Maleeshiyada Shabaab ayaa bilaabay in ay la wareegaan Masaajidada ay shacabku ku cibaadeystaan ayagoo u bedelaya goobo ay afkaarahooda ka gudbiyaan iyo goobo dagaalka laga huriyo.
Dablayda Shabaab ee dulaanka ku soo qaaday dadnimada iyo diinta Islaamka ee ay dadka shacabka Soomaaliyeed ay heystaan ayaa waxa ay billaabeen in ay la waregaan si xoog ah Masaajidada waa wayn oo ku yaala gudaha magaalada Muqdisho.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in maleeshiyadu ay la wareegeen Masaajidyo ay ka mid yihiin Nasrudiin iyo Abaa Hurayra, kuwaas oo ay si xoog ah uga cayriyeen Imamyadii iyo culimadii casharada diinta Islaamka halkaasi ka faafinayay, waxeyna ku bedaleen dad ayaga u gaar ah oo Masaajidda ka faafiya afkaartooda ku saabsan in wax la dhibaateeyo.
Arrintaan ku aadan la wareegitaanka masaajidda ee maleeshiyada Shabaab ayaa dad badan ay ku macneeyeen qaab ay maleeshiyadu ay ku doonayaan in dadka shacabka ah ay ugu gudbiyaan falalkooda gurracan, kadib markii ay dareemeen in dadku ay guud ahaanba ka soo horjeedaan kooxada Shabaab ee aqoonsigeedu noqday daadinta dhiigga shacabka muslimiinta ah.






