa mudnaantaasi iska lahaa 13 dhalinyaro Soomaaliyeed oo hoggaanka u hayey Xisbigii Gobonimo doonka SYL (Somali Youth League) oo horay loo oran jiray SYC, dhalinyaradaasi oo ku mideysnaa qiiro wadaninimo oo ka dhiidhinayey gumeystihii dalka ku soo duulay.

15.05.1943-kii Xisbigii SYC oo ah maalintii dhidibada loo taagay waxaa uu ku bilowday qaab urur dhalinyaro, maadaama Gumeystuhu xiligaasi ogoleyn dhaq dhaqaaq siyaasadeed, iyadoo dhibaato badan laga maray sidii uu ururkaasi u noqon lahaa mid Siyaasadeed, muddo kadib waxaa lagu guuleystay in uu u xuub siibto urur siyaasi ah oo la magac baxay SYL sanadku markii ahaa 1947-kii.dhalinyaradaasi oo ka dhiidhinayey hagar daamadda gumeysiga uu ku hayey shacabka Soomaaliyeed iyo ujeedadii Ingiriiska ee aheyd QEYBI OO XUKUN.

Waxay xil iska saareen sidii shacabka Soomaaliyeed xornimo u gaarsiin lahaayeen, iyagoo baaqoodu ahaa Qabiil Qaran ma noqdo, wuxuuna hadafkoodu uu ahaa Soomaali oo xor taasoo ay taageerayeen guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku noolaa guud ahaan dhulka Soomaaliyeed.

Markii uu SYC isku badalay SYL waxaa bilowday dadaal dheer oo dhalinyaradaasi ay ku doonayeen in ururku uu noqdo mid jira oo aqoonsi ka hela guud ahaan dunida, waxaana markiiba uu noqday urur jira kana qeybgala shirarka caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay, waxayna mar walba gudbin jireen fariinta shcabka Soomaaliyeed ee ah diidmada gumeysiga dalka heystay sidii la isaga dul qaadi lahaa.

Wasiirada horumarinta reer miyiga dhirta iy daaqa ahna sii hayaha Wasaarada dhalinyarada iyo sportiga marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka hadashay munaasabadaas qiimaha leh,waxayna sheegtay in dhalinyarada soomaaliyed looga baahan yahay in ay hubka dhigaan una istaagan dib u dhiska dalkooda hooyo.

R’iisal Wasaare kuxigeenka Dowladda KMG ah  C/waaxid ayaa ka hadlay isna munaasabadan qiimaha leh, wuxuuna sheegay in SYL-2 looga baahan yahay in ay ku dhiirigeliso dhalinyarada soomaaliyed ka qeyb qaadashada nabada iyo xasiloonada.

Duqa Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Enj Nuune ayaa ka mid ahaa dadkii munaasabadaas ka hadlay.

“Ururkan lama dhihi karo SYL-2 waayo waa SYL rasmi ah, waan in lagu taageera Barmaanijkooda”ayuu yiri Duqa Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), Wasiirka Lacagta C/raxmaan Yariisow iyo xubno kale oo fara badan ayaa ka hadlay xafladaas.

Dhinaca kale Xaflad taas la mid ah ayaa Ururka SYL-2 waxay ku qabteen Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shabaabka oo ka cararaya degmada Ceelbarde

Gudoomiyaha Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool Ibraahin Cumar dheere ayaa sheegay in ciidamada Dowlada KMG ah ay la wareegeen qaar ka mid ah Kontoroolo ku yaala wadada dheer ee isku xirta Degmooyinka Ceelbarde iyo Xudur.

Wuxuu tilmaamay in Maleeshiyaadka Shabaab ay kala wareegeen gacan ku heeynta qaar ka mid ah Kontoroolada ku yaala Wadadasi,  kadib markii ay weerar dhabarjebin ah ku qaadeen Ciidamada Dowladu Maleeshiyaadkii shabaab ee halkaasi ku sugnaa.

Waxaa uu ayaa sheegay oo tibaaxay in Ciidamada Dowlaadu ay diyeer u yihiin in ay iska difaacaan ama ay u jilib dhigaan gurmad kasta oo shabaab ah oo ka yimaada dhanka degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in ay u diyaargaroobeen markaan in daqiiqadaha ugu danbeeyay ay ciidamada Dowladu galaan degmada Ceelbarde ee Gobolkasi.

Maleeshiyada Shabaab ee ku sugan degmada Ceel Barde ayaa dhankooda sameeyay dhaqdhaqaaq Muujinaya in ay ka baqdin qabaan weerar kaga yimaada Ciidamada Dowlada ee gacanka ku dhigay dhowr kontorool oo ku yaala wadada isku xirta degmooyinka Ceelbarde iyo Xudur.

Maleeshiyada Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in dadka rayidka ah ay u diideen in ay ka qaxaan degmada Ceelbarde, warka ayaa intaa ku daraya in qaar ka mid ah Maleeshiyada Shabaab ay isaga carareen degmadaasi kadib markii ay ka warheleen in ciidamada Dowladu ay ku soo wajahanyihiin halkaasi

Posted in DhacdooyinComments (0)

Maxkamad ku taallo Maraykanka oo dib u dhigtay kiiska rag ku eedeysan Burcad badeednimo

Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa dib u dhigtay Maxkamadeynta 6-Nin oo Soomaali ah, kuwaas oo ay ku eedeysay inay Weeraro Burcadbadeednimo ah ku qaadeen Maraakiib kamid ah kuwa Badda ee Dowladda Mareykanka.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa soo xigatay Xaakinka Maxkamadda Degmada Norfolk oo ka tirsan Gobolka Verginia ee dalka Mareykanka, isagoo tilmaamaya inuu dib u dhigay Maxkamadeynta 6-Nin oo Soomaali ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay Falal Burcadbadeednimo ah ka fuliyeen Meelo ka baxsan Xeebaha Afrika si dhinacyadaasi loo siiyo Waqti badan oo ay isku diyaariyaan.

