Dablayda Shabaab ayaa soo bandhigtay muuqaalka raggii fuliyay weerarkii is qarxinta ee Isniintii lala beegsaday Ciidamada AMISOM, gaar ahaan Xarunta Bankigii Ganacsiga Soomaaliyed ee Degmada Shingaani.
Afhayeenka Alshabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa saxaafada u soo bandhigay muuqaalka labo dhalinyaro ee fulisay weerarka ismiidaaminta iyo gaarigii lagu fuliyay walxaha qarxa.

Cali Dheere ayaa ka hor inta aan weerarka ismiidaamin lagu qaadin fariisimaha cusub ee Ciidamada AMISOM waxaa uu tusiyay warbaahinta shaxda ay u dajiyeen weerarkaas oo ahaa qariirad halka bartilmaameedku yahay, iyadoo muuqaal Video ah loogu sharaxay dhalinyarada fulisay weerarka is qarxinta.

“Qariiradan aad u jeedaan, waa halka hadafku yahay, meesha baaba’day ee Bankigii Ganacsiga ayuu bartilmaameedku yahay”ayuu yiri Cali Dheere oo intaa ku daray in ay soo bandhigi doonaan qasaaraha kale ee AMISOM ka soo gaaray qaraxaas.

Waxaa uu ku sheegay magacyada labada dhalinyaro ee fulisay weerarkaas Axmed Yuusuf iyo C/llaahi Yaasiin Caraale, waxaana uu yiri “Dhalinyaradaas Istishhaadkooda Alle haka aqbalo”.

Muuqaalka Labada dhalinyaro ayaa ka muuqda iyagoo waraaqo ay ku qoran yihiin magacyada Abuu Cumar Al-Baqaadi iyo Abuu Xamsa Al-Muhaajir ay ahaayeen mid weerarkaas ay ugu aar gudayeen, kuwaasoo todobaadkii hore lagu dilay dalka Ciraaq.
Weerarkan is qarxinta ee lagu qaaday AMISOM ayaa ah kii lixaad oo lala beegsado Ciidamada AMISOM, tan iyo markii sanadkii 2007-dii ay soo gaareen Caasimada Muqdisho, iyadoo qasaarihii ugu cuslaa uu ahaa weerarkii bishii September ee sanadkii hore lala beegsaday Xaruntooda ugu weyn ee Xalane.
Shabaab ayaa horay weeraro ismiidaamin oo ay sheegteen ku dilay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda KMG oo uu ka mid ahaa Wasiirkii hore ee Amniga Qaranka Cumar Xaashi Aadan, iyadoo weeraradan ay calaamad u tahay sida Shabaab xiriir dhow iyo mid soke ula leeyihiin Urur weynaha Al-Qaacida






