Maleeshiyada Al shabaab ayaa bilaabay inay taageero iyo gabaad ka raadiyaan beelo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed gaar ahaanna Digil iyo Mirifle.
Xubno Shabaabka ka tirsan oo uu hor kacayo nin lagu magacaabo Sheekh Ibraahim ayna ka mid ahaayeen xubno ajaaniib ah ayaa waxay u baqooleen Magaalada Baydhabo iyagoo kulan dhex dhexaadin ah la qaatay Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ay kala xaajoodeen xurgufta adag ee u dhaxeysa isaga iyo Axmed Godane oo isku maandhaafsan adeegsiga awooda shabaabka kuwooda Soomaalida ah.
Kulankaasi kaddib waxay Wafdiga oo uu ku biiray Mukhtaar Roobow bilaabeen inay kulamo la qaatay beelo ka mid ah beelaha Digil iyo Mirifle iyagoo si guudna odayaal ula shiray si gaar ahna ula shiray odayaasha beelaha Luwaay, Hubeer iyo Geeledle, kuwaas oo ay u bandhigeen inay soo dhoweeyaan waxa ay ugu yeereen mujaahidiinta gaar ahaanna kuwooda ajaaniibta ah.
Odey ka mid ah odayaasha beelaha Luway ee ku sugnaa Ufurow oo uu ka dhacay kulanka shabaabka iyo Luwayga ayaa yiri, waxaa nala jooga madaxda Shabaabka, waxay nagu yiraahdeen na soo dhoweeya oo gabaad na siiya, anaga dhul beereed uun baan qabnaaye ma heysano hawd iyo buuro aan ku qarino.
Wuxuuna odaygaas oo magiciisa qariyey intaas ku daray inaysan awood u laheyn inay shabaabka ku yiraahdaan idinma soo dhoweyn karno laakiin aysan raali ka aheyn inay deegaankooda soo degaan shabaabka.
Sidoo kale Horjoogayaasha shabaabka waxay odayaasha Beelaha Hubeer iyo Geeledle kula kulmeen deegaanka Raama Caddeey oo u dhow Idaale, halkaas oo ay kaga codsadeen inay soo dhoweeyaan Mujaahidiinta gaar ahaanna kuwooda ay ku tilmaameen muhaajiriinta, hase yeeshee odayaasha ayaa la sheegay inay muujiyeen inaysan damaanad qaadi karin dagaal yahanada shabaab, balse aysan awood u laheyn inay deegaankooda u diidaan maadaama ay yihiin dad beeraley iyo xoolaley ah oo ay shabaabka xoog ku heystaan deegaanadooda.
Markii ay shabaabka ku hungoobeen inay odayaasha beelahaasi ka soo helaan balan qaad ayey magaalada Baydhabo kulan qarsoodi ah kula qaateen odayaal ka tirsan beelaha Leysaan iyo Hadamo, kuwaas oo ay ka codsadeen inay gabbaad siiyaan, hase yeeshee waxay odayaashaasi shabaabka ku xireen shuruud adag oo ah in marka hore maamulka gobaladooda iyaga ku wareejiyaan oo u madax baneeyaan.
Odey ka mid ahaa odayaashii kulanka ka qeyb galay oo magiciis u qariyey sababo ammaan ayaa sheegay inay Shabaabka codsi u soo jeediyeen laakiin ay shuruudo ku xireen.
WUXUU yiri, waxaan ku dhahnay haddii aad dooneysaan inaan idin soo dhoweyno marka hore deegaankeena maamulkiisa nagu soo wareejiya, maamul gobaleed ayaan u dhisaneynaa, anagaa maamul u dooraneyna, markaas ayaad marti noo noqoneysaan, haddase idinkaa na heysta oo aan deegaankeenii marti idin kugu nahay.
Isku day ay shabaabka ku doonayeen inay kula kulmaan beesha Hariin ayaa fashilmay kaddib markii odayaasha Hariin ay ka cudur daarteen inay la kulmaan horjoogayaasha shabaabka.
Shabaabka ayaa waxay doonayeen inay beesha Hariin ka codsadaan in mucaskar laga siiyo deegaanka Saydheelow oo u dhow xabsigii caanka ahaa ee labaatan jiroow hase yeeshee odayaasha oo waxa laga codsan doono ka sii war helay ayaa waxay ka cudur daarteen kulankii ay shabaabka la qaadan lahaayeen.
Shakiga ay beelaha Soomaaliyeed ka qaadeen kooxdan shabaabka ayaa wuxuu salka ku hayaa iyadoo ay beel walba ka baqeyso inay shabaabka ka dilaan wax garadka sidii ay ku sameeyeen Deegaanada Raaskambooni, Dhoobley, Afmadoow, Ceelbuur iyo Dhuusamareeb oo markii lagu soo dhoweeyey ay bilaabeen inay dadkii soo dhoweeyey ka dileen odayaashii dhaqanka, Culumaa u diinkii iyo aqoon yahankii.