Xaakimka Maxkamadda Degmada Norfolka Raymond A. jakson ayaa maalintii Khamiista dib u dhigay Maxkamadeynta Muwaadiniintaasi Soomaalida laga bilaabo Bisha July ee soo socota ilaa 19-Bisha October, waxaana lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen Weerarkii lagu qaaday Markabkii Ciidamada Badda Mareykanka ee loo yaqaano Uss Ashland  10-kii  April ee lasoo dhaafay.

6-da Muwaadin ee Soomaalida ah ayaanan ku hadli Karin Luqadda Ingiriiska iyadoo lagu soo eedeeyay Falal Burcad badeednimo ah iyo Arrimo kale, waxaana suuro gal ah inay wajahaan Xabsi daa’in haddii ay ku cadaato Eedeymaha loo heysto.

Xaakimka ayaa soo saarista Go’aanka  Dib u dhigidda Maxkamadeynta Muwaadiniintaasi Soomaalida ah u cuskaday Awoodda uu u leeyahay inuu kula dhaqmo Muwaadiniintaasi in loo helo Warbixin Qeyxan, isalamarkaasna ay Eedesaneyaashaasi ku adagtahay  in ay ku hadlaan Luqadda Ingiriiska.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Khawaarijta iyo qaraxyada masajidda

Runtii waa arrin aad looga naxo in Masaajid la qarxiyo, laakin waxaa nasiib darro ah in dadka sheeganaya aqoonta aysan ka hadlin, kuwi isku dayay inay wax ka sheegaanna waxay shaki geliyeen cidda ka dambeysa qaraxyada masaajidda..dad sheeganaya aqoon ayaan ogeyn ama darayensaneyn dhibaatada meesha ay ka socoto iyo cidda dabada ka wada ee maalgelisa…
Jirro ama cudur kasta waxaa la daaweyn karaa marka la garto waxa ow yahay oo lagu sameeyo tashkhiis ..kaddib ayaa la raadiyaa daawadiisa iyo sida looga horttegi karo loona ciribtiri karo.

Dhibaatada Soomaaliya heysata magaceeda waa WAHHAABIYYA, kumana koobna Somalia oo kaliya ee waxay saameysay dalal badan oo Muslim ah oo isla dhibaatada na heysata oo kale ay ka jirto…waxaase annaga intaa noo dheer dowlad la’aan iyo shacab aan dareyn lahayn kii daren lehna owsan damqan ama ka dhiidhin dadka waxa ku dhacaya iyo dalka sii baaba’aya..waxyaabaha aad looga xanuunsado waxa ka mida in Fu’aad Shongole markow dhaawacmay ow cabsaday, markaasna raadiyay inuu raalli geliyo kuwi sida dadban u soo adeejiyay isagoo dhahaaya waxaan akhrinaayay buuggii Ina Cabdilwahaab oo dad badan lagu marin habaabaiyay ee fatxul majiid, asagoo isleh ku badbaad…waayoo qaraxa waxaa ka dambeeya isla qaybo ka mida shabaabka oo howlo kale loo soo adegsaday, wuxuusan ogeyn in Wahaabiya markey kuu arkaan inaad hadafkooda khatar ku tahay iyagaa kaa takhulusaaya sidi ay uga takhluseen kuwi kaa horreeyay adiga ee kaa aqoonta badnaa, marki loo arkay inay hadafki laga lahaa lagu gaaray.

KHAAFALLAAH MAN CARAFAH(Ilaahey qofki yaqaannaa ka baqa)  Fu’aad waa cabsaday, laakin Ilaahey kama cabsan waayoo Ilaahey ma yaqaanno, wuxuuna xalaaleystay dadka masakiinta ah dhiigooda – iyagoo magacyo u kala bixiyay, waxaase kaa ka sii daran ninka la yiraahdo Xasan Daahir oo madax ka ah xizbu sheytaan oo yiri  qaraxyadani waa arrin nagu cusub oo dibadda laga keenay…wuxuu illaabay in xawaalo faagidda iyo dadka qoorta laga gooyo ay yihiin arrin caadi ah oo aan nagu cusbeyn….. waayoo kuwa asaga soo adeejiyay ayaa xawaalihi asaxaabta sidaas u faagay oo burburiyay…qaraxyada masaajidda waxaa ka dambeeya sida ay isku raaceen dadka afcaasha khawaarijta taxliiliya qaybo ka tirsan xizbu sheytaan, madaxda iyaga mawila oo maal geliya ayaa oggolaatay ( labadooda isku qolo ayey u adeegaan) waxayna ka aar goosanayaan Shabaabka oo ka dilay dad fara badan meelo badanna ku bahdalay..

