Wararka naga soo gaaraya Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada shabaab ay ku dhex kufsadeen gudaha Xabsiga dhexe ee Marka Gabar maalmo ka hor halkaas lagu soo xiray.
Ehelada Gabadha la kufsaday iyo dad kale oo ku sugan Marka ayaa laga soo xigtay warka ah in gabadhaas la kufsaday xilli habeen ah iyadoo ku xiran Xabsiga Magaalada Marka.
Waxaa kufsaday Gabadha koox shabaab ka tirsan oo Xabsiga ilaalo ka ahaayeen sida uu sheegay goobjoogu ku sugan Marka.
Gabadha la kufsaday ayaa la soo xiray iyadoo aan wax dambi ah gelin, waxaana jira warar sheegaya in gabadhaas guur ka diiday nin ka tirsan dablayda shabaab.
Talaabada foosha xun ee maleeshiyada shabaab ka sameeyen Marka ayaa waxaa kaloo ka mid ah in maalintii daraad ahayd meel faqaaro ah ku garbaasheen gabar kale oo iyadana ka mid ah dadka magaalada Marka degan,taas oo lagu magacabo Jokaliina sida uu sheegay mid ka mid ah dadka degan magaalada Marka.
Dhalinyarada ka tirsan dablayda shabaab ayaa waxay mar walba ku qasbaan gabdhaha yar yar ee hadda soo baxay in ay guursadaan dagaalyahanada ajanabiga ee ka barbar dagaalama shabaab iyadoo midi diidana loogu hanjabo in la dili doono.






