Wararka ka imaanaya Magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in qaar ka tirsan Saraakiishii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ay kulan gaar ah ku yeesheen Jabuuti.
Saraakiishaasi ayaa la sheegay inay kulankaasi uga hadlayeen arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay xaaladda dalka Soomaaliya, waxayna saraakiishaasi isla soo qaadeen sidii dalka Soomaaliya looga soo afjari lahaa dagaalada aan dhamaadka lahayn.
Col Axmad Shire Cabdi oo ka mid ahaa saraakiisha kulankaasi ka qeybgashay ayaa sheegay in qeybaha kala duwan ee bulshada looga baahan yahay in ay u guntadaan sidii dalka dhibaatada amni darro looga saari lahaa, islamarkaana ay taageeraan Dowlada KMG ah.
Sarkaalkaasi ayaa waxa kale oo uu sheegay in colaadda ka sii socota Soomaaliya ay sababtay in dad badan ay badaha ku dhamadaan, halka kuwa kalena ay dibad joog ku yihiin wadamada Soomaliya dariska la ah iyo kuwa caalamka