Haddaba, Fu’aad (oo ah small fish) iyo Xasan Daahir oo xalaaleysatay in xabaalaha la faagto dadkana la qalo oo madaxa laga gooyo waxaan xasuusineynaa Xadiithul qudsigi saxiixa ahaa MAN CAADDAANI WALIYAN FAQAD ADANTUHU BIL XARBI . xarbiga Ilaahey Cazza wajalla ha moodina askar in la idiin soo diraayo sidi ow mooday Nabruud Ben Kancaan oo diyaarsaday ciidamo si uu Ilaahey ula dagaalo, markaasaa waxaa loo soo diray dhilmaanyo, adinakana inta aad ku howlan tihiin owliyada Ilaahey ogaada inuu Rabbi Jalla fii Culaahu uusan idin moogeyn oo la idiin jeedo, laydinkana abaal marinaayo afcaasha foosha xun ee aad ku keceysiin adinka iyo inta aad ku adeegatiin iyo inta niyadda idinka taageertaba adduunkana waa ku cadaaban tihiin, waayoo nin kasta oo ka soo horjeesta xuska Nabiga (Caleyhi afzalussalaati wassalaam) adduunkaa lagu imtixaanaa asagoon dareemin, aakhirana waa idin sugee…wadaadka Ina Cabdelwahaab waxa aad dembi faleysiin jizadeeda qayb ayow ku leeyahay waayoo waxaad adeegsateen afkaartiisi iyo in aad ummadda tiraahdiin towxiid ma taqaaniin waana tan aad ku qaladeen dad badan oon weligood arag culumo sax ah oo diinta Ilaahey u adeega..dadka aad adeegsatiin waa kuwi dhashay ama soo barbaaray xiligaa burburka jiray oon aqoon u lahayn diinta iyo culumadi ummadda oo xalaasha ahaa.

Xawaalaha aad faagteen waxaa ku aasnaa culumo magac iyo ixtiraam weyn ku leh mujtamaca Somaliya, risaaladina si wanaagasan u fuliyay, ummaddana diinta baray sidi Sheikh Cadirahman Celi (Warsheikh) oo kutubtiisa laga helo maanta Jaamicatul Azhar, Sheikh Muxaddiin Celi oo mowliciisa ay ka soo bexeen xaafidiin maanta meel kasta adduunka ku sugan ee dibadda iyo dalkaba, Sheikh Maxamad Biyamaalow oo ilaa cimrigiisu ka gaaro 80 sano dadka Qur’aanka baraayay..Sheikh Aweys Al-qaadiri, Sheikh Nuur Xuseen oo ku aasan Jilib Gosha ..Culumadaas waxba kama hallaabin ee adinka aakhirdiina halkaas ku bas beeshay…War haddii aad diin wadiin ama aad u adegtiin Diintaan xaniifka ah waxaad raaci lahaydeen awaamirta Ilaahey oo markii Nabiyyuna Ciisa iyo walaakii Haaruun loo diray Fircown wuxuu Ilaahey ku yiri labadooda :FAQUULAA LAHU QOWLAN LAYYILAN LACALLAHU YATA-DAKAR OW YAKHSHAA, waana Fircown oo uu Ilaahey yaqaanno inuusan kheyr lahayn ayaa lagula taliyay inay si qabowsan ula hadlaan, xikmada waxay tahay iyaga ayaa Ilaahey baraayay sida risaalada loo gudbiyo sidoo kalena…Nabi Muxammad ( Caleyhi Salam) waxaa lagu yiri WALOW KUNTA FAZZAN GALIIDAL QALBI LANFAZUU MIN XOWLIKA..adinkana Shabaab sheytaan waxaad karbaashteen nin  si hoose naag u nikaasaday, waayoo diinta aad heysatiin ma ahan tii Ilaahey waa tii Wahaabiya oo diiday kana horjeesatay ijmaacul culumaa iyo al-aimmatul arbaca…Ina Cabdiwahaab wuxuu ahaa ninki inkiray xadiithki saxiixa ahaa MAN ZAARA QABRII WAJABAT LAHU SHAFAACATII markaasow ku andacooday massajidka niyeysta ee qabriga ha niyeysanina…..Waa dhunsanaa kuwi raacana waa ka daba dhumeen…WALAA TAXSIBANNALLAAHA GAAFILAN CAMMA YACMALU ZALUMUUN INNAMA YU AKHIRUHUM LIYOWMIN TASH-KHASSU FIIHIL ABSAAR…..

Haddaba, hadafka laga leeyahay faafinta wahhabiyya waa maxaay?

Danta laga leeyahay kuma koobna oo kaliya faafinta fikradaha Wahhabiyya, balse waxay tahay wasiilad lagu gaarayo hadaf intaas ka qoto dheer oo dalalka dhibaatada laga abuurayo laga leeyahay mid waliba si gooni ah : Somaliya waxaa lagala dagalaya inay degto si aan batrool looga qodin, waana arrin muddo dheer soo socotaya herar kala duwanna soo martay, laakin maanta marki la waayay dowlad la adeegsan karo oo fulisa tacliimaadka la faraayo waxaa khasab noqotay in dalka oo dhan la burburiyo, dadkana laga dhigo kuwa qaxa, kuwa dhinta iyo kuwa lagu adeegto iyagoon dareensaneyn, sida kuwa maanta jooga dalka oo la yiri waxaa tihiin mujaahidiin, wax alla wixii ay u baahdaan oo maalgelin ahna loogu deeqo, hubka korkooda saaran waa ka qiimo badan yahay baabuurta ay wataan oo ah kuwi ugu dambeeyay..xagee laga keenay? yaa ku deeqay?..waa maxaay jihaadka ka jira Soomaaliya oon ka jirin Afgaanistaan iyo Falastiin?

Waxaan u shegeynaa xirta Wahhaabiyya inay malmahoodu soo koobmayaan, meelo badan oo adduunka ahna loo arkay waxa ay tahay oo dhabta ah oo ah tan mawisha waxa lagu magacaabo argagaxisada, meelo baddanna ka billaaban doonto olole lagu ugaarsanayao inta u adeegta lagana sifeyn doono Soomaaliya & adduunka oo dhan Inshaa Allaah..Inshaa Allaah
ALLAHUMMAJCAL TADMIIRAHUM FII TADBIIRIHIM…. AAMIIN

Maxaa xal ah?

