Magaalada muqdisho ayaa labadii maalmood aynu soo dhaafnay waxaa ku soo qulqulaya xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda KMG ah ee Somaliya kuwaas oo ku kala aragti duwan xiisada siyaasadeed ee hadda ka dhex taagan baarlamaanka iyo madaxda Dowladda KMG ah.�

Xildhibaanadani oo badankood ka soo kicitimay garoonka Joma Kenyata Airport ee magaalada Nairobi ayaa ka degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaana tiradoodu ay ahayd ku dhowaan 40 mudane oo dhamaantood kawada tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada Maanta yimid ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax, xildhibaan Gabyoow, xildhibaan Afaraale iyo kuwo kale oo badan kuwaasi oo mudo bilooyin ah dalka ka maqnaa.
Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo kamid ahaa xildhibaanadii maanta ka soo degay Muqdisho ayaa sheegay in sababta ay u yimaadeen ay tahay in ay gutaan waajibaadkooda qaran ee ka saaran Baarlamaanka, taasi oo uu ula jeeday in ka qaybgalka fadhiyada Baarlamaanka ee dhowaan ka furmi doona magaalada Muqdisho.
Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in fadhiyada baarlamaanka ka bilawdo xaruntii golaha shacabka ee Dowladdii hore soomaaliya, iyadoo laga cabsi qabo in xubnaha Baarlamaanka dagaal siyaasadeed kulul isku qaadan.







