Iska hor imaad hubeysan ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana Iska hor imaadka uu ahaa mid ku dhufo oo ka dhaqaaq oo lagu qaaday Bar koontarool ay leeyihiin Shabaabka.
Wararka ayaa sheegaya in Maleeshiyo Hubeysan ay xalay saqdii dhexe weerar ku qaadeen Koontaroolka lagu magacaabo No Une ee Bariga magaalada Jowhar, halkaasoo ah fariisin Shabaab ku sugan yihiin.
Inkastoo aan la soo sheegin wax qasaare ah, ayaa hadana waxaa xalay guud ahaan laga maqlayay rasaasta culus ee ka dhacayay qoryaha daran dooriga u dhaca.
Xaafada Horseed oo u dhow Koontaroolka No Une ayaa waxaana dadka ku dhaqnaa xaafadaas ay hurdada kaga salaleen rasaasta la is weydaarsanayay, kaasoo ku reebay qal qal iyo cabsi.
Mid ka mid ah dadka degan Xaafada Horseed ayaa sheegay in ay mar kaliya ku tooseen qoryaha daran dooriga u dhaca iyo kuwa garbaha laga rido oo ahaa mid lagu weeraray dablayda Shabaab.
Habeenimadii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Jowhar ka jiray cabsi ku aadan dagaalo ka dhacay, kadib markii deegaanada Gobolka Sh/Dhexe ay ka curteen kacdoono dadka deegaanka ay uga soo horjeedaan Al-Shabaab.