Dadki xalka laga filaayay waa dowladda maanta jirta oo ka kooban barlamaan iyo golaha wasiirrada, waxaase nasiib darro ah in badankooda dadka laga sugaayo inay Somaliya u hogaamiyaan meel nabad ah ay ku mashquulsan yihiin Guddoonka barlamaanka ha laga qaado xilka, taas loolama jeedo dan dadka iyo dalka leeyihiin, waa mid lagu raadinaayo inay heelaan mushaharka ow qaato iyo tas-hiilaadka kale ee uu leeyahay guddoomiyaha baarlamaanka…waxaa jira mathal ah aaway cir hoostiis lagu caweeyo waryaa u sheega inaysan joogin meel boos iyo hunguri loo hanqal taago ee maanta ay taagan tahay waryaa dadkaan iyo dalkaan badbaadi kara, yaa diyaar u ah inuu tadxiya sameeyo oo uu iska dhaafo damacii siyaasadeed ee uu ruux waliba ku hamminaayay lana helo dad diyaar u ah inay naftooda iyo dantooda u huraan sidii Soomaaliya loo badbaadi lahaa intay goori goor tahay.

Kuwa maanta raadinaaya inay dalka madax ka naqdaan waa kuwo gurigooda maamuli waayay oo qoysaskoodi dunsan yihiin iyagina hunguri ka haayo inay Somali madax u noqdaan oo wixii laaluush ay helii karaan boobaan, kaddibna dibadaha iska fadhiistaan…inta baarlamaanka ku jirta ma jiro hal qof oo dalka ku nool, waxayna ka wada yimaadeen dibadaha si ay ceyrta ay qaataan xoogaa u kororsadaan, marki hagardaamo loo baahdana loo yeero si ay ummadda u sii lug gooyaan, dalkana u sii burburo, nabadna aan weligeed la helin sida ay rajeynayaan qaar badan oo magaca Soomaali nala wadaaga, laakin burburka dalka iyo baaba’a ummadda
ku raaxeysta….
Dadweynaha waxaan kula tali lahaa inay iska qabtaan Khawaarijta oo ay la dagaallamaan sidii dadweynahi Muqdisho ay ula dagallameen Siyaad Barre oo ka awood iyo hub badnaa kkhawaarijta iyo zisbu sheytaan, waxaadna uga adkaan kartiin inaad hal mar wada kacdiin ood isku shubtiin meesha ay joogaan sidi ay yeeleen dadkii Xamar ku dhaqnaa oo ugu galay Villa Somaliya asaga iyo askartiisi kana saaray dalka oo dhan… Ilaaheyna waa idinn gargaaraa waana idin guuleyhaa waayoo waxaad la dagallameysiin daalimiin diinta meel uga dhacay, dadkana hoojiyay, wax ka daranna soo wada…Allaha idiin gargaaro.kuwaanna Allaha naga qabto Inshaa Allaah…aamiin..�

Axmad Cadde
addowgeedi@live.com

Posted in DhacdooyinComments (0)

Maleeshiyada shabaab ma ogola Maalinta SYL waxayse ogol yihiin Calanka Madow

Dablayda Shabaab, ayaa diiday in la xuso maalinta caanka ah ee 15 ka may maalintaas oo ah markii la aasaasay ururkii caanka ahaa ee SYL oo ka koobanaayan 13 ka dhalinyaro ee ku midoobay halgankii somalinimada ee gumeysiga lagula dagaalamayay.

Maleeshiyada shabaab ayaa waxay sheegeen in maalintaas ay tahay maalin gaalo oo balse bedelka calanka soomaaliya ay ku bedeleen calanka madow ee shabaabka astaanta u ah kaas oo laga soo manguuriyay dalalka Afganistan, Lubnaan iyo Bakistaan.

Al Shabaab oo ah u adeegaha Al qaacida ee geeska Afrika, waxay ka soo horjeedan dhamaan maalmaha astaanta u ah Qaranka soomaaliyed, waxayna u yaqaanan maalmaha qiimaha leh xuska Usma Ben Laden hoggaamiyaha Al qaacida.

Maleeshiyada Shabaab waxay ku sheegeen dhalinyaradii SYL kuwa u adeegayay gaalada kana soo horjeeday danta Islaamka.

Posted in DhacdooyinComments (0)

SYL-2 oo Munaasabada 15 May darteed ku qabtay Muqdisho Cayaaro

Ururka dhallinyarada Soomaaliyeed SYL-2 ayaa ku howlan xuska maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15 may oo ku began maalinta sabtida ee fooda nagu soo haysa.

Afhayeen u hadlay SYL-2 ayaa sheegay in maalintaasi ay ugu talgaleen in ay soo bandhigaan tusaalooyinkii wanaagsanaa  ee ay lahaayen dhalinyaradaasi  ciyaaro Kubada cakta hidaha iyo dhaqanka soomaalida  kuwaas oo ay dhamaantood ku muujinayaan halgankii taariikhiga ahaa ee ay lahaayeen 13 dhalinyaro ee ku midoobay ururka SYL islamarkaana xurnimada gaarsiiyaya umada Soomaaliyeed.

Gudooomiyaha naadiga dhalinyarada SYL-2 ayaa diyaar garowgaas ku aadan maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL   sheegay in muhiimadu ay tahay in umada la xasuusiyo halgankii dheeraa ee ay lahaayeen dhalinyaradaasi u midoobay ka xureynta umada gumaysigii xiligaasi haystay.

Maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May waa maalin taariikh ku leh shacabka Soomaaliyeed, waana aasaaska xoriyadda dalka Soomaaliya, ayadoo abaal badan looga hayo halgamayaashii Soomaaliyeed ee ku midoobay ururka Dhallinyarada ee SYL

Posted in DhacdooyinComments (0)

Mid ka mid ah Saraakiisha sar sare ee Dalka Jabuuti oo gurigiisa laga helay Isagoo xabbado ay ku yaalaan oo mayd ah

Cabdi Boqorre  Taliyihii ciidamada Ilaalada Qaranka dalka Jabuuti ayaa laga helay gurigiisa habeen hore isagoo ay dhowr xabbadooda ay  kaga yaalaan Xabadka  iyo Madaxa.

Taliyaha ayaan la garanayn inuu isagu is dilay iyo in la dilay, waxaana marxuumka ku tiilay 4-Xabadood, iyadoo laga helay sariirtiisa korkeeda, mana jirin wax hub ah oo xiligaasi agtiisa yaalaysida ay sheegeen Ehelada Marxuumkaasi.

Warbaahinta ayaa sheegtay inuu isagu is dilay, iyadoo Guddoomiyaha Xisbiga PND ee dalka Jabuuti Aadan Rooble Cawaale uu  sheegay in dilka taliyaha ay ka soo baxayaan warar kala duwan, iyadoo Aadan uu sheegay in ehellada taliyuhu ay rumaysan yihiin in la dilay Taliyaha.

Dowladda Jabuuti ayaa la sheegayaa inay wado baaritaan la xariira arrintaasi, iyadoo Ehellada Marxuumka ay sheegeen inaysan ku qanacsanayn baaritaankaasi  ay Dowladdu waddo, iyadoo Madaxda dalkaas aysan weli ka haldin dilka taliyaha, iyadoo ciidanka uu hoggaaminaayay taliyahaasi ay yihiin kuwo laf dhabar u ah Ciidanka Jabuuti.

Taliyahan dilkiisa  ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Baarlamaanka dalkaasi ay mudada  uu isku taagi karo doorashada Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay kordhiyeen, taasoo ay kooxaha mucaaradka ah ee dalkaas si weyn u dhaliileen.

Dhanka kale waxaa falkaasi dilka ah ee Taliyihii ciidamada Ilaalada Qaranka dalka Jabuuti ayaa waxaa cambaareeyay  Mucaaradka kasoo horjeeda Dowladda Ismaaciil Cumar Geelle ee ku sugan dalka dibaddiisa, iyagoo sheegay inay ka xun yihiin geerida ku timid Taliyaha.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Wasaarad iska fogeysay eedeyn loo jeediyay

Wasiirka Lacagta Dowladda KMG Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa si kulul uga jawaabay eedeyn shalay uga timid Gudiga Maaliyada Baarlamaanka, kaas oo ahaa in Wasaarada Lacagta ay ku lug leedahay lunsashada hantida qaranka, isagoo eedeymahaas ku tilmaamay mid xaqiiqda ka fog.

Eng. Yariisow ayaa xusay in Wasaaradiisa ay qaabilsan tahay kaliya soo xareynta dakhliga, hase ahaatee wasaarada Maaliyada ay tahay mid leh amarka lacagaha lagu bixinayo, waxaana uu sheegay in Gudiga Maaliyada ay soo gudbiyeen warbixin aan sal iyo raad toona laheyn.

“Runtii eedeyntaas waxaan aaminsanahay in ay tahay mid xaqiiqda ka fog, wasaarad ahaan anaga waxaan qaabilsan nahay dakhli uruurinta”ayuu yiri Wasiirka Lacagta.

Mar sidoo kale uu ka jawaabayay eedeyn uga timid Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo wasiirnimadiisa ay shaki ku gelisay, ayuu sheegay in sharcigaas mar hore baarlamaanka uu meel mariyo, balse ay tahay dacaayad shaqsiyadeed oo ay ka soo yeertay xildhibaanadaas.

Maalintii shalay ayay aheyd markii Gudiga Maaliyada Baarlamaanka ay eedeyn u soo jeediyeen Wasiirada Maaliyada iyo Lacagta, kaas oo ahaa in ay lunsadeen hantidii qaranka, iyadoo eedaha Xildhibaanadaas ay si gaar ugu jeediyeen Wasiirka Maaliyada, waxayna ka codsadeen AMISOM in xayiraad ay ku soo rogaan Shariif Xasan

Posted in DhacdooyinComments (0)

Dowlada Switzerland oo xayiraad ku soo rogtay Ururo iyo Shaqsiyaad xag jir ah oo ka dagaalama Somaliya

Dawladda Switzerland ayaa xayiraad ku soo rogtay Ururo iyo Shaqsiyaad xag jir ah oo ka dagaalama Gudaha Somalia oo isugu jira Soomaalida iyo Ajanabi.

Go’aan ay Maanta Dawladda Switzerland meel marisay ayaa lagu mamnuucay in dalkeeda ay soo galaan Dadka ka tirsan Kooxaha Argagixisadda ah ee ka dagaalama Gudaha Somalia.

Iyadoona ay sidoo kale Dawladdaasi ballan qaaday inay xayirayso Hantida ay leeyihiin Dadka ka tirsan Kooxaha Somalia ka dagaalama ee Xiriirka la leh Al-Qaacidda.

Waxaana ay Switzerland soo saaray Black List ay ku qoran yihiin illaa iyo 8 Qof oo Soomaali iyo Ajanabi ah kuwaasoo qayb ka ah Dagaaladda Somalia ee lagala soo horjeedo Dawladda Sharciga ah ee Somalia iyo Hawlgalka Nabad Illaalinta Midowga Afrika.

  1. A. Liiska 8-da Qof ee laga mamnuucay Dalka Switzerland Hantidoodana la xayiray.

 

1-Yasin Ali Baynah oo dhashay 1966, Soomaali ah, haystana Dhalashada Sweden, digannaRin-keby, Stockholm, Sweden; Mogadishu, Somalia

2-Hassan Dahir Aweys Waa Muwaadin Soomaali ah, haysta dhalashada Wadanka Somalia, waxa uuna dhashay 1935, waxa uu dagan yahay Wadamada Somalia iyo Eritrea. Waana Horjoogaha ugu sareeya Kooxda Xisbul Islaam.

