Ururka Hizbul Islaam, ayaa sheegay in ay musiga idaacadaha la saaro mamnuuceen, wakhti kama dambays ahna u qabteen.
Madaxa ururkaas ee Gobolka Banadir, Macallin Xaashi Faarax, oo shir jaraaid ku qabtay Muqdishu ayaa sheegay, in ay toban maalmood u qabteen Idaacadaha, in ay ku joojiyaan Musiga iyo heesaha.
Macaliin Xaashi wuxuu sheegay in idaacadii fulin wayda amarkaas ay talaabo ka qaadayaan.
Wxuu kale oo uu faahfaahin ka bixiyey dadka shisheeyaha ah ee ka barbar dagaalama kooxaha islaamiyiinta ah, in aan loogu yeerin ajaanib, balse dadkaa la joogaa yihiin mujaahidiin muhaajiriin ah.
Wuxuu ajaanib ku tilmaamay ciidamada xukuumada Somalia taaageera.
Macalin Xaashi Faarax wuxuu intaas ku daray, in haddii ay u suurtowdo ay Xisbul Islaam dalka Somalia ku marti qaadayaan Hogaamiyaha Al Qaeda, Osama Ben Laden






