Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya Maleeshiyo ka wada tirsan Kooxda Al-Shabaab uu ka dhacay nawaaxiga degmada Waajid ee gobolka Bakool.
Dagaalkan ayaa sida ay sheegayaan dadka deegaanka waxa uu salka ku hayaa qaybsiga hantidii ay dhowaan maleeshiyada Kooxdaasi Shabaab ka bililiqeysteen xaruntii hay’adda WFP ay ku lahayd degmada Waajid ee gobolka Bakool, waxaana dagaalkaasi uu sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo wada gaaray maleeshiyadan kawada tirsan Al-Shabaab.
In ka badan 10 maleeshiyada Shabaab ah oo ay ku jiraan horjoogayaal ayaa la xaqiijiyey in dagaalka ay ku dhinteen tiro intaasi ka badanna ay ku dhaawacmeen maadaama dagaalku uu ahaa mid socday xalay ilaa iyo Saakay.
Maxamed Macalin oo ah gudoomiyaha maamulka degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegay in dagaalkani uu ka turjumayo sida ay maleeshiyooyinkan xitaa waxa ay soo dhacaan aysan u qaybsan karin, isagoona xaqiijiyey jiritaanka dagaalka.
Waxa uu sidoo kale tibaaxay in iminka dhankooda ay wadaan qorshayaal ku aadan sidii maleeshiyada Shabaab dagaal ka dhan ah dhowaan u qaadi lahaayeen ciidamada Dowladda, isagoona rajo ka muujiyey in dadka deegaanku iminka yihiin kuwo ka daalay dhibaatooyinka ay kooxdaasi ku hayaan islamarkaana goboladaasi ay la wareegi doonaan dhamaanba degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Bakool.