3-Hassan Abdullah Hersi Al-Turki waxa uu ku dhashay Kilinka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya, sannadkii 1944, Waa Muwaadin Soomali ah, waxa uuna dagan yahay Somalia.

4-Ahmed Abdi aw-Mohamed Godane waxa ay Shabaabku ugu yeeraan Mukhtar Abdirahman Abu-Zubayr, waa Horjoogaha ugu sareeyay Horjoogayaasha Soomaalida ah ee Kooxda Al-Shabaab, waxa uuna ku dhashay 10-kii July 1977 Deegaanada Waqooyi Galbeed ee Somalia, Waana Nin Soomaali ah.

5-Fuad Mohamed Khalaf Shongole, Waa Soomaali haysta Baasaboor laga kansalay oo Swedish ah, waxa uuna dagan yahay Somalia.

6-Bashir Mohamed (Bashir Qorgab), waxayna Al-Shabaab-ku u yaqaanaan Abuu Muscab, waxa uu dhashay 1982, waana Nin Muwaadin Soomaali ah.

7-Mohamed Sa’id  Atom; waa Nin Soomali ah oo dhashay  1966 waxa uuna dagan yahay Magaaladda Badhan ee Somalia.

Ajanabi

8-Fares Mohammed Mana’a  waxa uu dhashay  February 8, 1965 waxa uu ku dhashay Magaalada  Sadah, Yemen, waxa uu haystaa Baasaboor Tirsigiisu yahay: 00514146; waxaana laga bixiyay Baasaboorkaasi Magaalada Sanca ee Wadanka Yemen, waxa uu leeyahay Ninkani ID Card tirsigiisu yahay: 1417576; oo laga soo saaray Al-Amana, Yemen, taariikhdu markeey ahayd January 7, 1996

Shaqsiyaadkani ayaa horay waxaa sidan oo kale Xayiraad Socdaalka ah iyo Hantidoodaba ah ku soo rogtay Dawladda Maraykanka, waxayna ka mid yihiin Liiska Caalamiga ah ee Argagixisadda Caalamka. Waxaana Sidoo kale Dalka Switzerland laga mamnuucay Kooxda Al-Shabaab oo horay Wadamo badan oo Caalamka ah oo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Australia, Maraykanka iyo Dalal kalaba u aqoonsadeen Argagixiso Caalami ah.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Meydka wiil dhalinyaro ah oo saaka lagu arkay inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

Meydka wiil dhalinyaro ah oo aan la aqoonsan ayaa saaka waabarigii lagu arkay inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha, halkaasoo ay ku sugan yihiin Ciidamada Ahlu Sunah iyo maleeshiyada Shabaabka.

Sida ay soo sheegeen dadka deegaanka Meydkan wiilka dhalinyarada ayaa da’diisa lagu qiyaasay 18-20 jir, waxaana jirkiisa ka muuqday rasaas kaga taalay qeybaha hore ee jirkiisa.

Dadkii saaka u kalahay Suuqa Bakaaraha ayaa inoo sheegay in Meydkan uu yaalay nawaaxiga Baar Raaxo oo fariisin ku leeyihiin Ciidamada Ahlu Sunah, waxaana si dhab loo ogeyn cida dishay.

Wadada isku xirta Isgoyska Dabka iyo Isgoyska Bakaaraha ayaa todobaadyadii u dambeysay gashay xaalad ciidan, kadib markii ay fariisimo isu muuqda ka kala sameysteen Ahlu Sunah iyo Shabaab.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayay aheyd markii Meydad kala duwan lagu arkay agagaarka isgoyska Bakaaraha, kuwaasoo qaarkood ahaa kuwa madaxa laga gooyay, hase yeeshe raadka kooxda dhibka geysatay ayaa waxaa uu ahaa shabaab.

Posted in DhacdooyinComments (1)

Burcad badeeda oo afduubtay markab laga leeyahay Bulgaria

Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah ee ku sugan biyaha gacanka cadmeed ayaa afduubtay markab laga leeyahay wadanka Bulgaria.

Sida laga soo xigtay hay’adda maamulka badaha ee dowladda Bulgaria kooxaha burcadbadeeda Soomalida ayaa markabakaan oo ay saran yihiin 15 qofood oo Bulgarian ah gacanta   ku dhigay xilli uu marayay meel ku dhow Yemen.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee wadanka Bulgaria ayaa ku warantay in markbakaan oo lagu magacaabo MVBenega oo qaada waxyaabaha kiimikada  uu ka yimid dhinaca badda cas isagoo ku sii jeeday wadanka Pakistan.

Warkaan ayaa ugu horrayn kasoo baxay ciidamada badda ee midowga Yurub ee ku sugan xeebaha wadanka Soomaaliya ee   Atlanta,  kuwaa oo sheegay in markabka laga afduubtay meel 100 mile bari uga aadan magaalada cadan ee dalka Yamen.

Ciidamada midowga yurub ayaa isku dayay in ay la tacaalaan markabaka la afduubtay , ayadoo dowladda Bulgaria ay sheegtay in ay ku dadaalayso sii daynta markabkaas.

Markabka Benega ayaa ah markabkii ugu horreeyay ee isagoo wata calanka Bulgaria lagu afduubta biyaha Soomaaliya , sidoo kale waxaa jira 13 kale oo badmaaxiin Bulgarian  oo lagu heysto biyahay Soomaaliya

Posted in DhacdooyinComments (0)

WAR DEG DEG: Mid ka mid ah Wasiirada Dowladda KMG oo is casilay

Wararka naga soo gaaraya magaalada muqdisho ayaa sheegaya in mid ka mid ah Wasiirada Dowladda KMG oo iska casilay ka mid ahaanshihiisa Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Prof. Maxamed Cali Ibraahiim oo ahaa Wasiirka Daryeelka iyo Naafada ayaa istiqaaladiisa waxaa uu goor dhow u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, taasoo uu ku cadeeyay inuu iska casilay xilkiisa.

Xiriiro aan la sameynay Wasiirka goor dhoweyd ayaa waxaa uu ku xaqiijiyay inuu iska casilay xilkiisa, isla markaana uu u gudbiyay istiqaaladiisa Ra’iisul Wasaaraha, inkastoo aanu wax aqbalaad ah uusan ka helin.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Prof. Maxamed Cali Ibraahiim ayaa ka mid ahaa Xubnihii Isbaheysiga Dib u xoreynta ARS-ta ee ku milmay Dowladda Soomaaliya.

Prof. Maxamed Cali Ibraahiim ayaa lagu xusuustaa xilligii Midowgii Maxkamadaha Islaamka oo ahaa Madaxii Wafdigii Maxaakimta ee u qaabilsanaa wada xaajoodkii Khartoum ee Dowladdii Madaxweyne Yuusuf iyo Midowgii Maxaakimta

Lama oga ilaa iyo hada sababaha ka dambeeyay is casilaadiisa, hase ahaatee arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli dhowaan lagu wado in isku shaandheyn lagu sameeyay Golaha Wasiirada Soomaaliya

Posted in DhacdooyinComments (0)

Xisbul Islaam oo gacantooda ka bixi rabta degaanka ceelasha biyaha

Maleeshiyada la Magac baxday Xisbul Islaam ayaa habeenkii xalay Bandow ku soo rogtay Deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana la arkayay maleeshiyaadkaasi oo dadka u diidaya in ay sameeyaan wax dhaqdhaqaaq ah.

Bandowgan oo bilaabanayay maqribnimadii xalay ayaa ka danbeeyay kadib markii Habeen hore Bam gacdmeedyo lagu weeraray fariisimo ay maleeshiyaadkaasi ku lahayeen deegaanka ceelasha Biyaha, waxaana Maleeshiyaadkaasi ay habeenkii xalay jirdil xoogan u geeysanayeen cid kasta oo ay arkaan,  gaar ahaan dadka rayidka ah ee wadooyinka iska maraya,  kuwaas oo aan hore loogu wargelin Bandoowgaasi.

Maleeshiyadan ayaa waxay ka cabsanayaan weerarada hubeysan oo uga imaanaya dhinaca dablayda shabaab, waxaana la soo sheegaya in shabaabka kooxo bastoolado iyo bambooyin wata ku daadiyeen degaanka ceelasha biyaha si ay u dilaan saraakiisha xisbul islaam.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Ciidamada Dowladda KMG ah ee Gobolada Baay iyo Bakool iyo Ahlu sunna oo isku biiray

Sarkaal ka tirsan culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo gudoomiyihii gobolka Bay ee dowladda KMG C/fitaax Ibraahim Geeseey ayaa si wadajir ah u sheegay in ay isku biireen maamulka Gobolka Bay ee dowladda KMG iyo Saraakiisha Ahlu Sunna ee ku sugan gobolka Gedo.

Sheekh Max’ed Xuseen Al Qaadi oo ka mid ah saraakiisha culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolka Gedo ayaa waxaa uu sheegay in ay midoobeen iyaga iyo Maamulka gobolka Bay ee dowladda kadib markii mudo 3 todobaad uu wahadal uga socday degmada Doolow ee gobolka Gedo, waxaana uu sheegay in iyagoo mideysan ay la dagaalami doonaan dhinacyada ka soo horjeeda ee ku sugan gobolada Bay iyo Gedo.

Waxaa hadda la abaabulayaa ciidamo wada socda oo Labada dhinaca ka kooban kuwaas oo dagaal la geli doonaan maleeshiyada shabaab ee ku sugan Gobolada Baay iyo Bakool.

Talabadaani ay isugu biireen ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolka Gedo iyo Maamulkii dowladda ee gobolka Bay ayaa imaanaysa iyadoo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo dowladda KMG ay heshiisyo ku kala saxiixdeen Magaalada Muqdosho

Posted in DhacdooyinComments (0)

advert

Waaxyaha

fiirin bog

Pictures

PHVsPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZHNfcm90YXRlPC9zdHJvbmc+IC0gdHJ1ZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX2ltYWdlXzE8L3N0cm9uZz4gLSAgaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3VwbG9hZHMvMjAwOS8xMC9zb21hbGktcGlyYXRlczIuanBnPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfaW1hZ2VfMjwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMTAvZmFyb2xlMi5qcGc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF9pbWFnZV8zPC9zdHJvbmc+IC0gIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMTAvc2hhYmFiZGFsa2EyNDEuanBnPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfaW1hZ2VfNDwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMTAvYW1pcl9hcnRzMTIuanBnPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfbXB1X2Fkc2Vuc2U8L3N0cm9uZz4gLSA8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF9tcHVfZGlzYWJsZTwvc3Ryb25nPiAtIGZhbHNlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfbXB1X2ltYWdlPC9zdHJvbmc+IC0gIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMTAvMDUveGFuYWZpMTMtMTUweDE1MC5qcGc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF9tcHVfdXJsPC9zdHJvbmc+IC0gIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vaW5kZXgucGhwLzIwMTAvMDUvYWxsYWhhLXUtbmF4YXJpaXN0by1zaC1udXItbWF4ZWQtYWJrZXktb28tcmFkaW8tbXVxZGlzaG8ta2EtdGlyc2FuYWEtYXlhYS1jYWF3YS1rb294ZGEtc2hhYmFhYi1rdS1kaWxlZW4tc3V1cWEtYmFrYWFyYWhhLzwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3RvcF9hZHNlbnNlPC9zdHJvbmc+IC0gPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfdG9wX2Rpc2FibGU8L3N0cm9uZz4gLSBmYWxzZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3RvcF9pbWFnZTwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMDkvYWQuZ2lmPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfdG9wX3VybDwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cud29vdGhlbWVzLmNvbTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3VybF8xPC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy53b290aGVtZXMuY29tPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfdXJsXzI8L3N0cm9uZz4gLSAgaHR0cDovL3d3dy5hbGxwdW50bGFuZC5jb20vYXJ0aWNsZS9hbm12aWV3ZXIuYXNwP2E9NjI0MSZ6PTI8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF91cmxfMzwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vaW5kZXgucGhwLzIwMDkvMTAvc2hhYmFhYi1vby1hYWQtdWdhLXFhcnNhbmF5YS1zaXJ0b29kYS14aXNidWwtaXNsYWFtLzwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3VybF80PC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy5hbWluYXJ0cy5jb208L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hbHRfc3R5bGVzaGVldDwvc3Ryb25nPiAtIGdyZWVuLmNzczwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2F1dGhvcjwvc3Ryb25nPiAtIGZhbHNlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYXV0b19pbWc8L3N0cm9uZz4gLSB0cnVlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fY3VzdG9tX2Nzczwvc3Ryb25nPiAtIDwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2N1c3RvbV9mYXZpY29uPC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3dvb191cGxvYWRzLzMtZmF2aWNvbi5pY288L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19mZWF0dXJlZF9jYXRlZ29yeTwvc3Ryb25nPiAtIFdhcmFya2Ega29vd2FhZDwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2ZlYXRfZW50cmllczwvc3Ryb25nPiAtIDE5PC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fZmVlZGJ1cm5lcl9pZDwvc3Ryb25nPiAtIDwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2ZlZWRidXJuZXJfdXJsPC9zdHJvbmc+IC0gPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fZ29vZ2xlX2FuYWx5dGljczwvc3Ryb25nPiAtIDxzY3JpcHQgdHlwZT1cInRleHQvamF2YXNjcmlwdFwiPg0KdmFyIGdhSnNIb3N0ID0gKChcImh0dHBzOlwiID09IGRvY3VtZW50LmxvY2F0aW9uLnByb3RvY29sKSA/IFwiaHR0cHM6Ly9zc2wuXCIgOiBcImh0dHA6Ly93d3cuXCIpOw0KZG9jdW1lbnQud3JpdGUodW5lc2NhcGUoXCIlM0NzY3JpcHQgc3JjPVwnXCIgKyBnYUpzSG9zdCArIFwiZ29vZ2xlLWFuYWx5dGljcy5jb20vZ2EuanNcJyB0eXBlPVwndGV4dC9qYXZhc2NyaXB0XCclM0UlM0Mvc2NyaXB0JTNFXCIpKTsNCjwvc2NyaXB0Pg0KPHNjcmlwdCB0eXBlPVwidGV4dC9qYXZhc2NyaXB0XCI+DQp0cnkgew0KdmFyIHBhZ2VUcmFja2VyID0gX2dhdC5fZ2V0VHJhY2tlcihcIlVBLTc1Nzc0Ny0xOFwiKTsNCnBhZ2VUcmFja2VyLl90cmFja1BhZ2V2aWV3KCk7DQp9IGNhdGNoKGVycikge308L3NjcmlwdD48L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19ob21lPC9zdHJvbmc+IC0gdHJ1ZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2hvbWVfdGh1bWJfaGVpZ2h0PC9zdHJvbmc+IC0gNTc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19ob21lX3RodW1iX3dpZHRoPC9zdHJvbmc+IC0gMTAwPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29faW1hZ2Vfc2luZ2xlPC9zdHJvbmc+IC0gZmFsc2U8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19sb2dvPC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3dvb191cGxvYWRzLzQtZGFsa2FfbG9nby5wbmc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19tYW51YWw8L3N0cm9uZz4gLSBodHRwOi8vd3d3Lndvb3RoZW1lcy5jb20vc3VwcG9ydC90aGVtZS1kb2N1bWVudGF0aW9uL2dhemV0dGUtZWRpdGlvbi88L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19yZXNpemU8L3N0cm9uZz4gLSB0cnVlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fc2hvcnRuYW1lPC9zdHJvbmc+IC0gd29vPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fc2hvd19jYXJvdXNlbDwvc3Ryb25nPiAtIHRydWU8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19zaG93X3ZpZGVvPC9zdHJvbmc+IC0gdHJ1ZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX3NpbmdsZV9oZWlnaHQ8L3N0cm9uZz4gLSAxODA8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19zaW5nbGVfd2lkdGg8L3N0cm9uZz4gLSAyNTA8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb190YWJzPC9zdHJvbmc+IC0gZmFsc2U8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb190aGVtZW5hbWU8L3N0cm9uZz4gLSBHYXpldHRlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fdXBsb2Fkczwvc3Ryb25nPiAtIGE6Mjp7aTowO3M6NjI6Imh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC93b29fdXBsb2Fkcy80LWRhbGthX2xvZ28ucG5nIjtpOjE7czo1OToiaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3dvb191cGxvYWRzLzMtZmF2aWNvbi5pY28iO308L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb192aWRlb19jYXRlZ29yeTwvc3Ryb25nPiAtIFZpZGVvPC9saT48L3VsPg==